Dhedo roob noqon weyday: “Seymaha ‘UNISOM’ u qoolayso Soomaali, waxa nala fiican in wadajir looga hor- tago, markaa Ictiraaf-doon ma aha, waa se Soomaali-badbaadin.”

0
60

‘Dhedo roob noqon weyday’

“Seymaha ‘UNISOM’ u qoolayso Soomaali, waxa nala fiican in wadajir looga hor- tago, markaa Ictiraaf-doon ma aha, waa se Soomaali-badbaadin.”

boobeMudane Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal, 28kii Oktoobar, 1994kii, BBC.

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale – cankaabo@hotmail.com, www.dharaaro.com

Hargeysa, 27/7/2013ka,

Waa Bishii Ramadaan. Waynu is-toosinaynaa is-na tilmaamaynaa, annaga oo aan cidna waxba kaga doonayn, Ilaahay ajarkiisa mooyaan e’. Cay iyo af-lagaaddo ku hadli meyno, habaarna dibadda weeye oo waa tii hore aan u sheegay. Laab-la-kac iyo gole-ka-fuul ereygu noogama yimaaddo. Waa wax laga fekeray, dabka loogu xiddigiyay, maskaxda lagu raseeyay, la qoray, intaas oo jeer la akhriyay, la nakhtiimay, ka dibna isga oo daleysan dibadda loo soo saaray oo lagu sooray indhihii ku doogsanayay iyo quluubtii ku diirsanaysay. Waa ereyo dubaax ah oo la dugaashado ee ku soo durka oo daawo la yeesha. Waa car-tir quluubta daxalaysatay lagu cidaado, muwaaddiniinta niyad-jabku saameeyayna rajo iyo ididiilaba loogu yagleelo.Waxba kuma doonayno ee waa sadaqad aanu u fidinayno dadkayaga warka iyo wacaashaba u baahan. Waa sidii uu Gaarriye u yidhi:

“Hilinkaan iftiinshaa,

 Annaga ku hurushoobaa,”

Tixda iyo tiraabtu sidaa uma kala foga. Hadal iyo Hawraarna waa la yidhaahdaa. Labaduba waa hadal. Tixda ayaa waxay kaga duwan tahay waxay leedahay hab-dhac iyo xaraf-raac. Raggii maansada baacin jiray in badan ayay ka hadleen. Timacadde waa kii lahaa:

“Arar culus codkiyo luuqdu waa, cududaheediiye,

 Carrab leylyan lab culan haddii, la cuski siin waayo,

 Cayo iyo wuxu kaa noqdaa, caws kaliishadaye,”

 

Waa halkii uu darwiishkii Sayid Maxamed Cabdille Xasan is-na ka lahaa: “Luulidu haddii aanay kuu taxnayn, labacu waa been.” Intaasi ha iga noqoto arar dadab-galkeedii. Dulucda aan u soo dego.

 

Aan ku horreynno halkudhegga Qormadan gaaban. Waa ma-hadhooyinkii laga guntay hoggaamiyeheennii Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal. Waa murtidii laga reebay soo-jireen cimriyay oo Somaliland iyo Soomaaliyaba ka soo taliyay. Wuxu ahaa nin hiyi durugsan oo hilaad fog (Vision). Ictiraafka ayuu Soomaali u sharxayaa macnaha uu leeyahay oo aan ahayn in uu Somaliland oo keliya dan u yahay, bal se uu Soomaali oo dhanba nolol iyo naruuro u yahay. Waa ereyo aan sal-guurin. Waa weedh maantadaa aynu joogno macnihii ay berigaa lahayd, maantana leh.  Halka ‘UNISOM’ oo keliya ayaad gasahanaysaan ‘AMISOM’. Waa aragtidii Hoggaamiye Cigaal ka lahaa Ictiraafka. Sidaa fog ayuu u arkayay Ictiraafka oo aanay aragtidiisu gurgur qaanso u taagnayn ama ugu dabranaynba. Tahan iyo hilaad shishe ayuu wax ka arkayay. Mudane Daahir Ra’yaale Kaahinna aragtidii uu ka lahaana, waa tii dorraad la idiin ku soo qoray wargeyska Geeska.

