Saancadaalihii Biridaaniya Baa Sababteeda Lahaa.

0
66

saan14 May 1897kii , Rennel Rodd oo ka shaqayn jiray Qunsuliyadda Biridaaniya ee ku taalay Qaahira, ayaa loo diray in uu heshiiska xadeynta ee u dhaxeyn lahaa  Itoobiya iyo Somaliland la soo sameeyo Boqor Minilik, magaalada Addiis. Ka dibna waxa waafaqay Baarlamankii Biridaaniya. Muddo maanta laga joogo 116 sanadood, oo ku began 28 July 1897kii, ayay Boqoraddii Fiktooria (Queen Victoria) ansixisay  heshiiskaas . Waana xadka manta u yaal labada dal ee jaarka ah.

Heshiiskaas kala xadeynta labada dal waxaa loo baxshay Rennel Rodd Treaty ama Angelo Ethiopian Treaty. Sida ka muuqata magaciisana Somalidii dhulka lahayd waxba lama weydiin oo waa laga xan qarsaday. In la fuliyo oo xadkaas dhulka lagu suntana waa laga dhawrsaday ilaa laga soo gaadhayay 28 November 1954kii. Sabata loo qariyay heshiiskana waxa ay ahayd waxa laga dheregsanaa in uu jiray heshiis, ka horreeyay kan oo, u dhexeeyay Biridaaniya iyo dadyawga deganaa Dhulkii la odhan jiray Somaliland. Kuwaas oo kala ahaa beelaha Ciise, Samaroon, Isaaq iyo Harti (Warsangeli iyo Dhulbahante). Heshiiskaasi waxa uu dhigayay in beelahaasi isku dhiibaan maamulka Biridaaniya, iyana ay ka difaacdo boobka lala damacsan yahay dhulka ay degaan. Dhulkaas oo bed ahaan dhannaa 93,000 square miles. Markaas xoogagga lagu xisaabtamayay, ee shakiga laga qabay waxay ahaayeen Boqortooyadii Itoobiya iyo isticmaarkii reer Yurub.

Haddaba maxaa kalifay in uu heshiiskani dhaco 1897kii? Sannad uun ka hor xilligaas, waa 1896kii, Talyaaniga oo hore u qabsaday Casab/Eratariya ayaa damcay inuu ku darsado Dhulka Tigraay. Boqorkii Minilik ayaa difaac adag ka galay Adwa oo ahayd caasimadda Tigraay. Si aan laga soo waaqsan Karin, oo aduunkii ka yaabisayna u jabiyay xoogaggii Talyaaniga ee baaxadda weynaa. Taasi markii ay dhacday, qasab waxaa ku noqday reer Yurub inay ka garaabaan badheedhihii Minilik iyo wareegtadii uu hore ugu soo diray 1891kii. Minilik maalintaas waxa uu yidhi: “Haddii quwadaha naga fogi ay u yimaadeen in ay Afrika qaybsadaan, anna diyaar uma ahi inaan iska daawado.”

Iskamuu daawan Boqor Minilik bililiqadii Afrika, ee sidaas ayay Biridaaniya ugu habratay oo ay u yeeshay heshiiskii Rennel Rode ee Hawd iyo “Reserve Area” lagu siiyay Itoobiya 28 July 1897. Dhulkaas oo bed ahaan dhammaa 25,000 square miles. Intaas oo ku beegan rubuc ahaan dhulkii ay Beeluhu si wadajir ah ugu aamineen Biridaaniya sanadkii 1887. Heshiiskuna waxa uu ka koobnaa qodobo ay ka mid ahaayeen;

  • In la qeexo xadka u dhexeeya Itoobiya iyo Maxmiyadda Somaliland ee Biridaaniya.
  • In isku socodka ganacsiga labadaas dhinac uu xor ahaado.
  • In jidka kolanyada ganacsiga ee isku xidha Herar iyo Zaylac uu furnaado
  • In Itoobiya ay la saa’irto Biridaaniya, oo xaq gaar ah loo siiyo badeecadda ka imanaysa xaggeeda, cashuurtana laga khafiifiyo.
  • In Itoobiya loo ogolaado, si xor ah, inay qalabka ciidamada kala soo degi karto xagga Somaliland.
  • In Mahdiga Suudaan meel looga soo wada jeedo.

Markii la fulinayay heshiiskan 1954kii ayaa lagu daray qodob muhiim ah kaas oo odhanaya; Beelaha Somaliland Xaq bay u leeyihiin inay xoolahooda daajiyaan Hawd iyo “Reserve Area”.

Intii ay heshiisyadaas Biridaaniya iyo Itoobiya socdeen Beelaha Somaliland waxba kalamay socon. Sidaasi waxay dan u ahayd labada dhinac ee heshiiska wada galay. Waayo haddii aan la qarin heshiiskaas, oo matalamba uu ogaan lahaa Sayid Maxamed Cabdalle Xasan, si fudud ayuu shacabka Somaliland uga wada dhigi lahaa Daraawiish. Sidoo kale Biridaaniya may hesheen kumanaankii askari ee Reer Somaliland ee ka garab dagaalamayay ilaa Barma Dagaaladii Dunida ee kowaad iyo labaad. Hase yeeshee, markii la ogaaday 1954Kii, oo Lixdankii ay Afrika xoroobi lahaydna soo dhawaaday, qarba-qarbo ayay ku noqotay shacabkii dhulka lahaa. Taasi waxay iyagii ku kalliftay tu aan looba filayn, oo ahayd inay garab moodaan kuwo aanay is aqoon, deedna gobanimadoodii ay mar kale hadiyad u siiyeen qolo kale, waana reer Xamarkii 1 July 1960. Arrinkaas oo ku yimid gadood iyo cadho xadhkaha goosatay.

