Bale oo u sheegay kooxdiisa inuu rabo in la fasaxo, halkuuse ku sii jeedaa?

0
137

Pele real MadridW.Wararka: Jariirada ugu magaca weyn dalka Spain ee ka faloota arimaha ciyaaraha ayaa sheegtay in ciyaaryahanka Welishka ah uu la gaadhay Hehsiis lix sano kooxda Real madrid oo uu sanadkii qaadan doono 8.5 Milion Giniga Isterliinka ah.

Waxay jariiradu warkeedaas ku dartay in wada hadalo ay dhex mareen ciyaar yahanka iyo gudoomiyaha Kooxda, taas oo ciyaar yahanku ka codsaday madaxa Naadiga inuu doonayo inuu tago Bernabue, sidaas darteed loo fasaxo.

Dadka ka faalooda arimaha Isboortiga ayaa markiiba si weyn u qaadaa dhigay arintan iyadoo la saadaaliyey in warkani u badan yahay inuu sidiisa u dhaco, amrka loo eego Jariirada marca oo la ogsoon yahay in xidhiidh dhow ay la lee dahay Maamulka Real Madrid, sidoo kale ay dhacday wararkii ay ka qoreen iyo sadaasha ay ka sameeyeen soo wareegida ciyaar yahanda Luka Modric, Cristiano Ronaldo & Kaka.

Tababare Ku xigeenka Kooxda Real Madrid Zinadine Zidane ayaa si weyn uga hadlay doonidooda ciyaar yahanka baalka ee kooxda Totenham in badan isaga oo ku celiyey in muhiimadaooda koowaad ee xagaagan uu yahay sidii ay u heli lahayeen ciyaa ryahanka Bale ee lagu naanayso “tareenka dheereeya”.