Wasiirka Arrimaha dibeda oo beri ku soo fool leh Hargeysa iyo wefti ka socda UN-ka oo ku wehelinaya

0
70

Addis ababa(Waaheen) wasiirka cusub ee Arrimaha dibeda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa berri ku m biixsoo fool leh Caasimadda Somaliland ee Hargeysa, halkaas oo soo dhaweyn Heer-sare ah loogu diyaariyay.

C/xakiin X Siciid oo ka mid ah xubnaha ku wehelinaya Wasiirka Arrimha dibeda safarkiisa waxa waaheen u xaqiijiyay in ay la socdaan saraakiil kale oo ka tirsan UN-ka, Aqoonyahano iyo masuuliyiinta safaaradda Somaliland ee Addis ababa.

C/xakiin waxa uu sheegay in diyaaradda Weftiga sidaa ay ku soo beegan tahay tobanka subaxnimmo, halkaas oo ay soo cagadhigan doonto Madaarka Hargeysa.

Maxamed Biixi Yoonis mudadii uu ku sugnaa Addis ababa waxa uu kulamo iyo hawlo shaqo oo la xidhiidha xilka wasaaradda Arrimaha dibeda la yeeshay Madax badan oo ka tirsan dunida, kuwaas oo uu kula kulmay Addis ababa.

Guddida qaban qaabada soo dhaweynta Wasiirka ayaa Hargeysa ka wada abaabulbalaadhan oo ay ku soo dhaweynayaan Wasiirka, waxaanay goobaha faras magaalaha ah ku xardheen Muuqaalada Wasiirka.