Somaliland oo qaramaysay Maleeshiyo ka tirsanayd Khaatumo oo soo galay

0
103

 Fiqi-fuliye(Waaheen) xukuumadda Somaliland ayaa manta tuulada Fiqi-fuliye ku qaramaysay ciidan gaadhaya Lix boqol oo Askari oo watay Tikniko iyo khaatumogaadiid ka xamuulka, waxaana manta si toos ah loogu wareejiyay Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Sareeye Gaas Ismaaciil Shaqale.

Tuuladda Fiqi fuliye waxa Maleeshiyaddaas ku guddoomay wefti wasiiro ah oo ka ambabaxay magaaladda Hargeysa oo uu hogaaminayay Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland, xuxbnana ay ka ahaayeen Wasiirka warfaafinta, Wasiirka Biyaha iyo wasiiru-dawlaha Nabadaynta Goboladda Barri ee Somaliland.

Ciidankan oo ka tirsanaa Maleeshiyadda Khaatumo waxa hogaaminayay Abaanduulihii Maleeshiyadaasi Maxamed Raage, halka uu gadh-wadeen u ahaa Garaad Claahi Maxamed Guuleed oo ka tirsan Madax dhaqameedka Beesha Xudun ee ay ka soo jeedaan Maleeshiyadda la qarameeyay.

Wasiirka Warfaafinta C/laahi Maxamed daahir Cukuse ayaa sheegay in ay ka faraxasheen Nabadayn ay beryahanba ka wadeeen deegaankaasi isagoo sheegay labadii Ciidan ee Rasaasta isku ridayay in la dhameeyay oo ay ku bahoobeen Ciidanka Qaranka Somaliland