Raali galin maqaaal ku saabsanaa maamulaha cashuuraha beriga ee gobalka saaxil

0
117

Anigoo ah qaraabada iyo asaxaabta maamulaha cas huuraha  barriga ee ee gobolka saaxil Cabdixakiin maxamed guuleed (cawaale), waxaanu raali galin buuxda ka bixinaynaa  maqaal uu qoray nin isku magacaabay MAXAMED JAAMAC  ,maqaalkaasi oo aanay  waxba ka ogayn maamulha ,asxaabtiisa iyo qaraabadiisa,kaaso oo aflagaado u geytay masuuliyiin ka mid ah dowlada Somaliland gaar ahaan maareeyaha dekeda berbera  Eng CALI CUMAR MAXAMED (CALI XOOR  XOOR ) iyo  agaasimaha waaxda cashuuraha beriga ee wasaarada maaliyada C/RAXMAAN JIBRIIL CABSIIYE kaas oo la xidhiidhiyay xadhiga maamule cawaale masuuliyiintaa .

Hadaba, Baadhis dheer oo aanu ku sameynay maqaalkaa waxaanu ogaanay in ay ka dambeeyeen dad dano siyaasadeed leh oo ka mid ah dadkii daaha dabadiisa ka hagaayay xadhiga maamulaha cashuuraha beriga ee goboka saaxil taas oo u jeedadiisu ahayd in maamulaha iyo masuuliyiinta laga dhex abuuro  kkhilaaf iyo isku dir la soo maleegay isla markaasina aanay masuuliyiintaasi wax lug ah ku lahayen xadhiga maamulaha anaguna waxa aanu aaminsanahay  in qofkii wax lagu tuhmo la hor geeyo cadaalada iyo sharciga.

Cadaalada iyo sharciguna noqdaan sidii ilaahay quraanka inoogu sheegay oo aanay noqon mid hadba sidii la doono loo dhigo ,waxaanan ku  kalsoon nahay in aan xaqa iyo baadilku meel wada gala Karin sida ilaaahayba quraankiisa ku cadeeyey.

Sidoo kalena hantidhawraha guud ee qarankana waxaanu ku adkeyneynaa in ay wax kala saaraan oo ay cadaalada u hiiliyaan xilka ay umadda u hayaana  ugu adeegaan sida dastuurka dalku dhigayo .

Waa hay’add madax-banaan  oo awood u leh in ay sharciga hor geyso cid alaale cidii lunsata hantida qaranka sidaa awgeed waxaanu ku boorinaynaa hantidhawrka in ay dedejiyaan oo cadeeyaan kiiska loo haysto maamulaha cashuuraha berriga ee gobolka saaxil  maamule cawaale.

Anagu waxaanu ognahay in maamule cawaale u shaqeeyay qaranka taasna waxa cadeyn buuxda u ah in uu gaadhsiiyay dakhliga mudadii yareyd ee gaabneyd ee uu joogay meel ka sareysa meeshii  odoroska miisaaniyadu xafiiska ahaa ka hor intii aanu xilka qaban isla markaana aanu   hantidhawrka u gudbiyeen arintii cabdi jaamac cali hadii aanu daacad ka aheyn.

Waxaanu filaynay in bilad sharaf uu ku mutaysato  kor uqadida dakhliga iyo daacad nimada.Waxaanu ognahayin sida kiiska lagu soo eedeyay  dhigayo  in aanay jirin Wax hanti  lunsi ah oo uu u xidhan yahay , balse ay tahay dacay masuuliyadeed (negligence  responsibility) , Taas oo aan qaban marka loo eego sida kiiska hantidhawrku ku bilowmay

C/Qaadir Maxamed Guuleed

C/Fataax Maxamuud Kooshin (0634142234)

Siciid jibril axmed