Sixirkiiba lanagu qaaliyeeyey, Suuqaa lanaga saarey!!!

0
48

ddW/Q: Ridwaan Mubaari Cabdi <Dalxa>

 Wiil galbeed ka yimidiyo

Miduu jeebku u buuxa

Sixirkii nagu qaaliyey,

 

Gabadh jamaal leh iyo

Jeebkuna u buuxaa

Suuqii naga saartay

 

Waxa hubaal ah in guurku uu yahay hami aan ka maqneyn qofkasta oo ka mid ah duulalka labka iyo dheddiga ee raba inay buuxiyaan badh ka mid ah diintooda, iyagoo ku kaamil noqonaya kalgacaylka iyo raxmada uu illahay dhex dhigay noloshaas.

Nolosha lamaanuhu waa kuwo inta badan ay ka soo abqaalnato sal-dhigna ay u tahay dabarka alle inoogu xalaaleeyey wadaagida nafaheena si aynu isugu xasilno, dabarkaas oo ah guurka.

Guurku waa ass-aaska nolol lamaanenimo oo ka timaada laba qof oo iska doorbiday dadka kale, iskana doortay qayrkood, si ay u ababiyaan noloshay damceen, nolosha isdoonista iyo jacaylka ku dhisan.

Waxaanu rumeysan nahay in lamaane kasta oo raba inay nolol abuuran ay yihiin kuwo  inta badan uu ajandahoodu yahay sidii ay isaga weheshan lahayeen dhibta kelinimada nolosha, sidii ay u lehi lahayeen ubad indhahoodu ku doogsadaan isla mar ahaantaana ah midhihii ay mudadaba u oomanayeen dheeftooda.

Hadaba waxaynu wada dhadhansanahay in noloshaasi ay tahay tiirka keliya ee ay ku sugnaan karto tafiirta bani’aadam ku, taasina ay tahay ujeedo gaar ah oo uu illahay ka leeyahay macanaha jiritaanka noloshan aadamaha waayo ujeedo la’aan looma abuuran dadkan iyo ummadahan aad arkayso.

Nolsha guurku waa mid inbadan ayna ka madhneyn in la helo laba qof oo ay ka go’an tahay inay rumeeyaan hadafkooda ku waajahan inay nolol unkaan, waxaa guur tiir adag lagu dhidbo ugu wacan in gabadhu wiilkay rabto inay nolol la abuurto ku xulato Diintiisa ,Dhaqankiisa.

Halka wiilkana looga baahan yahay gabadha uu nolosha la wadaagi doonta inuu ku doorbido Diinteeda waayo nebigay ka sugnaatay, waxba sheegi mayso gabadh inaad ku xulato maalkeeda, nasabkeeda  iyo quruxdeeda waayo intaba waxaa ku dhici karta inuu isbedel, laakinse ku xulo gabadha diinteeda akhlaaqduna waa mid markasta aan ka fogeyn diintee,

Waanu wada ogsoonahay in noloshu aanay ka maarmin in lagu dhiso diin iyo dhaqan ay leeyihiin labadan qof ee raba inay nolol abuuran oo uu mid koodaba kan kale ku uu  xulanayo.

Hadaba arrintan Malaga helay oo ma buuxinay dhalinyaroy?

Ma filaayo in inteena ugu badani aynu buuxinay waayo waxay indhaheenu qabanayaan waxyaabo badan oo aan inoo cuntameyn haday tahay dhinaca jeebka oo kala sareysiin inagu keentay inaga dhexdeenii taasina ay tahay ayaan-darro aynu manta la liidano ducfigeedii.

Waxay dhagahaygu maqleen in manta dhalinyaradeenu ay yihiin kuwo doorbida boqolkiiba 75% kuwo hamigeedu yahay in gabadhiina guudka u fidhato wiil galbeedka ka yimid, inankiina gabadh wadamada Scandinavian ka. Ka hadli maayo inta iyagu wax qiimeeya iyo calafkaba.

Waa arrin xaqiiqo ah oo jirta in hamigeenu uu yahay dibad iyo giniyaadkeeda, oo noloshiiba aynu u qaadanay inay tahay mid ku dhisan lacag, isla mar ahaantaana raxadeedu ay ku jirto qofkii haya.

