Ciyaar yahanka Thiago Silva oo Meel sare ku laalay Damacii Kooxda Barcelona ka lahayd

0
96

silvaW.Wararka: Xiddigii sida weyn ay u doon doonaysey kooxda haysata Horyaalka Dalka Spain ee Barcelona Thiago Silva ayaa heshiis cusub u saxiixay kooxda Faransiiska ee Paris Saint-Germain.
Daafaca dhexe ee Qaranka Brazil ayaa kooxda reer France ee PSG ku soo biiray sanadkii 2012kii, isagoo heshiis gaadhayey 36 milyan oo ginni kaga soo wareegay kooxda AC Milan ee dalka Talyaaniga markaasoo uu Qalinka ugu duugay heshiis shan sannadood ah, waxaana uu haatan qandaraaskiisii hore ku kordhiyay hal sanno, isagoo kooxda la sii joogi doona ilaa dhamaaka sanadka 2018.
Kooxda heysata horyaalka La Liga ayaa sheegtay in muhiimadooda ugu sareysa ee xagaagan ay tahay inay helaan daafac dhexe oo cusub. Kooxda reer Catalanya ayaa rajeyneysay inay la soo saxiixdaan 28 jirkaan reer Brazil ilaa sanadkii hore balse daldabkiisa mushahar ayaa dhibaato ku nqoday ka hor inta aysan fariin ka helin kooxda PSG kuwaasoo u sheegay inay iska ilaawaan saxiixiisa.
Mushkilada Daafaca ee Barcelona ayaa bilaabantay markii Carles Puyol oo 35 sanno jir ah uu inta badan xilli ciyaareedkii hore la dhibtoonayay dhaawacyo is daba jog ah oo la soo darsay, waxaana uu qaliin maray bishii March ee sanadkan, halka daafacyada kale ee Gerard Pique, Adriano Correia iyo Javier Mascherano uu midkood dhaawac ama ganaax ku maqnaa intii xilli ciyaareedka uu socday.
Barcelona ayaa lala xiriiriyay daafaca kale ee reer Brazil iyo kooxda Chelsea David Luiz, kaasoo sidoo kale ay xiiseynayaan Bayern Munich, balse ma jiraan warar kalo oo rasmi ah oo ku saabsan rasmi ahaan halka ay Barca ka raadinayso mushkiladeeda daafaca.