Horumar Baaxadleh Ayaa Ka Socda Telefishanka Qarranka Waxaananu Ku Diirsanay Muuqaaladda Tooska Ah Ee Ay Ka Soo Tabinayaan Salaadda Taraawiixda Masaajidka Rusheey‏

0
115

Asalaamu calaykum dhamaan shacabka Somaliland. Hadii aan u dhaadhaco maqaalkayga. Tv Qaranka Somaliland Horumar la taaban karo ayuu sameeyay. Horumarka waxaa ka mida Bisha Barakaysan waxaan aan ka daawada Taaraawiix toos looga soo tabeniyo Masjidka Rusheeye oo uu Imaam ka yahay Sheikh Maxamed cumar Diririr. Arintani waxay noqotay mucjiso waa markii u horeysay ee Tv somaliyeed soo tabiyo. Waxa tukinayey nin dhalinyar ah waxay dhiiri gelisay dhalin yarta Dibadah ku nool in ay sidaas oo kale Diinta u Bartaan.

Waxa kale oo soo tebiyaa Axaadiista iyo Su’aalaha Diiniga ah.

Tv Somaliland waxa u noqday meel Mucaarid iyo Muxaafidba ay u siman yihiin.

Horumarka Tv Qaranka lama soo koobi karo, laakiinse indhaha lagama qarsan horumarka ay sameeyaan.

Maamulaha Tv Qaranka waxaan ka codsan lahaa ay ku soo daraan qaybta Hidaha iyo Dhaqankii Somaliland ee Abwaanada waa weyn sida Xasan Ganay, Ahmed Saleeban Bide,Hadraawi , Ali Banfas iyo dhalin yarta soo kacdayba. Hawl fiican baad qaranka u haysaane halkaas ka sii wada, shacbi weynaha Somaliland waa Taagersan yahay Tv Qaranka.

 

Khalil Aden Abdi

Bristol,UK