Guusha mujaahidiinta ! Somaliland inta yar ee dhawaaqaysa ayay ku fadhidaa.

0
96

Badi markii laga tegay qiyamkii iyo akhlaaqdii wanaagsanayd ayaa keentay wakhtigan in loo tartamo sidii loo heli lahaa magac, maal, iyo maamus, taasina ay  horseedo in Addunyada iyo maadadu ay ka horeeyaan aakhrida iyo in la doono Raali ahaanshah Rabi.

 Waa xilli aan hadalka loo meel dayayn, meel ka dhacuna uu noqday shaqo caadi ah, dhaleecaynta iyo gefkana laga dhigay badeecad la kala iibsado, warbaahintuna ay noqotay meel la isaga tiriyo waa goorta la isku khaldo runta iyo beenta, fariidka iyo nacaska, danaystaha iyo daryeelaha, fashilka iyo guusha. Waa wakhtiga ay dhaqaalaha iyo awoodu gacanta u galaan koox dhereg dhaaftay oo aan danahooda mooyee daryeel kale aqoon.

Marka ugu horaysa ee fashil ku yimaddo qorshahaaga waa marka aad qaado tallabooyin aad ugu dhowaanayso guusha aad rabto inaad gaadho. Kuwa fashilmaa waa kuwa ka hadha hadafkooda caqabado iyo culays xoogan oo ka hor yimi awgiina u joojiya. Ilaa intaa aad jidka hayso waxaad ku jirtaa dariiqii guusha. Fashilka kugu imanayaa wuxu la caabi yahay hadafka aad rabto culayskiisa. “Pain is temporary. Quitting lasts forever.”

Waayo araga iyo culimada falsafaduba waxay guuldarada ku tilaamaeen inay tahay cashar fiican oo aad ka qaadatay macalin wanaagsan, kaasi oo kugu hogaaminaya dariiqa guusha ee ugu dhaw.  Dadka ay niyad jabka ku keento guuldaradu ee ka hadha yoolkooda rasmiga ayaa ah kuwa fashilmay.  “I have not failed. I’ve just found 10,000 ways that won’t work.” Thomas Edison

“Success is not final, failure is not fatal: it is the courage to continue that counts.” ― W. Church

“Only those who dare to fail greatly can ever achieve greatly.” ― Robert F. Kennedy

 Si hadaba aad u gaadho guusha waa inuu jiraa yool iyo hadaf cad oo loo socdo,waana in la helo qiimayn iyo kormeer (monitoring and Evaluation] ,waana inay  jirtaa dadaal adag iyo sabir iyo in aan kolba wax cusub  lagu dhaaqjin.

Guusha waxay gacanta ugu jirtaa dadka leh fikirka  wanaagsan, qorshe fiican iyo akhlaaq fiican.

Qorshaha fiican iyo nidaamka waanagasni waa habka la isla la gartay in guusha dhaw lagu gaadho.

Guushu waa qorshihii aad dejisay oo aad gaadho si fiicana u fula. Faylasuufkii Socret ee Faransiiska ahaa ayaa wiil yari waydiiyay guusha webi u dhowaa ayuu willkii u kexeeyay willkii yaraa oo aan iska ogayn ayuu biyihii madax intuu qabtay ku cadaadiyay oo ku bakhtiiyay.  Wiilkii yaraa markuu biyihii ku cabudhay ee hawo waayay ayuu awoodiisa oo dhan istcimaalay si uu badbaado. Isagoo macuurtoon ah ayuu ka qaaday gacantii oo wiilkii soo baxay isagoo neeftuuraya.

Socret wuxuu wayadiiyay markii aan biyaha kugu cadaadiyay ee aad xoogaga istcimaalays maxaad rabtay ! wuxu ugu jawaabay hawo.  Yoolkaagu wuxu ahaa inaad hawo hesho waxaanaad ku heshay dadaal. Sidaas ayaa guusha lagu gaadhaa, waa taas  guuusha aad I waydiisay .

