Laacibka Wayne Rooney oo ay uga dhamaatay Old Trafford, Xageese xigi doonta?

0
146

rooney 1W.Wararka: Mustaqbalka Laacibka Wayne Rooney ee kooxda Man United ayaa noqday midka ugu hadalheynta badan suuqa kala iibsiga Xagaagan, waxaana weli la sugayaa waxa ay noqon doonto talaabada xigta ka dib markii dalabkii hore ee Chelsea ay soo diiday Man United, laacibkuna uu doonayo bixitaan.

Wargeyska Sport-ga ayaa cadadkiisii shalay soo baxay cinwaan weyn uga dhigay “Rooney waa uga soo dhamaatay Old Trafford” waxaana ay sheegeen in ciyaaryahanka Caalamiga ah ee dalka Ingiriisku uu go’aansaday inuu si rasmi ah uga dhaqaaqo kooxda Manchester United.

Sidoo kale Jariirada Sunday Times ayaa cadadkeedii Axadii iyana ku tidhi Weeraryahanka waxa uu aad u doonayaa inuu ka tago Man United inkastoo David Moyes uu isku dayayo inuu ka dhaadhiciyo inuu baaqi ku sii ahaado Naadiga ugu yaraan hal xili ciyaareed.

Tan iyo intii gacanta loo galiyey Maamulka kooxda Tababaraha reer Scotland ee David Moyes waxa uu wadahadalo la qaatay Rooney, isagoo sheegay in si khaldan loo fasirtay hadaladiisii ahaa inuu keyd u galayo laacibka weerarka ee Van Persie inay ahaayeen kuwa la dhalan rogay. Sidaas darteed tan iyo wakhtigaas waxana uu Moyes isku dayayey inuu horjoogsado in Rooney uu ka baxo albaabka Old Trafford.

Inkastoo wadahadalo ay socdeen, hadana baahida uu ciyaaryahanka u qabo inuu ka tago United waxa ay sii xoogeysteen maalmihii u danbeysay. Waxaa la fahamsan yahay inuu ka sii xanaaqay hadaladii Ed Woodward gudoomiye ku xigeen kooxda uu ku sheegay inaysan qorsheyneynin inay qandaraaska u kordhiyaan laacibka labaad ee taariikhda United Abid ugu goolal dhalinta badan, waxaa kale oo iyana jira warar sheegaya in Xaaskiisa Coolen Rooney ay u xidhxidhatay u guuritaanka Caasimada Ingiriiska ee London, taasi oo daaha ka sii faydeysa in nolosha cusub ee Rooney noqon doonto London, inkastoo kooxda uu cago dhigan doona aan la hubin oo laba kooxood ee Chelsea & Arsenal ay si weyn u raadinayaan laacibkan.