Waxaan arkaa maanta in aynu aragti qaldan ka leenahay Ictiraafka. Hadaaqeennii ayaa u batay Ictiraaf-raadin, markaasaa dhaqaalaheenniina raacay ummaddiina aynu dheri aan bislaanayn dhagax-dixeed ugu gurnay oo ay sidaa inoo dul soogan yihiin. Ictiraafka lama raadiyo oo meel uu joogaa ma jirto. Ictiraafka waa la samaystaa oo dalkaaga iyo dadkaaga ayaa laga muujiyaa, markaasaa adduunku ku soo jalleecaa. Ictiraafku wuxu  ku jiraa hanashada mid-ahaaneed ee dhulkaaga iyo dadkaaga, wuxu ku jiraa geeddi-socodka dimuqraadiyadeed, wuxu ku jiraa hanashada nabad-gelyada, wuxu ku jiraa dhowrista xuquuqda bini-aadaamka ee Dastuuriga ah, wuxu ku jiraa saami-qaybsiga xaqa iyo sinnaanta ku fadhiya, wuxu ku jiraa hufnaanta iyo akhlaaqda suubban, wuxu ku jiraa ammaanada iyo dhowristeeda, wuxu ku jiraa sharciga iyo hirgelintiisa, wuxu ku jiraa xorriyatul qawlka iyo is-xisaabinta aan ujeeddada gaarka ah laga lahayn, wuxu ku jiraa la-macaamilka suubban ee deriska iyo adduunka, wuxu ku jiraa xalliibnaanta (transparency) iyo muuqashada, wuxu ku jiraa xaq-soorka ijtimaaciga iyo garsoorka, wuxu ku jiraa saami-qaybsiga xaqa ah ee kheyraadka dabiiciga ah ee dalka, wuxu ku jiraa la-dagaallanka saboolnimada iyo camal-la’aanta, wuxu ku jiraa in aanay dhaqaale ahaan dadkaagu kala tegin ee ay isku nolol dhaw yihiin, iyo….iyo…iyo.

Ictiraafku waa waxaas oo si miisaaman oo isla jaan-qaadaysa oo aan dhabaq iyo kala-dhac lahayn loo maamulay loona hirgeliyay. Waa waxaas iyo wax la mid ah oo sidii koox miyuusig tumaysa oo macallin Cabdillaahi Qarshe usha u qabtay. Waa waxaas iyo wax la mid oo aan ka sokeyn koox kubbadeed oo sida Barcelona iyo Arsenal isla baratay oo isla heshay. Markaasaa adduunyada lala hadlaa oo dad aqoon, waayo-aragnimo siyaasadeed iyo asluub diblomaasiyadeed leh loo diraa, agnaan iyo af-garooc lama adeegsado e’.   

Ictiraaf-raadintu ma aha miisaaniyad dad masaakiin ah laga soo qaaday oo inta meel lagu shubo hadba wax-ma-tare aan kob caano leh ka soo durdurinini ku tagri-falo oo hadba dayaarad ku raaco. Saddexdaa sannadood ee nmaamulkani jirayba sida daaniyaha ayaa loogu tagri-falayay miisaaniyad ku-sheegga Ictiraaf raadinta sida nagu maqaalaha ah. Murti iyo war qoranna kama hayno, bahalkii Ictiraaf ahaana weli baadi-doonkii ayuu ku jiraa la sheegayay in aan daacad laga ahayn.

Ma maqli jirteen: “fari tog dheer ayay kula xushaa.” Ilaahay hortii waa tan oo kale. Ictiraaf-raadintii ayaa inala gashay in aynu mar kale xaggaa iyo Xamar u kacno. Wax wada-hadallo lagu sheegay ayaa la inoo soo meydhaamay, markaasaa la inagu soo dhex-tuuray. Tabtii dhallaan-habaabista ayaa rag u raaceen oo ku dabo lumeen.  

Waxa ayaan-darro ah innaga oo beryahanba maqlaynay Maamulkii Hawada Soomaaliya ayaa Hargeysa loo soo raray, ayaynu haddana ilaa dorraad maqlaynaa in aanay warkaas waxba ka jirin. Hadda waa huf iyo been sida la leeyahay. “habaa’an mansuuraa” ma maqli jirteen. Muqdisho iyo xarumihii Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya warkaasaa ka soo baxaya. Bal maqaamka liita ee aynu is-dhignay eega ee weliba ay ina dhigeen Guddideennii wada-hadalladu. Maye? Halkee ayay ku dhibceen? Sow kuwii Wargeys, Idaacad iyo TV-iiba wareeriyay ee afar afarta isu ag fadhiyay ee isu jiibinayay? Maye wasiirradii belaayada ku ahaa siyaasadda iyo diblomaasiyaddu ee aan dabadood lagu dhufan jirini? Maye Guddoomiye-ku-xiggeennadii Xeer-dejintu ee weliba dadka runta sheegaya TV-yada ka caayayay? Maye intii kale ee raacday ee sawirrada isku dhigaysay? Maye, halkee ayay joogaan?

Wax ku dhaha dee nimankii aad la soo shirteen ee aad go’aammada la soo qaadateen ayaa hadlaya e’? Waa guul-darro, markaasaa innaga oo nool oo miyir qabna guul la inoogu sheegayaa. Waa muranka iyo makeekiga xukuummaddeenna dhego-maran ee inaga doonaysa iyada oo waxaa iyo wax la mid ah ku kacaysa in aynu u-sacabbo-tunno oo hees iyo durbaanna u raacinno. Kii Siyaad Barro ayaa lagu dhego-barjoobay oo, dadku durbaan dambe daafad uma hayaan. Maxaa durbaan la tumaa gaajo ayaa la diidayaa oo barbaartii waa taa badaha ku daadatay e’.

(la soco………………………………………..)