Guddoomiyaha guddida Qandaraasyadda iyo Maareeyaha Horumarinta

0
71

Wadooyinka oo si qarsoodi ah ugu safray Shiinaha. Waxa ay soo iibinayan Qalab aan qandaraas lagu bixin oo ay Madaxtooyaddu Dilaalayso Hargeysa(Waaheen) Guuddoomiyaha Guddida Qandaraasyadda Qaranka Somaliland C/laahi xasan Nugaal iyo nnMaareeyaha Hay’adda Horumarinta Wadooyinka ayaa saaka si qarsoodi ah uga dhoofay magaaladda Hargeysa iyagoo u kicitmay Dalka Shiinaha.

Labadan Masuul ayaa Dalka Shiinaha ka soo Iibinaya qalab ay Xukuumaddu ku dhisayso Wadooyinka, sida uu Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Xirsi Cali X Xasan oo ay hay’adda Wadooyinku hoos timaado ka sheegay xaflad lagu furayay jidka u dhaxeeya Kalabayd iyo Wajaale.

Qalabka labadan masuul dooneen wax Qandaraas ah laguma bixin, waxaanay talaabadaasi muujinaysaa in Wasiirka Madaxtooyaddu si badheedh ah qalabkaasi ugu diray labadan masuul isagoo ka talaabsaday shaqadii Hay’adda Qandaraasyadda Qaranka oo shaqadeedu ahayd in ay Bulshada u baahiso si cida ugu qioimaha Macquulsani u soo Iibiso.

Lama oga qiimaha qalabka la soo Iibinayo iyo Lacgta loo dhiibay Labadan masuul mid toona, wazxaanay cadaynaysaa in Madaxtooyaddu noqotay ta ay lacagta Qaranku ku xerooto, isla markaana ta ku tagrifasha, iyada oo aan Ixtiraamayn sharciga Dalka u yaala.

Madaxweynaha Somaliland siyaasadda uu ku maamulayo dhaqaalaha Dalka sanadkan Miisaaniyadiisa waxa uu ku cadeeyay in mashaariic horumarineed uu ku fulin doono gaar ahaana Wadooyin, sababtaas darteedna waxa uu u baabi’iyay Hay’addii Wadooyinka ee SRA, taasoo qaranka u qaabilsanaan jirtay dhismaha iyo dayactirka, si uu dhaqaalaha sanadkan Wasiirka Madaxtooyaddu u maamulo.

Siyaasadda Miisaaniyada waxa uu Madaxweyne Siilaanyo ku cadeeyay in qalab loogu soo Iibiyo dhismaha wadooyinak, hase yeeshee melena kagama qorna in uu Wasiirka Madaxtooyaddu sharciga u baal maro oo uu Guddidii Qandaraasyada ee Iclaamin lahayd si loo helo Qiima macquul ah, iyagii ugu diro si ay u soo Iibiyaan.

Guddoomiayah Guddida Qandaraasyadda oo ay Wasiir Xirsi iyo Madaxweynaha isku beel yihiin ayaa arrintan suuqa madawa ah u badheedhay, isaga oo aan xataa qofna uga sheegin Guddidii Qanadaraasyada ee uu Guddoomiyaha u ahaa, isagoo mar ay waaheen wax ka weydiisay arrintan kadib markii uu Xirsi ku dhawaaqayna sheegay in aanu waxba ka ogayn.

Si kasta ha ahaatee waxa la dhawraaba waxa weeyio qalabka la keeni doono iyo qiimaha qalabkaasi la soo siiyay sifaha loo maray ee lagu xalaashaday.