Rafa Benitez oo si ba’an u daba dhigtay Macalinka Chelsea Jose Mourinho, markana muxuu yidhi?

0
115

images (1)W.Wararka: Waxay ahayd hal todobaad ka hor markii Macalinkii hore ee Chelsea Rafa Benitez ku eedeeyay macalinka cusub ee Chelsea inuu yahay nin jecel in had iyo jeer in la hadal hayo, ayaa shalay mar kale ku celiyey weerar ba’an oo la beegsaday Mourinho yaab, isagoo carabka ku dhuftay markaan mudadii uu Mourinho gacanta ku hayey kooxda Real Madrid uu la dhaadhacay magaceedii iyo sumcadeedii kooxda.

Waxanuu intaas raaciyey Macalinka reer Spain in Macalinka cusub ee Real Madrid Carlo Ancelotti inuu soo celiyo qiimihii ay laheyd kooxda Real Madrid.

Sidaa si la mid ah Tababarihii hore ee Real Madrid Castilla ayaa cambaareeyay dabcigii kooxda Mourinho ku waday ee aheyd ‘guuleyso wax walba ay kugu qaadato’ taasoo uu caan ku ahaa Jose Mourinho.

Waxaana Benitez uu si maldahan u sheegay in xafiiltankii ba’anaa iyo dagaaladii La Liga ka dhacayay  uu si toos ah ugu lug lahaa Mourinho inay aheyd waxa dhaawacay sumada Madrid, isagoo sheegay inuu doonayay kaliya guul wax kasta oo dhaca.

 

Tababaraha cusub ee Napoli oo waraysi siinayey Eurosport ayaa yidhi “Xidhiidh aad u fiican ayaan leenahay Ancelotti. Waa tababare fiican, shaqsi weyn waxaana rumeysanahay inuu soo celin doonto qiimihii Real Madrid ee ka lumay, baahida loo qabay in la badiyo wax kasta oo dhaca muhiim ma ahayn waana uu ka gudbi doonaa, waxaan qabaa in Madrid ay tahay koox mar walba awood ku badisa, laakiin waxoogaa taas waay ku yara talax tagtey”.