Ciyaar yahanka Porto ee Jackson Martinez oo sheegay inuusan u soo socon Horyaalka Ingiriiska

0
92

imagesW.Wararka: Ciyaaryahanka weerarka kooxda FC Porto Jackson Martinez ayaa diiday inuu ku biro kooxaha Liverpool iyo Tottenham isla markaasna beeniyay warar laysla dhexmarayay oo sheegaya inuu ku biirayo naadi ka tirsan horyaalka Premier League xagaagan.

Weerar yahanka 26 jirka ah ee Martinez ayaa lala xidhiidhinayay tan iyo dhamaadkii xili ciyaareedkii hore naadiyada ka dhisan horyaalka ingiriiska gaar haan Tottenham iyo Liverpool oo mid kamid ah naadiyadaas uu u ciyaari doonno xilliga cusub. Iyadoo sidoo kale kooxaha Borussia Dortmund iyo Napoli ayaa xiiseenayay Saxeexa Martinez.

Weeraryahanka wadanka Colombia Jackson Martinez ayaa waxaa xiiseenayay naadiyo dhowr ah kuwaas oo doonaya inay ka faa’iideystaan adeegiisa xilliga ciyaareedka cusub

Sida ay Qorayeen Wargayska ayaa sheegaya in wakiilka Jackson Martinez oo lagu magacaabo Luis Manuel Manso inuusan xidigani ku biiraynin kooxaha ka tirsan horyaalka Ingiriiska.

Iyadoo ciyaar yahankani laftiisu uu sheegay inuu ku faraxsan yahay naadigiisa FC Porto isla markaasna uu lasii joogayo.