Kooxda Man City oo dhaarsan, ka dib markii hal maalin ay kula wareegeen laba weerar yahan

0
173

negardoW.Wararka: Kooxda Manchester City ayaa hal maalin Gudaheed ku dhamaystirtay saxeexa laba weerar yahan oo ay ugu kacday aduun ku dhow 58 Milyan oo Euro.

Kooxda Man City ayaa ku dhawaaqday inay kagala soo wareegtay kooxda Sevilla Weeraryahanka Alvado Negredo iyadoo ka soo baxisay aduun dhan 28 Milyan oo Euro.

Sidoo kale war ka soo baxay kooxda Sevilla ayaa lagu sheegay in laacibkooda uu ku wareegay kooxda Manchester City waxayna cadeeyeen haatan inuu ka mid yahay ciyaartoyda Man City. Negrado ayaa u duuli doono magaalada Manchester si uu u dhameystiro heshiiska uu kaga mid noqonaayo kooxda isagoo mari doona tijaada caafimaad ee u ka hadhsan heshiiska.

Weeraryahankaan ayaa Sevilla mudo la soo qaatay isagoo xagaagi dhamaaday u dhaliyay 25 gool, Gool Dhaliyaha Caalamiga ah ee reer Spain Negrado ayaa macsalaameeyay taageerayaasha kooxda isagoo u sheegay inuu xushmad weyn u haayo Kooxda Sevilla iyo taageerayaashooda.

Sidoo kale kooxda Fiorentina ayaa xaqiijiyay inay heshiis kala gaadheen kooxda Manchester City oo ku saabsan iibka weerar yahanka Steven Jovetic.

Weeraryahanka Montenegro oo udhaliyey kooxdiisa xagaagii hore 35 Gool ayaa si aad ah loola xidhiidhinayay inuu ka tagayo Stadio Artemio Franchi xagaagan. Kooxda lagu naanayso Viola ayaana warkan ku xaqiijisay bogeeda Twitter inay 23 jirkaan ka iibiyeen kooxda Manuel Pellegrini ee Manchester City. Weli lama xaqiijinin faahfaahinta heshiiska, laakiin waxaa wararka xanta ay sheegayaan in heshiiska uu yahay 30 milyan euro, inkastoo ciyaar yahanku uu hada ku sugan yahay Magaalada Manchester.

Ciyaar yahanada Jovetic iyo Negredo  ayaa noqonaya ciyaar yahankii afaraad kooxda Man City ay la soo wareegto xagaagan ka dib Fernandinho & Jesus Nevas.