David Moyes oo mar kale ku celiyey dalabkii laga soo diidey ee Cesc Febregas

0
115

moyes dib ugu noqdat ces W.Wararka: Tababaraha cusub ee Kooxda Man United David Moyes ayaa xaqiijiyay in dalab ka sareeya midkoodii hore ee ay ku doonayaan xiddiga khadka dhexe ee kooxda Barcelona Cesc Fabregas.

Dalabka labaad ee ay gudbisay Kooxda Red Devils ayaa sida wararka sheegayaan la aaminsan yahay inuu qiimahiisu yahay lacag ku dhow 30 milyan ginni.

Macalinka Cusub ee United oo raadinaya saxeexiisii ugu horeeyay ee ciyaar yahan weyn uu kooxda ku keeno yidhi “Waxaan sameynay dalab labaad laakiin gudoomiye ku xigeenka kooxda Ed Woodward ayaa arinta si shaqsi ah gacmaha kula jira halkii aan aniga ka qaban lahaa howshaas, Ed Woodward waxa uu si aad ah uga shaqeynayaa in heshiisyada ay dhacaan. Marka aad xiiseyneyso ciyaaryahano fiican waxaan dooneysaa inaad ka faa’ideysato fursad walba oo ku hor taala, sidaasi ayaana sameyn doonaa.”

Kooxda Man United oo ku sugan dalka Japan iyadoo ku guda jirta ciyaaraha tijaabada ee ay ugu diyaar garoobayaan xagaagan, ayaan weli wax saxiix weyn ah sameynin, laakiin kooxda ayaa si joogta ah uga hadasha xiisaheeda kabtankii hore ee Arsenal. Dalabkii hore oo ay gudbiyeen isbuucii hore ee lagu soo diiday ayaa qiimahiisu ahaa 26 milyan ginni.

Barcelona ayaana la aaminsan yahay inaysan wax wadahadal ah ka galeynin mustaqbalka Cesc Fabregas ilaa iyo inta ay tababare cusub ka magacaabayaan isbuucaan, iyadoo dad badana u arkaan in United ay isaga khasaarinayaan wakhtiga ciyaar yahankan, iyaga oo jira ciyaar yahano badan oo ay si sahlan u heli karaan mushkilada khadkeeda dhexe-na u noqon kara xal.