Hoombaro libaax bay soo waddaa Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale

0
86

(Istanbuul maxay ii soo waddaa)

 

“Haddaan kuu gabayaba,

Kuu godob miyaa?hoombaro

Ma ka aar-gudaa?

Ma go’doomi baa?

Ma gondaa jar baa?

Ma ha gaaggaxaa?

Ma guhaadiyoo,

Ha ku gaabsadaa?

Ma ha guuxin baa?

Ma in aan gudhaa?

Hadal waa gunnee,

Ma gar-diidnimaa?

 

Gar-naqsi, Gaarriye, 25/4/1983kii, Jiidihii hore ee halgankii hubeysnaa ee dibuxoreynta Qaran,

 

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale – cankaabo@hotmail.com – www.dharaaro.com

 

19/7/2013ka, Hargeysa,

 

Qormada: 1aad

 

Ramadaan Kariim

 

Ilaahay dembigeenna ha dhaafo, dariiqa toosanna ha inagu hanuuniyo. Taasi waa tii Duco iyo bishan Ramadaan ee barakaysan. Ta daneed:

 

Hadal-haynteenna maalmahan ayaa u badan bishan barakaysan iyo waayaha inagu xeeran dal ahaan iyo dad ahaanba. In la wada hadlo ama tiraab wax la isugu sheego wax ka fiicani ma jiro. Tixdu waxay timaaddaa marka tiraabta laga caal-waayo. Xukuumaddeenna iyo Golayaasha Qaranka ee kale waxa laga rabaa dul-qaad in ay u yeeshaan mararka carrabka lagu dhufto dhalliilaha ay leeyihiin. Cay iyo habaarba dibadda weeyaan. Qof madaxdiisa caayayna, waa qof is-caayay. Dastuur ummadi u codeysay oo dal iyo dadba ka dhexeeya oo ay u siman yihiin Doorte iyo La-doorte ayay qoondaysteen in ay intooda ama qodobbadooda adeegsadaan intii shacbiga awoodda iyo xurmada siinaysayna ay laalaan. Mindida daabkeedana waxa haya Doortaha. Illeyn haddii aanu Doortuhu  jirin La-doorte meesha iman maayo e’.

 

Eeg waa anigaa durtabaa qalin-taraaray e’. Aan ku soo noqdo mowduuca aan u holladay. Waa wada-hadalladan dhiillada iyo dhabanno-haysta reebay ee ka dhex socda Soomaaliya iyo Somaliland sida aynu war-baahinta ka maqlayno. Dal isagu waa Soomaaliya oo arrimihiisu dadkiisa iyo dawladdiisa ayay u yaallaan.

Wada-hadalladan la sheegayo in ay Soomaaliya iyo Somaliland dhex marayaan, markan immika Istanbuul lagu shiray ayaa kii afraad ah. Ilaa maalintaa la bilaabay ilaa maalinkaa maanta ah, wax la taaban karo oo ka soo baxay ma jiraan. Mid walba marka uu dhammaado dhowr Qodob ayaa la taxaa oo la yidhaahdaa waa la isku af-gartay. Soomaalidu waxay tidhaahdaa: “Meyd maxaa ugu dambeeyay iyo kaa la sii sido.” Shirarkan mahadhada iyo dhabanno-hayska reebay waxa ugu dambeeyay kulankii ka dhacay magaalada Istanbuul 9/7/2013ka. La-ye saddex Qodob ayaa ka soo baxay. Laba Qodob wax sidaa u sii ridan ma ay ahayn oo waa kuwii lagu celcelin jiray: wada-hadallada oo sii socda iyo in 120 maalmood ka dib isla Istanbuul lagu kulmo.

Qodobka kale ee soo hadhay wuxu ahaa in Soomaaliya iyo Somaliland ay ku heshiiyeen in ay QM kala soo wareegaan maamulka hawadooda. Waxa intaa lagu daray in Xarun Hargeysa ku taal laga maamulo iyada oo la hawl-gelinayo Guddi wada-jir ah oo ay labada dhinac soo doorteen.