Afar sano ka dib markii la ogaaday Heshiiska, oo ku began 20 November 1958kii, Somaliland waxaa yimid Prince Henry iyo xaaskiisii oo ka tirsan qoyska Reer Boqor ee Biridaanaya. Labadooda waxaa lagu naanaysi jiray “Duke And Duchess of Gloucester”.  Ka hor intii aanay iman Somaliland, waxay lix maalmood ku soo qaateen Itoobiya. Danayste mooyee dadka intiisa kale ma soo dhaweyn Amiirka Biridaaniya. Abwaanada Somalida oo ka tarjuma dareenka shacabka ayaa waxaa maalintaas mahadho reebay Maxamed Ismaaciil Baasarce oo lagu naanaysi jiray Balaayo Cas. Barkhad Cas waxaa laga doonay inuu soo diyaariyo gabay soo dhaweyn ah si loo “hanuuniyo”  Somalida. Halkuu taas ka yeeli lahaa waxa uu tiriyay tixdiisii la yaabka lahayd ee la baxday, aan ooyee albaabka ii xidha:

Awowgay ninkii indhaha tiray, Ninkii aabahay addoonsaday. Ninkii anigana i iibsaday, Ninkii ifka igu adoonsaday. Itaal li’i baa ishaa i baddee. Haddaan ogohoonan ka aarsan karayn. Haddaanan aadanoow unuunka jarayn, Ninkaa araggiisa uurkaan ka necbee. Aan ooyee albaabka ii xidha.

Isagoo iglan jooga buu i diloo. Ushuu soo fidiyaa i iimaysoo. Wataa aramidu  i oofa tirtee, Asaag li’i baa ishaa i baddee. Ninkaa aragiisa uurkaan ka necbee, Aan ooyee albaabka ii xidha.        

Arladii ka samroo aduun ma hayee. Haddii la ilaashay afkaygii. Haddaanan ikhtiyaar aqoontay hadlayn. Haddaanan eray qudha shirkaas odhanayn. Ninkaa aragiisa uurkaan ka necbee. Aan ooyee albaabka ii xidha.

Wixii arineen ilaahay jeclayn. Aayaadka qur’aanka wada aragtoo. Udgoonaa ina yidhi indhaha ka qarshee. Ninkaa araggiisa uurkaan ka necbee. Aan ooyee albaabka ii xidha.

Ugaaso ninkii dhaqaa ururshee. Ruuxii eegayaa adduun ka baxshee. Ragiinii ogaa horuu u arkee. Ninkii ooridiisa u geynaayoow. In keegiyo shaal ayuu ku arkine. Iimawdee axankaaga waynee. Aan ooyee albaabka ii xidha.

Libaaxa annayiyo abaarso ka ciyey. Abuuriin lo’da joogta baa urisoo. Oodday jabisaa intay ka dhacdoo. Amsaxuu ka guraa idaylkeed. Wakaa ingiriiskii ii’da hayee. Idina u dabaaldegoo adhiyohow. Ordayoo magacana ka iibsada. Aan ooyee albaabka ii xidha.

Alle ha naxariisttee, Barkhad cas waxa uu ka mid ahaa dadkii ay cadhadu ku kalliftay inay u olaleeyaan “Iska Raacii Reer Xamarka”. Alhuumadii ka dhalatayna waxa ay ahayd af kala qaad. Wixii adduun la dhaqday, oodda ayaa loo rogay. 50,000 oo qof baa maalmo gudahood lagu dilay. Malaayiin qof baa guryahoodii ka qaxay. Inta naafada noqotay, Inta dhaawac ku dhimatay iyo inta waalatay, tolaw yaa loo raacaya? Xabaalo wadareedkii Jasiira iyo Malka Durduro tolaw yaa loo raacayaa? Milyan iyo dheeraadka miino ee lagu aasay Somaliland tolaw yaa loo raacayaa?

Ma Saan-cadaalihii Biridaaniya baa sababteeda lahaa? Ma boqorradii Itoobiya ee boobay walaalkood; kay isku dhiigga iyo jaarka ahaayeen baa? Ma Walla-weyntii abaalka iyo abhinta aan aqoon baa? Ma intaba?

Wax tagey tiigsimaad ma lehee, tolaw manta uun ma ka garbaxayaan? Biridaaniyada ceebta ku suntani ma ka ciwad celinaysaa, oo aqoonsi ma keenaysaa? Itoobiya waxba kuma haysano manta, ee heshiiskii ay la gashay Faranjiga laftiisii ma inala galaysaa inaga, oo sidaas ma isku aqoonsanaa? Reer “Aadan Yabaal” iyaga kala tagnee aan kala qoomamo la’aano. Laakiin tartanku waxa uu ka dhexeeyaa iyaga iyo Itoobiya. Kolba koodii aqoonsiga ku horeeya ayaa nasteex ah, koodii ku dambeeyaana waa nacab.

Wa Billaahi Al-Tawfiiq.

 

Maxamed Cabdi Daauud

madaud@gmail.com