Xisbiyada Mucaaridka ee Ucid iyo Wadani oo Madal Ilyartu is-qabatay Heeshiis ku kala Saxeexday.

0
99


Photo0831
Hargeysa(Waaheen) Xisbiyada Mucaaridka ee Ucid Iyo Wadani ayaa Maanta Gaadhay Heshiis Rasmi ah oo u gogol xaadhaya Siddii ay iskugu Dubnan lahaayeen, Heshiiskan oo ka dhacay Hotel Ambasador ee Magaalada Hargeysa ayaa waxa ka soo Qaybgalay Guddomiyaha Xisbiga Ucid Eng.Faysal Cali Waraabe iyo Guddomiyaha Xisbiga Wadani C/raxman Maxamed C/laahi Cirro iyo Masuuliyiinta kala Duwan ee Labadaasi Xisbi.

Kulankan oo ahaa mid si Qurux badan loo soo diyaariyey oo ay Heshiiskan ay ku kala saxeexdeen Labada Xisbi Masuuliyiintooda ayaa waxa hadalo ka jeediyey Guddomiyaha Xisbiga Ucid Eng.Faysal Cali waraabe iyo C/raxman Cirro waxayna Halkaasi ka khariyeen heshiiska labad adhinca ee dhex maray.

Waxanu u dhignaa Heeshiiski Sidan.
1.       In la magacaabay guddida wada shaqaynta labada xisbi mucaarid,
112.      Inay labada xisbi mucaarid iska kaashadaan sidii ay xukuumada ugu ilaalin lahaayeen ku dhaqanka distoorka iyo  shuruucda dalka

3.       In labada xisbi mucaarid ay ku heshiiyaan inay xukuumada si mug leh ugala shaqeyaan hawlaha ictiraafk radinta dalka

4.      In wada tashi joogto ah laga yeesho marxaladaha uu marba dalku marayo

5.      In si wada jira layskaga kaashado arimaha doorashooyinka dalka si aanay doorashooyinku wakhtigoodii ugu qabsoomaan, dib uga dhicin

6.      Inay labada xisbi mucaarid  diyaar u yihiin inay xukuumada  iyo xisbiga Kulmiye kala shaqeeyaan danaha guud ee dalka

22266666667.      Inay reeban tahay inay labada xisbi iska duraan warbaahinta, oo aan laysku marin wax aflagaado ah

8.      In haddii uu wax khilaaf ahi soo kala dhex galo ay labada xisbi si wada jira u xaliyaan

9.      In si wada jir ah loola shaqeeyo guddida doorashooyinka qaranka iyo  daneeyayayaasha doorashooyinka

10. In guddida wada jirka ah ee labada xisbi qaran  ay anshax mariso cidii burisa mid ka mid ah qodobada heshiiska labada xisbi.