Hoombaro libaax bay soo waddaa Qormada: 2aad, Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale

0
104

Intan lagu dhawaaqay Golahan Wada-tashigana waa ay ka sii dartayba oo sidii xoolaha ayaa Madaxtooyadii loogu sunsumayaa. Hadda waa sida ay lahaayeen, iyaga iyo Allahood e’. Waa in madaxa la isku keen geliyaa oo aynu innagu kala dhammaan weynaa, ka dibna aayaheennii lala ambadaa oo hadhow waagu dabadeenna ka beryaa. Sow tii aynu ciyaarihii gobollada isku madhan gaadhnay ee reer hebeltu badatay ee magaalo-madaxdeennii labaad ee Burco loo sadqeeyay. Bal hadda u fiirsada tuducan Gaarriye ee aan idiin ka soo dheegay Maansadiisa ‘Dabo-taxan’, waxaanu yidhi:

“Indhahaan ku deyi laa,

Kii deynta iga qabay,

Waxa aan ku dabayaa,

Mid sidayda dulugle ah,”

Innagii ayaa isku maqan iyada oo geeleenni circa lagu maalayo. Haddii uu qof immika kuu soo sheego ruux gaadhi jiidhay, su’aashaada ugu horreysaa waxay noqonaysaa: “Oo qolama ayuu ahaa?”

Wada-hadallada waxay ahayd in ay xukuumadda dalka ka jirtaa hagto oo maammusho. Waxay ahayd marka ay siyaasadda wada-hadallada dejiso iyada oo wada-tashi ballaadhan samaysay, ka dib in ay u gudbiso Golayaasha Sahrci-dejinta si loogu xalaaleeyo. Waa hawl ay ahayd in ay dhex cararto Golayaasha Qaranka oo mid waliba xilkiisa ka guto. Xataa kaalinta ay Golaha wasiirradu kaga jiraan ayaan shaashadda ka muuqan. Dhowr qof ayuun baa ina hor taagan oo weliba aan danaynta iyo war-gelinta  ka sinnayn. Waxay ku odhanayaan waa la is-wada raacayaa: xukuumad, xeer-dejin iyo Xisbiyaba. Leesh! Maxaa la isu raacayaa, miyaanay hawluhu kala qarqarrooayn. Haddii ay wefdiga raacaan laba Guddoomiye-xigeen oo Xeer-dejinta ka socdaa, ma Golayaashii Xeer-dejinta ayaa tegay ayay ka dhigan tahay. Xaasha! Waa laba qof uun. Waxa laguu raacinayaa beelaha oo dhan waa la masilayay oo wefdiga waa laga wada muuqdaa. Oo haddii uu Mudane Garaad raaco ma waxay ka dhigan tahay Awdal oo dhan ayaa joogtay. Ma innagii baa sidii dhallaanka isu sabayna. Turkigan baas ee sidan loogu xarrigayaa se, goor ma ayuu ina kala bartay?

Waxay noola muuqataa in isku-dhafka caynkan ah waxa lagu qarinayo. Maxaa u diiday Xukuumadda in ay hawlaheeda si dastuuriya u gudato iyada oo Golayaasha kale wixii ay hadba qabato u gudbinaysa. Maxaa isku cufay, waxan isku murgay ee la kala saari la’ yahay. Ma maansadii Jiitama ee Hadraawi murtidii ku jirtay baa? Sow kii lahaa mar uu dhugucdadii bishii Oktoobar ee aan la mahadin ka hadlayay:

 

“Dhugucdada xajiinta leh,

Waxa loo dhabdhabayaa,

Toddobaatan iyo dhowr,

Ama boqol dharaarood,

Ama tiro wax sii dheer,

Nafta loogu dhibayaa,

Dadka loogu dhacayaa,

Dhaxan loogu joogaa,

Dhafar iyo hurdo la’aan,

Dibad loogu dhaxayaa,

Dalka oo dhan nuurjiyo,

Dharka loogu xidhayaa,

Dhaanto loogu tumayaa,

Dhaldhalaalka beenta ah,

Ayaan dhuux ka hoosayn,”

 

Shirarkan Istanbuul ayaa iska caynkaas ah oo haddii dhuux ka hooseeyo looma baahdeen xilal aan is-geyin oo la isku cayn iyo beyd gooyo. Gole waliba xilkiisa ayuu gaar u gudan lahaa, sawirka qarannimaduna waa uu buuxsami lahaa oo Golayaal xukuumaddu ka qaylisaa ma ay soo baxeen. Miyaanay u muuqanayn wax ay xukuumaddu abuurtay in ay qaylo-dhaan ka wadhay. Tubtii hore ku soo noqo, Istanbuul wixii yiil.

