Kooxda Barcelona oo ku dhawaaqday macalinkeeda Cusub ka dib

0
136

Tababra cusub ee Barcelona

soo jeedintii Lionel Messi  W.Wararka: Kooxda Barcelona ayaa ku dhawaaqday magaca badali doona Macalinkoodii hore ee Tito Vilanova shalay, mudo shan cisho ka dib oo la isla dhex marayey waa hebel iyo hebel ayaa ugu dambayntii waxa uu noqday Macalinka cusub ee Kooxda Haysata Horyalka Isbaynee Barcelona Gerardo Tata Martino. Warar badan oo leysla dhaxmaraayay ayaa jiray oo ku saabsanaa cida u noqon doonta macalin kooxda Barcelona iyadoo la saadaalinaya inuu xilkaas qaban doono tababare Guus Hiddink oo iska casilay Anzhi Makhachkala maainimadii Isniinta, balse ugu dambayntii Macalinkan reer Argentina ee tababare u ahaa kooxdii hore ee Lionel Messi Newell’s Old Boys ayaa calfaday kursiga kulul ee kooxda Catalanya, ka dib markii macalinkii hore ee Barcelona Tito Vilanova xanuun soo wajahay dartii shaqada ugudan kari waayay. Martino ayaa ka mid ahaa liiska magacyada loo xuli doono kooxda Barcelona, Ka dib taladii iyo soo jeedintii laacibkooda Lionel Messi oo ahaa ninka u duurbidayey inuu ka soo bixi karo shaqadan. Waa Kuma Macalinka Cusub ee Barcelona? Gerardo Tata Martino waa 50 Jir ku dhashay Magaaada Rosario (Magalada uu Messi ku dhashay) ee dalka Argentina, waa tababare aan haysan wax badan oo uu ku faano, marka laga soo tago sanadkii 2007 oo uu Noqday macalinka sanadka laatin America isagoo macalin u ah  xulka Qaranka Paraguay. Sidoo kale waxa uu ku guuleystay horyaalka Paraguay Afar jeer isaga oo la qaaday labo kooxood oo kala duwan, sidoo kale waxa uu ku guuleystay Horyaala Argentine sanadkan. Waxa uu si la mid ah xidiga Aduunka ee Lionel Messi ku soo shaac baxay kooda Newells Odl Boys, waxanaa macalin u ahaa tababaraha caanka ah Marcelo Bielsa, kaasoo labo horyaal ku hogaamiyay kooxda. Martino waxa uu ahaa Boqorka khadka dhexe ee uu kooxdiisa, waxa uu u ahaa sida Xavi uu u yahay Barcelona. waxaa lagu tilmaamaa inuu si dhib yar u qaatay qaacidada tababare Bielsa. Martino waxa uu jecel yahay inuu weerar joogta ah saaro kooxda ka soo horjeeda islamarkaana kubada si dhaqso ah loogala wareego marka laga heysto. Waxaanuu jecel yahay inuu bedbedelo shaxdiisa inta ciyaarta socoto, iyadoo udub dhexaad ay taas u tahay shaxda 4-3-3. Waxyaabaha lagu xasuuto martino inta uu macalinka ahaa waa Koobka Copa America ee 2011 oo xulkii uu watay ee Paraguay si mucjiso ah ay ku gaadhay ciyaarta finalka iyadoo hal kulan aan ciyaarta caadiga ah badinin, waana natiijadoodii ugu fiicneyd ee ay gaaraan tan iyo 1983dii. Martino magac weyn kuma lahan Europe laakiin waa tababaraha cusub ee Barcelona xilli horyaalka inuu bilowdo uu soo dhow yahay, sidoo kale Macalin waligiis kama noqon Europe khibrad badana kama haysto ciyaaraha yurub, inkastoo macalin uu ka soo noqday Koobka Aduunka & Laatiin America. Martino Shakhsiyan waa nin dabeecad kulul go’aana leh jecelna inay tiiso had iyo jeer socoto.

