Tolow meeye dadkii iyo dalkii midaysnaa ee daahir riyaale sheegay maalintii uu xilka ka sii dagaayey in uu siilaanyo ku wareejiyey?

0
72

Madaxwaynihii hore ee jamhuuriyada somaliland maaalintii uu xilka ka sii dagayey ee uu madaxwaynaha hada ku wareejinayey xilka waxa uu rayaalegoobtaasi ka yidhi hadal aad uu wayn oo maalintaas sarbeeb ahaa maantana ay taagan  tahay xilligii aynu hadalkaasi macnihiisa aynu fahmi lahayn ujeeedadiisana garan lahayn.

Hadaynu bal is yar xasuuusino hadalkaas waxa uu dhignaa sidan:

“ waxaan kugu wareejiyey  dal mida iyo dad mida  

Waxaynu halkaa ka dareemi karnaa in madaxwaynihii hore uu wax badan ka ogaa dabeecada madax waynaha uu xilka ku wareejinayo, dareensanaana in uu yahay nin qabyaalad iyo qaraxka bulshada ku shaqaysta sidaa daraadeedna aan  bulshadan bislaatay aanu wadi karin.

Hadaynu u soo noqono waxa maanta taagan inagoo u eegayna hadalka uu yidhi daahir rayaale in aan maanta aanay jirin dad isku mid ah iyo dal isku mid ah.

Waxaa inoo cad in aan dadka ama bulshada soomaaliland maanta isku mid ahayn waayo maanta waxaa jira degaano iyo beelo aad u badan oo wax ka tabanaya dawladan hadda jirta, taasina waxay keentay in markii ay dawladini wax qaban wayday ay yaguna ficil jawaaba  ka bixiyeen taas oo aynu ka arki karno in aanay dawladu ka talinba meelo caasimada hargaysa ka mid ah. Sidoo kale aanu xaafado magaalada ka mid ah dawladu dhex mari karinba. Waxaa kaloo ka mid ah waxyaalahaa ina tusaya in aan maanta bulshadu mid ahayn

Ø  Arrintii doorashada saylac oo illaa maanta aan wax laysla qaadan

Ø  cabashadii golaha degaanka ee xisbigii xaqsoor

Ø  mudoharaadyadii ka dhaqacay berbera iyo burco

Ø  isku dhacii dhowrka jeer ahayd ee madaxwaynaha iyo ku xigeenkiisa

waxaa kaloo intaa inoo raaca arintan ay soo jeediyeen golaha wadatashiga iyo toosinta qaranku ee ay dawladu dadkii isku sii nacsiinayso iyadu. Waxaa ku filnaa hal masuul gaar ahaaana madaxwaynaha oo dhamaan ka jawaaba 16 qodob ee meesha yaala laakiin uu isagu u qaatay wax aan la garan illaa maanta

waxaa sidoo kale maanta inoo cad in dalkii somaliland la odhan jiray dad badan oo bulshadan somalialnd ka mid ah shaki galiyeen waayo waxa jiri jiray nidaam ay dowladihii hore dhigeen kuwaas oo ahaa in aan wax wada hadala lala galin somalia illaa inta ay dowlad rasmiya oo xasiloon noqonayaan. Laakiin nidaamkaa waa la bal marayoo waynagaa arkayna in xarumihii loogu talo galay inay muqdisho ku yaalaaan ay hargaysa ku dhex yaalaan maanta

hadaba dowladani si ay isku saxdo oo ay qaladaadkeeda hore ay dib u yagana u saxdo waa in ay dadka wax ka dhagaysato iskana dayso waxyaalahan ay ku caan baxday ee ah

Ø  qabyaalada

Ø  nin jeclaysiga

Ø  dhagaysi la’aan

w/q: abdiwahab maxamud ibrahim

          borame, somaliland