Ciyaar yahanada Liverpool oo isku dayaya fursadii ugu dambeysey ee lagu joojin lahaa Luis Suarez

0
91

Suarez2W.Wararka: Ciyaaryahanada Kooxda Liverpool ayaa lagu soo waramayaa inay u midoobeen sidii ay ugu dhaadhicin lahayeen ciyaar yahanka sii socda ee Luis Suarez inuu sii joogo Anfield sida laga soo xigtay Ciyaar yahanka Qaranka Ingiriiska ee Stewart Downing.

Ciyaaryahanka garabka uga ciyaara England ayaa sheegay in bixitaanka uu doonayo Xidiga Qaranka Uruguay aysan marna xidhiidh la lahayn nolosho Kooxda Gudaheeda & sida loola dhaqmo, taasna ka ciyaartoy ahaan diyaar u yihiin sidii ay uga qayb qaadan lahayeen inay ka qayb qaataan.

Kooxda Liverpool ayaa dalabkii ugu dambeeyay ee usoo gudbiso kooxda ka dhisan Anfield ee ahaa 40 Milyan ee Gini laga soo didiay, iyadoo farta loogu fiiqay qiimaha ciyar yahanka ee ah 55 Milyan oo Gini.

Ciyaaryahanka oo la hadlay saxaafada ayaa yidhi: “Aad ayay muhim inoogu tahay inaan Luis ceshano, madaama Luis uu yahay ciyaaryahan aan caadi aheyn, wadahadalo fiican ayuu la yeeshay tababarha taasoo dabcan ah mid sir ah, anaga ciyaaryahano ahaan wax isbedelay ma jiraan. Weli waxa uu inoo yahay ciyaaryahankii aan naqiinay, waana nin fiican oo lala dhaqmi karo, si fiican ayay isku fahmaan ciyaartoyda oo dhan marka gudaha iyo dibada kooxdaba la joogo, Luis waa ogyahay inaan dhamaanteen dooneyno inuu joogo. Waxa ay noqon doontaa niyadjab hadii uu baxo, waxaanan ku dedaali doonaa sidii aan ugu qancin lahayn inuu ilaa wakhti dambe nala wadaago nolosha Anfield taala, anguna taas ayaan ka ciyaartoy ahaan u midonay”