May fashillmin mujahidiintu hubso!

0
34

SOMALILAND WAXAY KU FADHIDAA INTA YAR EE DHAWAAQAYSA

AHMED ADAM CALI ( HAIBE )

Badi markii laga tegay qiyamkii iyo akhlaaqdii wanaagsanyd ayaa keentay wakhtigan in loo tartamo sidii loo heli lahaa magac, maal, iyo maamus, taasina ay  horseedo in Addunyada iyo maadadu ay ka horeeyaan aakhrida iyo in la doono Raali ahaanshah Rabi.

 Waa xilli aan hadalka loo meel dayayn, meel ka dhacuna uu noqday shaqo cadi ah, dhaleecaynta iyo gefkana laga dhigay badeecad la kala iibsado, warbaahintuna ay noqotay meel la isaga tiriyo waa goorta la isku khaldo runta iyo beenta, fariidka iyo nacaska, danaystaha iyo daryeelaha, fashilka iyo guusha. Waa wakhtiga ay dhaqaalaha iyo awoodu gacanta u galaan koox dhereg dhaaftay oo aan danahooda mooyee daryeel kale aqoon.

Marka ugu horaysa ee fashil ku yimaddo qorshahaaga waa marka aad qaado tallabooyin aad ugu dhowaanayso guusha aad rabto inaad gaadho. Kuwa fashilmaa waa kuwa ka hadha hadafkooda marka ay caqabado iyo culays xoogan oo ka hor yimi awgeed u joojiyaan hadafkooda. Ilaa intaa aad jidka hayso waxaad ku jirtaa dariiqii guusha. Fashilka kugu imanayaa wuxu la caabi yahay hadafka aad rabto culayskiisa.

“Pain is temporary. Quitting lasts forever.”

Waayo araga iyo culimada falsafaduba waxay guuldarada ku tilaamaeen inay tahay cashar fiican oo aad ka qaadatay bare wanaagsan, kaasi oo kugu hogaaminaya dariiqa guusha ee ugu dhaw.  Dadka ay niyad jabka ku keento guuldaradu ee ka hadha yoolkooda rasmiga ayaa ah kuwa fashilmay.  “I have not failed. I’ve just found 10,000 ways that won’t work.” Thomas A. Edison

“Success is not final, failure is not fatal: it is the courage to continue that counts.” ― W. Church

 “I didn’t fail the test, I just found 100 ways to do it wrong.” ― Benjamin Franklin

 “Only those who dare to fail greatly can ever achieve greatly.” ― Robert F. Kennedy

 Si hadaba aad u gaadho guusha waa inuu jiraa yool iyo hadaf cad oo loo socdo,waana in la helo qiimayn iyo kormeer ( Goal, monitoring and Evaluation ,waana inay  jirtaa dadaal adag iyo sabir iyo in aan kolba wax cusub  lagu dhaaqjin inta kii hore loo aamino inuu adag yahay.

Guusha waxay gacanta ugu jirtaa dadaka leh fikir anaagsan, qorshe fiican iyo akhlaaq fiican.

Qorshaha fiican iyo nidaamka waanagasni waa habka la isl la gartay in guusha dhaw lagu gaadho.

Guushu waa qorshihii aad dejisay oo aad gaadho si fiicana u fula. Faylasuufkii Socret ee Faransiiska ahaa ayaa wiil yari waydiiyay guusha wuxuuna ugu jawaaba berri subax waxaad iigu timaadda webiga agtiisa.Maalintii danbe ayuu willkii u yimi ,Faylasuufkii webiga ayuu willkii u kexeeyay meel dhexe markay marayaan oo biyuhu caloosha u gaadheen ayuu willkii yaraa oo aan iska ogayn biyihii madax intuu qabtay ku cadaadiyay oo ku bakhtiiyay.  Wiilkii yaraa markuu biyihii ku cabudhay ee hawo waayay ayuu awoodiisa oo dhan istcimaalay si uu badbaado. Markii danbe isagoo macuurtoon ah ayuu ka qaaday gacantii oo wiilkii soo baxay isagoo naaftuuraya.

Socret wuxuu wayadiiyay markii aan biyaha kugu cadaaidyay ee aad xoogag istcimaalays maxaad rabtay ! wuxu ugu jawaabay hawo. Sideed ku heshay soo xoogaaga oo dhan maad isticmaalayn, waa taas guusha waxa keliya ee aad rabaty inaad hawo hesho awoodada waxba lamaad hadhin sidaa ayaa guusha lagu gaadha. Waana yoolkii aad rabaty oo aad gaadhay.

