Kooxda Arsenal oo Guul la yaableh ku soo Gaba Gabeysay Safarkeedii Qaarada Aaasiya

0
118

arsenal (1)W.Wararka: Kooxda Arsenal ayaa guul ku soo gabagabeysay Safarkeedii Qaarada Aasiya ee ciyaaraha Iskululaynta xagaagan, ka dib markii kulankeedii afaraad shalay ku garaaceen kooxda Urawa Red Diamonds ee dalka Japan 2-1.

Tasoo ka dhigaysa in kooxda Arsenal ay diyaar san tahay, kadib Record wad Guul ah, halka kooxaha dhigeeda ah ee Man United, Man city & Chelsea dhamaan ay la kulmeen Taakooyin & guuldaro ciyaarahoodii saxiibtiimo ee ay kooxahana iskugu diyaarinayeen.

Ciyaar yahanka Lucas Podolski ayaa goolasha u furay Arsenal daqiiqadii 48aad ee ciyaarta ka dib Kubad uu ka helay Laacibka Theo Walcott, laakiin hogaanka Gunners ma uusan waarin waxaan 10 daqiiqo ka dib kooxda Urawa Red Diamonds u keenay Goolkii barbardhaca ciyaaryahanka Abe.

Waxaana Arsenal ay ku qaadatay daqiiqadii 82aad inay goolka guusha helaan iyadoo uu u saxiixay Akpom kaasoo ka faa’ideystay qaladaad daafac islamarkaana kubada dhex dhigay shabaqa faaruq ah, Goolkaas oo soo xidhay 18 Gool oo Arsenal ay ka dhalisay mudadii ay safarka ku jirtay kooxihii kala duwanaa ee qaarada Aasiya.

Kooxda Arsenal ayaa wada badiyay afrtii kulan ay ciyaareen oo dhan. Waxaanay ay afartaas kulan ku dhaliyeen 19 gool halka laga dhaliyay kaliya seddex gool, ka dib ciyaartii kowaad oo ay 7-0 kaga soo badisay Laacibiinta Indonesia, ka dib waxay Natiijo u dhow kulankoodii hore kaga soo talaabsadeen oo ah 7-1 Xidigaha Vietnam ka hor inta aysan 3-1 ku garaacin kooxda reer Japan Ee Nagoya Grampus, waxana kulankoodii afaraad shalay ay uga soo talaabsadeen 2-1 kooxda Urawa Red Diamonds ee isla reer Japan.