Booliiska oo Reer Xarriirad ku soo rogay Awaamiir

0
95

rruWaxay shalay labada beeloodba u soo jeediyeen cidii qori lagu arko in la Toogan doono

Xariirad(Waaheen) Booliiska Xarriirad ayaa shalay ku soo rogay labada beelood ee wada dega deegaankaasi in cida lagu arko hub booliisku toogan doonaan, isla markaana yareeyay isku socodka wixii ka danbeeya maqribka.

Talaabadan Booliisku qaadeen ayaa ka dabaysay kadib markii sadexdii maalmood ee u danbeeyay laga dareemay magaaladda dhaqdhaqaaq maleeshiyooyin hubaysan oo magaaladda lagu arkay, taasoo sababtay in shaki ka dhex abuurmo labada beelood.

Saraakiisha ku sugan Rugta Booliiska Xarriirad oo kaashanaya ciidanka RRU-da ee hawlaha Nabadaynta ah u jooga magaaladaasi ayaa shalay Odayaasha labad beelood iyo dadweynahaba soo ururiyay, waxaanay ujeediyeen hadalo ay ku hoga tusaalynayaan in Amaanka la ilaaliyo.

Booliisku waxay labada dhinacba u sheegeen cidii qori lagu arko in talaabo adag laga qaadi doono, iyagoo digniin kama danabys ah siiyay dadka magaaladda Hubka ku dhex qaata.

Xaalada Xarriirad ayaan wali xal rasmi ah laga gaadhin, waxaana habeenadii ugu danbeeyay la hadal hayay in ay soo galeen Maleeshiyooyin hubaysan oo buuraha ku jira, kuwaas oo loo malaynayo in ay yihiin kooxihii dadka ku laayay magaaladaasi