Kooxda Valancia oo Ciyaar yahan ka rabto Man United, hadii ay fasaxaan Kabtankooda Soldado?

0
127

imagesW.Wararka: Naadiga Valencia ee ka ciyaara La Liga Spain ayaa wal wal weyn ka qaba inuu gacmahooda ka baxo Weerar yahankooda Roberto Soldado oo si weyn looga hayn kari la yahay Kooxda Tottenham ee ka tirsan Horyaalka Ingiriiska ee Premier League, oo u arka badelka ciyaar yahankooda ku sii siqaya inuu noqdo ciyaar yahanka Dunida ugu qaalisan oo madaxiisa kooxda Real Madrid ku yaboohday aduun dhaafaya kii dhawr sano ka hor ay ka bixiyeen Cristiano Ronaldo.

Wakiilo ka socda kooxda Valancia ayaa kulan la qaatay Wakiilada xidiga reer Mexico Javier Hernandez isla markaasna ay kala hadleen mustaqbalka xidigaas iyo sidii ay ula wareegi lahaayeen ciyaaryahanka.

Valancia ayaa waxay doonaysa inay Javier Hernandez ku badasho booska Roberto Sodado.

Weeraryahanka kooxda Valancia Roberto Soldado oo 28 jir ah ayaa waxaa doonaya naadiyo ay kamid yihiin Liverpool iyo Tottenham laakin Agaasimaha ciyaaraha Valancia Braulio Ortiz ayaa sheegay inay doonayaan Javier Hernandez in uu buuxiyo booska suura galka ay tahay inuu baneeyo xidigaas.

Wakiilada xidiga 25 jirka ah ee weerarka garoonka Old Trafford ka ciyaara waxaana xidigaan uu ku caan yahay naanaysta Chicharito, waana ciyaar yahan aan boos joogto ah ka haysan United, ka dib markii ay sanadkan la soo wareegeen ciyaar yahanka kale ee weerarka Wiltar Saha, iyadoo ay hore u joogeen weerar yahanada kala ah, Robin Van Persie, Wayne Rooney, Deny Wleback.