Ma Maqashay Taageerayaal Ciyaar yahan Afrikaana cay darteed garoonka ugu saaray, waa kee Kaasi?

0
96

cunsuriyadaW.Wararka: Waxaa Shalay ciyaar ka tirsanayd koobka loo yaqaano Trofeo TIM oo ay wada lahayeen kooxda Ac Milan & kooxda ku cusub horyaalka Talyaaniga xili ciyaareedkan ee Sassuolo, ciyaartii oo socota ay taageeryaasha kooxda Sassuolo Cunsuriyad ay wax ugu sheegayaan midabkiisa ku saabsan ay ku sameeyeen ciyaar yahanka kooxda Ac Milan ee Kevin Constant, ma ahayn wax cusub in ciyaar yahan afrikaani had iyo jeer ciyaaraha Horyaalada yurub kala kulmo cunsuriyad balse waxaa cusbayd jawaabta ciyaar yahanka oo markii dhagtiisu soo gaadhey Danyeer..Danyeer.. Cadho intuu jiq iska siiyey eegay halkii uu ka xigay Albaabkii Garoonka.

Tasoo aad uga cadhaysiisay kooxda AC Milan iyadoo ciyaar yahanka ku dhaleeceysay inay ahayd khalad inuu Garoonka isaga baxo.

Iyadoo bilowgii xili ciyaareedkii hore si la mid ah wixii ku dhacay shalay Kevin ay ugu dhacday laacibka Kevin-Prince Boateng balse isagu wakhtigaas aan ka bixin garoonka.

Madaxweyne ku xigeenka AC Milan Adriano Gallaini ayaa aaminsan in cunsuriyadii lagu sameeyay ciyaaryahanka ay ahayd wax laga cadhoodo laakiin waxa uu dareensan yahay in ciyaaryahanka uu si qaldan uga jawaab bixiyay markii ay arinta dhacday, waxanuu yidhi “hadalada cunsurinimo waa wax aan laga hadli karin, waana wax laga cadhoodo, laakiin ma aheyn inuu garoonka ka baxo, Inkastoo dabci xumo weyn ay ku aheyd taageerayaasha, sharciga waxa uu dhigayaa in ciyaaryahanka uu u tago garsooraha. Ka dibna garsooraha ayaa u tagaya garsooraha afaraad kaasoo wargelinaya boliiska. Ciyaartana waa la joojin lahaa, balse waxaa khalad cad ah inaad ka bixdid garoonka adigoon sharciga raacin.”