 

Yoolka oo loo dejiyo si farsamaysan isla markaana loo adeegsado dad karti iyo aqoon leh ayaa fudaydiya gaadhitaanka guusha. Waayo aragnimadu waxay ina tusaysaa in aan waxba si fudud ku iman isla markana aanay jirin wax mar keliya wada dhamays tirmaa eewax kastaa waxa u baahan tahay koritaan iyo in si qunyar qunyar ah lagu gaadho taasoo ugu danabysta noqta guul dhamaytiran.

Guusha  waxay ku timaadda fikir xeel dheer iyo dadaal ku dhisan qorshe cad iyo dariiq sugan waa in aynu la nimadana adkaysi iyo dulqaad inta lagu jiro dariiqa dheer ee guusha.

Waa in lafahmo in ay iman karaan qaladaad iyo hakdyo, loo baahan yahay in si taxadirleh oosabir iyo dulqad leh loga gudbo.    Shimbirta yari markay dilaacdowaxay bartaa duulimaadka iyadoomarna duusha ,marna soo dhacda,taasi barashada duulimaadka. Jabkaiyo guuldaradu waa bashada guusha.

Guusha  waxay ku timaadda fikir xeel dheer iyo dadaal ku dhisan qorshe cad iyo dariiq sugan waa in aynu la nimadana adkaysi iyo dulqaad inta lagu jiro dariiqa dheer ee guusha.

Waa in la fahmo in ay iman karaan qaladaad iyo hakadyo, loo baahan yahay in si taxadir leh oo sabir iyo dulqad leh looga gudbo.    Shimbirta yari markay dilaacdo waxay barataa duulimaadka iyadoo marna duusha ,marna soo dhacda, taasina waa barashada duulimaadka. Jabka iyo guuldaradu waa barashada guusha.

Ugu danabayntii kuwan ku celcelinaya way fashilmeen waa la dooran waayay ee sidii UDUB u hadlaya  … May fashilmin  hubso … Mujaahidinta hadafkoodu wuxu  ahaa laba qodob

1-     In Dalka la xoreeyo 2-  Iyo in Dawlad wanaagsan oo tayo leh helo.  Haddii dalkii xoryahay oo ay tebayaan dawladdii wanaagsanayd weli waxay ku jiraan dariiqi guusha.. Hadduu jiro xad gudub dhinaca dastuurka  ahi maxaa buuqan iyo qayladan keenay hala qanciyo oo hala tuso wixii sax ah hadday jirto, hadday qaadan waayaana sharciga qofna kama sareeyo….

Waxase ka roon dulqaadka iyo isa sixidda , waayo waxaynu u baahanay iskaashi si looga gudbo xaaladda adag.

“GACMIHII IS WAD CAAWIYAA SHAYNA KU ADKAANE
CAQLIGII IS WADA BIIRSADAA CEEL BIYEYN KARA’E”  TIMACADDE
“MIDNIMAA WANAAG LAGU GUNTAA LAGUNA GOOHAAYE
INAAD GUDA COLOWDAAN IN LAYS GARAB SADAA DHAAMA”  Ab.Gacal
Kuwa guudarysataa waa kuwa garan wayay dhawaaqa u hiilinaya kuwa dulman oo laga yabo inay ka mid yihiin.    Madaweyne Siilanyoba 2003 muu guulaysan wuu waday ilaa uu ka gaadhay hadafkiisii.   Somaliland inta yar ee dhawaaqaysa  ayay ku fadhidaa ee xaqa iyo cadaaladda  sheegaysa.       Halku dhegydan akhri

“Maalin guul daraysan waxaan bartay 10000 oo casharo guul ah .” Edon ( Ninkii lamabadashiday

“Kuwafashilkaweyn u badheedheayaa guusha gaadha weyn.” J.F.Kendy

“Wadada ugu fudud ee aad guul ku gaadhi kartaa waa adigoo marka hore guuldaraysta” Martin

“Guuldaradu maaha dhimasho waa dhiiringelinta dariiqa guusha.” Winston Church

“Qof kasta oo guulgaadhaywaxa soo maraya wakhti badan oo guuldaro ah”. Bob Brown

“Qofka doonaya inuu guulatsy waa inuu guudaro weyn u badheedaa”Bill Gates:

Waxaan kaga baxayaa Khaliifkii Cismaan Binu Cafaan (RCodhaahadqaaliga ah ee leeyahay

“Wanaaga is fara xumaantana iska reeba , ogaada qofka muslinka ahi ma dulleeyo naftiisa. Anigu waxaan la jiraa qofka taagta daran ilaa iyo inta uu yahay mid dulman”.