IJIID AAN KU JIIDO WAA GACMO DAALIS

0
119

Waxaan ka hadlayaa dhibaatooyin  uu manta dalku ku qabo siyaasadda ama ka taagan iyo xisbiyada mucaaridka.

bbbbWaxaa ay manta maraysaa siyaasaddii dalku heer aan hore wali loo arag oo ah gole wada tashi iyo toosin qaran oo aan ahayn goloyaashii hore u jiray,hadaba xagay maanta ay siyaasiyiintii dalka iyo dibaddaba joogay ay dalka horu mar u gaadhsiin la haayeen oo intuu ninba wax qabad leeyahay qaban lahaa ama ku dhaqaaqi lahaa ayay ragii madaxda ahaa ee dalku kii aan xil hayn, kuwii laga qaaday iyo kuwii xilka hayay ba ay iyagii is eegayaan oo kuwii bilaa xilka ahaa iyo kuwii laga qaaday ay maanta la yimaadeen in ay ku dhawaaqaan gole  ay ku magacaaween(golaha wada tashiga iyo toosinta qaranka) oo aan ahayn labadii gole ee dalka hore uga jiray ee sharciga ku fadhiyay oo wali la garan la yahay wuxuu ka shaqaynayo golahaa cusubi ilayn dad waynaha rer Somaliland waxaa ay iyagu dirsadeen laba gole ooh ore u jiray oo cod ku yimid.

Hadaba anigu waxaan maanta u arkayaa dane ama tashi ay dadka iyo dalka u qabanayaan aanay jirin laakiin ay u heli lahaayeen dane camal si la iskaga aamusiiyo.

Laakiin markay iyagu  xilka dadka u hayeen ayay ka shaqayn lahaayeen danta dadka iyo toosinta qaranka, markaa horu mar gaadhi mayno inta ay madaxdeenu tahay

I JIID AAN KU JIIDO WAA GACMO DAALIS

Waxaan xisbiyada mucaaridka aan odhan lahaa yayna noqon siyaasadiinu mid ku meeraysata ama aragta guriga madaxtooyada iyo nimanka xilka dawlada  u haya ee ka foofa dalka oo sameeya sidii aad caalamka wax uga keeni lahaydeen si shicibku idiin taageero oo aad hadhow cod uga heshaan una noqon lahayd xusbi muxaafid.

Laakiin yayna noqon siyaasaddiinu mid ka sheekaysa wariiska madaxtooyada iyo afar kale,

Wax tarkiina ha ka dhigin

I JIID AAN KU JIIDO WAA GACMO DAALIS

 

Abdikadir Ismail Mohamed

Email:maganp66@hotmail.com

Mobile: 0634485525