Yoolka oo loo dejiyo si farsamaysan isla markaana loo adeegsado dad karti iyo aqoon leh ayaa fudaydiya gaadhitaanka guusha. Waayo aragnimadu waxay ina tusaysaa in aan waxba si fudud ku iman isla markana aanay jirin wax mar keliya wada dhamays tirmaa ee wax kastaa waxa u baahan tahay koritaan iyo in si qunyar qunyar ah lagu gaadho taasoo ugu danbaysta noqta guul dhamaytiran.

Guusha  waxay ku timaadda fikir xeel dheer iyo dadaal ku dhisan qorshe cad iyo dariiq sugan waa in aynu la nimadana adkaysi iyo dulqaad inta lagu jiro dariiqa dheer ee guusha.

Waa in lafahmo in ay iman karaan qaladaad iyo hakadyo, loo baahan yahay in si taxadir leh oo sabir iyo dulqad leh looga gudbo.    Shimbirta yari markay dilaacdo waxay barataa duulimaadka iyadoo marna duusha ,marna soo dhacda,taasi waa barashada duulimaadka ilmaha yarina waa la mid markuu socodkabaranyo ( Kufaa kaca} . Jabka iyo guuldaradu waa barashada guusha.

Ugu danabayntii kuwan ku celcelinaya way fashilmeen waa la dooran waayay hala xidho odoyaasha halgamay ee sidii UDUB u hadlaya  … waa diradiraale dano gaar ah leh…… May fashilmin waa dariiqa guusha … Mujaahidinta hadafkoodu wuxu  ahaa laba qodob

1-      In Dalka la xoreeyo 2-  Iyo in Dawlad wanaagsan oo tayo leh helo.  Haddii dalkii xoryahay oo ay tebayaan dawladdii wanaagsanayd weli waxay ku jiraan dariiqi guusha.. Hadduu jiro xad gudub dhinaca dastuurka  ahi maxaa buuqan iyo qayladan keenay hala qanciyo oo hala tuso wixii sax ah hadday jirto, sharciga qofna kama sareeyo….

Waxase ka roon dulqaadka,is qancinta  iyo isa sixidda , waayo waxaynu u baahanay iskaashi si looga gudbo xaaladda adag.

“Gacmihii Is Wada Caawiyaa Shayna Ku Adkaane , Caqligii Is Wada Biirsadaa Ceel Biyeyn    Kara’e ”  Timacadde.

“Midnimaa Wanaag Lagu Guntaa Laguna Gaadhaaye  , Inaad Guda Colowdaan In Lays Garab Sadaa Dhaanta”  Ab.Gacal
Kuwa guuldarysataa waa kuwa garan wayay dhawaaqa u hiilinaya kuwa dulman oo laga yabo inay ka mid yihiin.    Madaweyne Siilanyoba 2003 muu guulaysan wuu waday ilaa uu ka gaadhay hadafkiisii.         Somaliland inta yar ee dhawaaqaysa  ayay ku fadhidaa ee xaqa iyo cadaaladda sheegaysa kuna baaqaysa wanaagga iyo khayrka, xumaantana ka digaysa .    Guusha mujaahidiintu waxay dhamaystirmaysa marka maamul tayo leh oo caddaali ah la helo.

 “Kuwa fashilka weyn u badheedhe ayaa guusha weyn gaadha.” J.F.Kendy

“Guuldaradu maaha dhimasho waa dhiiringelinta dariiqa guusha.” ― Winston Church

“Qof kasta oo guul gaadhay waxa soo maray wakhti badan oo guuldaro ah”. Bob Brown

“Qofka doonaya inuu guulaysto waa inuu guuldaro weyn u badheedaa”Bill Gates:

Odhaahada Imaam Qasaali (RC} :  “Waxaan ognahay in shareecadu tahay asalkii madaxaduna tahay tii ilaalinaysay, wixii aan asal ahayn waakii duma, wixii aan ilaaliye lahayn waa kii luma.”

 

AHMED ADAM CALI ( HAYBE )

 Ahmed26june@Yahoo.Com