Waxa dhacda inay ku damaqdo oo  aad aragto wiil ama gabadh ay qof niyadoodu ahayd macnihii ay kaga dhanayd inay nolol la buuran waayo jacaylku waa dareen qof qalbigiisa ku sidka qof kale haduu doono yaanu dareensanaane, hadana waa miday qasab kugu tahay in aanad qofkaas ka fogaan adigoo biday inuu yahay qofkaasi qof ka keliya ee ku siin kara nolol dareen farxadeed ku dhisan.

Waxaad u hurtay niyadaadii qof kale si aad u dareensiiso heerka uu kaa tagan yahay sababtaa waxaaas oodhan aad u sameynaysaa waa mid ah in aad maruun qofkan lamaane wada noqotaan isku xasila.

Waxaase damiir la’aan ah adigoo og qofkaasi heeerka aad ka taagan tahay in aad ka doorbido maal adigoo u haysta noloshuba inay taasi ku jirto, ma ogatahay gabadhayahay/wiilyahow inay noloshu ay tahay mid ku qurux badan inaad hesho qof ku jecel.

Dhinaca kale waxaa jira in arrimahani ay noqdeenba kuwo dhalinyaridii ku keliftay inay badhkood nafahooda biimeeyaan oo badahaa maraan, gabadhihii is midab doriyaan, kuwo kale xujo lagaga dhigo inay keenan duunyo aanu waqtigaa wiilkaasi awood u lahayn ileen saxibadeedba intaasaa duunyo laga bixiyee.

Waxay in badan oo dhalinyaro isugu jira hablo iyo wiilal ba ka cabanayaan in suuqii badhkoodna lagu qaaliyeeyey markii gabadh walba la dooney ama ;agu guursaday lacag aan qiyaas lahayn, halka badhka kalena suuqii laga saaray oo ay ugu wacan tahay gabadh Jamaal iyo jeeba sidata markay raggii ka iibsadeen.

Waxay dhacdooyinkani noqdeen kuwo ku dhex baahay bulshadeena waayo gabadhihiina waxay u hanqal-taagayaan wiil dibadeed oo anay wax aqoona u lahayn iyo nolol aan ku dhisnayn sal adag.

Halka wiilkiina uu yahay mid ku hamiyaya gabadh ka timid Scandinavian si ay u qaado taasina ay tahay nolol macno darro ku dhisan, oo niyad jab ku abuurtay dhalinyaro badan.

Hadaba maxaa ka dhashay arrimahan oo ay sababeen, waxay keenen waxan loo baahneyn iyo kuwo la mid ah sida;

  • In wiilashii qaar ay haweysan ba  waayaan gabdhihii ileen suuqay-ragg ku qaali gareeyeene
  • In gabdhihii is dhalan dooriyeen ileen waatano nin gabadh cas jeclaaye,
  • In waxyaabo dhaqankeena ka baxsani uu bulshadeenii ku dhex faafay sida inaad aragto wiil ama gabadh dibadahaa ka timid oo xidhan waxyaabo ama sida dhaqan kale oo nin kale rabo in loo xayaysiiyo
  • In dadkeenii ay noqdeen kuwo ubadkoodii la jecel wiil dibadeed iyo gabadh dibadeed, lagu doorbidayo duunyo iyo waxaan dhaamin.
  • In aanu ka dhaxalnay waxyabo aan horey loo aqoon sida aroosyadeenii oo noqday kuwo alaaba laga soo min-guurshay dadkan reer galbeedka ah<Europe>
  • In aynu noqono dad si fudud markasta uga sal-guura dhaqankoodii waayo soomali meelkasta oo ay tagto iyadaa lahayaa inay tahay dadka keliya ee dhaqankooda tuura.

Waxaan qoraalkaygan gunaanad uga dhigayaa.

Siduu qiimuhu inoogu dhaco raggow dadaala oo hablaha beenta kadaaya, dumarowna dhaqankii ha lagu soo noqdo xishoodkii hooyana ha la ogaado si aad ugu soo noqotaan heerkay taagneyd gabadhu ama sharaftay lahayd gabadhi.

Email: ridwaan_99@hotmail.com