Ooda dhacameed siday u kala sareeyaan baa loo kala guraa

0
94

Nimanka la magac baxay  Golaha Toosinta Iyo Wadatashigu waa in dadka iyo dalkaba xaal mariyaan, waayo laba URUR ayey lahayeen Muj.Xasan Ciise iyo Muj.Dhagaweyne ba labadii ururna waay ay ku guul-dareysteen in ay ku soo baxaan tartanadii Xisbiyada ee dalka dhawaan ka qabsoomay.

Labadan ururna waxa ay Dadweynaha, Dawlada iyo Dhulkaba u geysteen waa wax la wada ogyahay oo ay cid kastaa ka war qabto. Waxana weeye inta aanay toosin iyo wax kale ba u kici timin waa in ay iyagu qiraan Umada iyo Saxaafada horteedaba kana cadeeyaan in aanay ku soo bixin tartamadii ururada markaa kadib ayey toosin, talo iyo tashiba gali karaan umaduna dhagaysan kartaa, Umaduna sidaad umalyseen maaha garaad laawe aan garawsan waxaad gaysateen iyo waxad doonay saanba.

Marka labaadna waxaan u sheegayaa Maxamed Xaashi Cilmi In bari ay jiri jirtay Islaan la odhan jiray      CIDWALBA U JABA naxariistii jano Alle ha ka waraabiyee oo dadkii ay la deeganka ahayd u bixiyeen sababtoo ah subax walba waxay la soo kici jirtay waayo cusub (Shiinaa daad qaaday,Ruushbaa dhul gariir ka dhacay,falastiinbaa la weeraray iyo subax waraabe soo weeraray xoolo dadkii baa ku kacay markaasay tidhi ka daaya ha dilina waraabahee daaya) sidaa saanay Islaantaasuna magaca kula baxday, Ina Xaashi Cilmina waa CIDWALBA U JABA.

Marka sadexaadna waxaaan leeyahay gudoomiyaha is magacaabay ee Muuse Biixi Cabdi isuna magacaabay inuu yahay Gudoomiyaha Xusbiga kulmiye,  Gudoomiyihii xusbiga kulmiye waa uu noolyahay waanuu joogaa  waxana weeyi Gudoomye Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ilaa hadana wax wara oo Official ah oo uu kugu wareejinayo gudoomyaha ma jirto oo laga hayaa mudane Siilaanyo, xaqna  waxa uu u leeyahay sharciga iyo Distoorka hortiisaba Mudane Siilaanyo inuu mar labaad u tartami karo kursiga madax weynaha, waxaanan ku leeyahay muusow laaca hore aragtayee laaga hoosiyo laadka ma ogtahay. Markaad leedahay muusow niman kani tacab badanbay galiyeen dhulka  ma waxaad u jeedaa Nimankani

(1) Qaran bay dumiyeen

(2) ma dadbay xasuuqeen

(3) ma dagaal oogayaalbaa

(4) mise sidaada oo kale ayey leeyihiin “ aniga oo wax dili kara duco qaadan maayo”.

Hadalkii waxaan ku soo koobayaa madaxweynaha  maanta, shalay markuu mucaaridka ahaa wuu soo arkay dhibta ay mucaarid nimadu leedahay. 1. Tabaalada Aduun marbaan idhaa toogo curadkaaga.  2. markalena waxaan idhaa eri min weyntaada marna idhi  Maryama oo rajo ah maaro uma haysid.