Weerar yahanka Robin Van persie ee Inta badan u haradanaa Koobabka oo Cartamaya

0
65

Robin van Persie of Manchester United celebrates scoring the opening goal of the gameW.Wararka: Weerar yahanka kooxda Man United Robin van Persie ayaa sheegaya in Manchester United ay sidii hore si ka daran baahi ugu qabto koobab.

Ciyaar yahanka Van Persie ayaa xili ciyaareedkiisii ugu horeyay ee Kooxda lagu naanayso Red Devils kula guuleystay Premier League waxaana uu ahaa xilli ciyaareedkii ugu horeysay ee Van Persie uu ku qaato Old Trafford ka dib markii uu ka soo wareegay Kooxda Arsenal oo ku qaatay sideed sanandood oo Abaar Koob la’aan ah.

Goaankii uu xiddiga reer Holland uga tagay kooxda Gunners ayaa aheyd inuu koobab qaado ka hor inta uusan ciyaaraha ka fadhiisan, laakiin waxa uu doonayaa wakhtigan inuu kooxda United ku qaado bilado & koobab badan.

Waxaanuu yihdi “Weli waxaa igu hadhay sannado badan, mana ahan inaan lee yahay sida waan qaadayaa, lakiin waxaan doonayaa wax ka badan intaas, waxa ay iga dhigeysaa mid baahi badan qaba.

waan baahnaa sannadkii hore laakiin haatan ayaan ka sii baahi badanahay, waxaan heysanaa ciyaartoy waa weyn, waxaana dooneynaa inaan wax badan ku guuleysano. Xilli ciyaareedkii hore waxaan ku guuleysanay horyaalka, taasna waxa ay aheyd wax weyn laakiin haatan waxaan dooneynaa inaan ku guuleysano horyaalka iyo koobab kale”.