Kooxda Bayer Munich oo u muuqata inay fahantay ciriqa Barcelona, ka dib markii ay shalay ku garaacday Gurigeeda.

0
107

W.Wararka: Kooxda Bayern Munich ayaa u muuqata inay fahantay ciriqa Kooxda sida weyn loogu han waynaa sanadihii ugu danbeeyay ee Barcelona ka dib markii shalay ay koobka Uli Hoeness Cup ku garaacday Barcelona ka dib markii ay uga badiyeen 2-0 ciyaar ka dhacday Garoonka Allainz Arena.

bayer munich cupTababare Pep Guardiola iyo ciyaaryahan Thiago Alcantara oo markii ugu horeysay ka horyimid kooxdoodii hore Barcelona ayay u ahayd tijaabo fiican, dad badan ayaa xasuusnaa labadii ciyaarood e ugu dambeeyay ee ay wada yeesheen labada koxood Champion League xilli ciyaareedkii hore iyadoo Bayern Munich ay labadii lug natiijo aan la filayen oo wadar ahaan kaga badisay 7-0, islamarkaana ugu danbeyntii koobka ku qaaday Garoonka Taariikhda weyn ee Wembley Stadium oo markaas marti galinayey Finalkii 7aad ee ciyaaraha Champion ka.

Kooxda Bayren Munich ayaana ciyaarta inteeda badan iska koontarooleysay iyagoo abuuray fursado aad u badan, waxaana goolasha u furay daqiiqadii 14aad kabtan kooxda Philip Lahm sidoo kalena Xulka Qaranka Jarmalka markii uu madax ku dhaliyay kubad uu soo karoosay Franck Ribery.

Waxaana ay hogaankooda dheereysteen dhamaadkii ciyaarta iyadoo goolka labaad uu u saxiixay ciyaar yahankooda cusub ee Mario Mandzukic, waxaana ay sidaasi Bayern Munich ugu badisay kooxda Barcelona  2-0

Koobka saaxiibtinimo ee ay ciyaareen labada kooxood ayaa ah mid lagu maamuusayay madaxweynaha kooxda Bayern Munich Uli Hoeness, waxaana ay u aheyd hadiyad dhalashadiisa 60aad ah, iyadoo lacagta ka soo xarootay tabarucaad lagu bixin doono gabi ahaanteedba.