Mourinho oo weerar qaawan ku qaaday Manchester United, wacadna ku maray helida Rooney

0
102

REAL MADRID HEAD COACH JOSE MOURINHO PRESSERW.Wararka: Macalinka aan la ganban rabitaankiisa Jose Mourinho ayaa markan isku diyaarinaya inuu weerar aanuu waxba ula hadhin ku qaado Macalinka ku cusub ee Man United David Moyes oo sanadkiisii ugu horeeyay taariikhda la xafiiltami doona kooxaha waaweyn isagoo hogaaminaya kooxda haysata horyaalka Ingiriiska ee Manchester United. Mourinho ayaa weerar afka ah ku qaaday Moyes iyo kooxdiisa isagoo ku sheegay inay ciyaarayaan qamaar iyo ciyaar is yeel yeel ah, isla markaana Weyn Rooney uu yahay ninka kaliya ee aanu u baahanyahay ilaa hada, balse wax la qaadan karo maaha jawaab daciif ah oo afka ah, ee waxaan diyaar u nahay wada xaajood dhab ah, ee arin hala noola yimaado. Dhanka kale Ma jirto jawaab cad oo ay kooxda United ka bixisay hadalka Mourinho oo aan ka ahayn jawaab daciif ah oo afka ah oo uu Moyes ku sheegay inuusan Xidigoodu iib ahayn. Mourinho ayaa baadi goob ugu jira weeraryahan magac weyn kadib markii looga adkaaday kooxdiisa Chelsea suuqa ciyaar yahanada gaar ahaan labdadii weerar yahay ee diirada u saarnaa xagaagan e ay ku tashanayeen kuwaas oo kala ah Falcao iyo Cavani. Mourinho ayaa wacad ku maray inuu heli doono laacibka Rooney wax kasta haku qaadatee, hadalkan oo muran xoog leh ka dhaliyay xayn daabka kooxda United iyo raga wada xaajoodka u matala Rooney oo durba bilaabay inay hoos u wada hadlaan. Rooney ayaa aad uga xanaaqay sida la sheegay hab dhaqanka tababare Moyes iyo maamulka guud ee kooxda, isaga oo ka gadaal ciayari doona weerar yahay RVP.