David Moyes oo Bilowgii Shaqadiisa ku dhex haftay suuqa Ciyaar

0
85

Moyes lacag lacagyahanada, dibna ugu laabanaya Kooxdiisii hore…. W.Wararka: Tababaraha Cusub ee Manchester United ayaa u hada dib ugu soo jeestay kooxdiisii hore ka dib markii uu ku guuldaraystey doonistiisii ciyaar yahanada Thiago Alcantara & Cesc Fabregas, isagoo xiiseenayaa ciyaar yahanka Maroune Fellaini.
Sida ay inta badan Jariiradaha ka falooda arimaha Isboortigu sheegayaan shalay Kooxda Man United ee heysata horyaalka Premier League ayaa la sheegayaa inay ka fiirsaneyso inay ka bixiso lacagta lagu burburin karo qandaraaska xiddiga Everton oo gaadheysa 26 milyan euro, madaama Fabregas ay u muuqato inuu Camp Nou baaqi ku sii ahaanayo ka hor inta uusan wadahadal la gelin tababare Gerardo Martino.
Ilo ku dhow kooxda macalinka cusub ee United David Moyes ayaa sheegaya inuu doonayo inuu ka fiirsado inuu soo jumlato laba ciyaar yahan oo kooxdiisii hore ah kuwaas oo kala ah Fellaini iyo Leighton Baines oo isna lagu qiimeeyay aduun gaadhaya 23 Milyan oo Euro, taasoo noqon karta talaabadiisii ugu horeysay tan iyo intii uu qabtay hogaanka United.
Warar kale ayaa sidoo kale sheegaya in laacibka kooxda Everton ee Fellaini lagu arkay isagoo ka cunteynaya maqaaxida Rio Ferdinanad ee Rosso ee ku taala Manchester isbuuc dhamaadkii, tasoo dad badan shaki galisay.
Isku soo wada duuboo Tababare David Moyes oo hore sameyn weyn ugu lahayn suuqa ciyaar yahanada ayaa tan iyo bishii July markii uu shaqada la wareegay dhawr jeer lagu silciyey suuqa ciyaar yahanada, ka dib markii ciyaar yahankii uu sida weyn u doonayey ee Thiago Alacantara ay kooxda Bayern ka hor qaaday, sidoo kale ciyaar yahankii labaad ee uu doonayey ee Ces fabregas loo diiday in laga iibiyo, ayaa hada isku dayaya inuu kooxdiisii hore ku laabto si wax uga soo baadh baadho.