W.Wararka: Kooxda Barcelona ayaa ku dhawaaqday magaca badali doona Macalinkoodii hore ee Tito Vilanova shalay, mudo shan cisho ka dib oo la isla dhex marayey waa hebel iyo hebel ayaa ugu dambayntii waxa uu noqday Macalinka cusub ee Kooxda Haysata Horyalka Isbaynee Barcelona Gerardo Tata Martino.

Warar badan oo leysla dhaxmaraayay ayaa jiray oo ku saabsanaa cida u noqon doonta macalin kooxda Barcelona iyadoo la saadaalinaya inuu xilkaas qaban doono tababare Guus Hiddink oo iska casilay Anzhi Makhachkala maainimadii Isniinta, balse ugu dambayntii Macalinkan reer Argentina ee tababare u ahaa kooxdii hore ee Lionel Messi Newell’s Old Boys ayaa calfaday kursiga kulul ee kooxda Catalanya, ka dib markii macalinkii hore ee Barcelona Tito Vilanova xanuun soo wajahay dartii shaqada ugudan kari waayay.

Martino ayaa ka mid ahaa liiska magacyada loo xuli doono kooxda Barcelona, Ka dib taladii iyo soo jeedintii laacibkooda Lionel Messi oo ahaa ninka u duurbidayey inuu ka soo bixi karo shaqadan.

Waa Kuma Macalinka Cusub ee Barcelona?

Gerardo Tata Martino waa 50 Jir ku dhashay Magaaada Rosario (Magalada uu Messi ku dhashay) ee dalka Argentina, waa tababare aan haysan wax badan oo uu ku faano, marka laga soo tago sanadkii 2007 oo uu Noqday macalinka sanadka laatin America isagoo macalin u ah  xulka Qaranka Paraguay. Sidoo kale waxa uu ku guuleystay horyaalka Paraguay Afar jeer isaga oo la qaaday labo kooxood oo kala duwan, sidoo kale waxa uu ku guuleystay Horyaala Argentine sanadkan.

Waxa uu si la mid ah xidiga Aduunka ee Lionel Messi ku soo shaac baxay kooda Newells Odl Boys, waxanaa macalin u ahaa tababaraha caanka ah Marcelo Bielsa, kaasoo labo horyaal ku hogaamiyay kooxda. Martino waxa uu ahaa Boqorka khadka dhexe ee uu kooxdiisa, waxa uu u ahaa sida Xavi uu u yahay Barcelona. waxaa lagu tilmaamaa inuu si dhib yar u qaatay qaacidada tababare Bielsa.

Martino waxa uu jecel yahay inuu weerar joogta ah saaro kooxda ka soo horjeeda islamarkaana kubada si dhaqso ah loogala wareego marka laga heysto. Waxaanuu jecel yahay inuu bedbedelo shaxdiisa inta ciyaarta socoto, iyadoo udub dhexaad ay taas u tahay shaxda 4-3-3.

Waxyaabaha lagu xasuuto martino inta uu macalinka ahaa waa Koobka Copa America ee 2011 oo xulkii uu watay ee Paraguay si mucjiso ah ay ku gaadhay ciyaarta finalka iyadoo hal kulan aan ciyaarta caadiga ah badinin, waana natiijadoodii ugu fiicneyd ee ay gaaraan tan iyo 1983dii.

Martino magac weyn kuma lahan Europe laakiin waa tababaraha cusub ee Barcelona xilli horyaalka inuu bilowdo uu soo dhow yahay, sidoo kale Macalin waligiis kama noqon Europe khibrad badana kama haysto ciyaaraha yurub, inkastoo macalin uu ka soo noqday Koobka Aduunka & Laatiin America. Martino Shakhsiyan waa nin dabeecad kulul go’aana leh jecelna inay tiiso had iyo jeer socoto.