 

Waxay ergadii shirkaa inooga qayb-gashay ku faanaysaa: “Guul ayaanu soo hoynay oo hawadeennii ayaanu soo celinnay.” Oo haddii ay hawadu inaga tegi lahayd ama la inaga qaadi lahaa miyaynu neefsan lahaynba! Riwaayado ayaa la isu dhigayaa. Hawo ayaa la inaga qaaday ayaa riyo iyo riwaayadba ahayd. Innaguna waynagii Riwaayadda kale qaadnay ee innaga oo taagteenna iyo tamarteennaba og dayuuradihii QM xannibnay dalkeennana ka mamnuucnay. Iyaduna Riwaayad kale ma idiin la eg tahay. Markii immika laga yimid Istanbuul ayuu Wasiirka Duulista Hawadu xayiraaddaa qaaday isga oo leh waxaan cuskanayaa Go’aankii Istanbuul. Hadda Go’aankaa uu sheegayo Muqdisho Golaha Wasiirrada ayaa ka fadhiistay oo oggolaaday. Innaga se weli cidi kama fadhiisan. Ma mooddaa in ay xagga dawladnimada inagaga yar horreeyaan. Mise waan yar degdegayaa? Bal adba!

Ka-qayb-galayaashii Shirkaa London ee ‘TFG-da’ iyo Somaliland ka socday ee bishii Juun, 2012kii, waxay go’aansadeen oo ay ku heshiiyeen 8da Qodob. :Si fudud iyo si-dalag ayaynu Shirkaa ku gallay. Waxa ka-qayb-galkiisa isku koobay madaxdii xukuumadda oo intooda badani aanay waxba uga soo joogin soo-yaalkii taariikheed ee dalka iyo dadkanba. Bal hadda aan soo qaadanno Qodobka: 4aad oo odhanaya:

“Labada dhinac waxay ugu baaqayaan Beesha Caalamka in ay sii wadaan fududaynta wada-hadallada, iyaga oo labada dhinac ku kaabaya Xeel-dheereyaal dibadeed oo xagga: shuruucda, dhaqaalaha iyo amnigaba ah,”

Bal tabaaladaa daya. Sannadkii hore ayaa fursaddaas la ina siiyay. Maanta oo bishii Juulay, 2013ka aanay waxba ka hadhin marnaba fursaddaas lagama faa’iidaysan. Wasiirradeennii waayo-aragnimada iyo taariikhdaba saboolka ka ahaa ayaa mar kasta u lebbisanaya in ay shirar aan la mahadin ka qayb-galaan iyaga oo aan waxba diyaarsan. Mararka qaarkood ayaad is-odhanaysaa malaha shirarkaba wax kale looma tago oo aan ahayn in sawirro la iskaga soo qaado.

Haddii aynu fursaddaa ka faa’iidaysan lahayn oo aynu xeel-dheerayaal dibadeed iyo kuwo maxalliyaba isku dari lahayn, maanta waxaynu ahaan lahayn niman xaraar-butaystay oo qaddiyaddoodii oo wixii ay daliil u baahnayd wadata dibadda soo dhigay. Waa sheekadeenniiye: “Hadal uun baa ka dambayn lahaa.” Bal maxaynu maanta la shir- tegaynaa? Ma laga yaabaa in dhinaca inaga soo hor-jeeda ka diyaar-garoobay oo waxyaabaha la ina soo hor dhigo daafici kari weyno? Ha aammusina e’, ka sheekeeya dee. Markaas ayaynu dhabanka iyo gacanta isku illownaa!

Haddii aynu ka faa’iidaysan lahayn fursadahaa ku jiray Qodobka 4aad ee kor ku xusan maanta waxa diyaar inoo ahaan lahaa intaas oo buug ama ‘Dokumenti’ oo aynu raad-raac iyo markhaatiba ka dhigan lahayn. Hoogga iyo ba’a taagan ma maanta ayay qaddiyaddeennii dhiig la og yahay ku daatay mar kale marti u tahay dhawaan-soo-bixii iyo fiqi-duurrayaashii siyaasadeed. Ma innamadii dorraato waa ay fogayd e’, shalay wixii dhacay ogeyn ayaynu doogsin-cararka in ay haamo inoo soo dhaamiyaan u dirannay. Wallee! Innaga iyo harraad waa is-hurran nahay.

Hadda magaalada Hargeysa dadka jooga waxa ka mid ah Mudane Axmed Maxamed Aadan, Qaybe, oo tan iyo kontonnadii soo lignaa maamulkana ku soo dhex jiray. 31 sannadood ayuu ahaa safiir, Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Wasiir Arrimo Dibadeedba. Odey Soomaaliyeed oo Somalilander dhalad ah oo aan biyo is-marin. Intii qalalaasaha Soomaaliya bilaabmay, Hargeysa sidii uu u yimid meelna kama tegin. Waa mid ka mid dadkii u soo taagnaa ee u soo lignaa waxyaabahan aawan ee maanta laga wada hadlayo. Buug kama uu akhrisan, mana bowsan ee wuu u soo taagnaa oo weliba ka adeegay.

(la soco……………………………………..)