Aniga oo aan ku talax-tegayn, shalay (18/7/2013ka) Golaha Wasiirrada ee Soomaaliya wuxu go’aamiyay in ay heshiiskaas aqoonsan yihiin isla markaana uu yahay tallaabo loo qaaday dhinaca midnimada. Waa mowqifka rasmiga ah ee mid ka mid ah labadii dhinac ee heshiiska wada galay oo ah Soomaaliya.

Docda kale aan iska taagno. Wefdigii ka socday Somaliland isaguna halkan ayuu ka sacabbo-tumanayaa oo ka sheeganayaa in uu goolal soo dhaliyay. Labaduba waa ay xarragoonayaan. Soomaaliduna, waxay ku maah-maahdaa: “gari laba ruux kama wada qosliso.” Xaliimo Khaliif Cumar, Magool, naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo e’, dhowr iyo lixdankii beryihii ay Hargeysa ka heesi jirtay, maah-maahdan waxay ugu luuqayn jirtay: “Ogow garina laba ruux, ilkaa uma guduuddee.”  Riwaayadda Saxardiid Maxamed, Jebiye ayaa iska lahaa.

Waxaan xusuustaa 80kii aniga oo barqo joogay Hargeysa, gaar ahaan Harbeysa ‘Club’. Odayaal reer Hargeysa ah oo xarragoonaya oo go’yaal shaal ah huwan ayaa soo gelayay. Waxa weydaartay oo sii baxayay Odayaal kale oo xarragoonayay oo go’yaal shaal ah sitay oo ka tirsanaa qaxootigii Hargeysa deggenaa. Kolley Xaaji Axmed Il-dab iyo Cumar Jees ayaan ka sii xusuustaa. Cali Sugulle Dun-carbeed oo meesha taagnaa ayaa daymada ku raagay. Markii ay is-dhaafeen ayuu yidhi: “Wallee labadaa xarrago mid baa been noqon doonta.”

Bartaa barteedii ayay taagan tahay maantana. Wasiir reer Somaliland ah ayaa habeen dhaweyd oo uu TV-ga ka hadlayay sheegayay in labada dhinacba guulaysteen. Aniga taasi run ilama aha. Waxaan aamminsanahay sidii ay maah-maahdu sheegaysay.

Hoos aan u daaddego. Dadweyne iyo dawladba heshiis ayaynu ku ahayn in la wada hadlo. Waxa kale oo aynu heshiis ku ahayn in aynu hawshan ballaadhan ee halisteeda leh si wada-jir ah oo joogto ah uga wada tashanno. Haddii aad xusuusataan maalmihii ama beryihii ugu horreeyay ee wada-hadalladan la hayayna mar baa la soo saaray Guddii tiro badan oo la-tashi, laakiin aan dib dambe loo arag loona maqal, sidaana ay talaba faro kaga haadday.

Marka aynu dhinacan Somaliland iska taagno dhacdooyinka wada-hadalladan la xidhiidha, waxaynu ogaannaa oo keliya marka loo ambo-baxayo iyo marka ay dhammaadaan oo had iyo jeer la yidhaahdo waxaasaa ka soo baxay. Intaa kale juuq iyo jaaq cidna lagama maqlo. Waxa laga yaaba in ay qolyaheennu xarfaan yihiin oo aanay waqti badan oo wada-tashiba u baahan. Waxay u badan tahay in ay ku kaaftoomaan, marka ay dayuuradda fuulaan in ay afka is-yar geliyaan oo aanay waqti caynkaas ahba ku qaadan. Waa niman soo gubtoo jabay, sida ay isu qabaan. Haddana Ceel-gaabtii garan maayaan, abraako-cabdoona bur-saliid kama ay cunin.

Wada-hadalladan dhiillada dhaliyay ee halista ku haya qarannimadii Somaliland wax qoran lagama arko. Ma aynu arag istaraatejiyad qoran oo cad oo ku taxan wada-hadalladan: waxay yihiin, qaabka loo gelayo, dulucda laga leeyahay, xeesha loo adeegsanayo iyo hababka koormeerkooda iyo qiimayntooda. Shaqo-qaybsi isaga hadalkiisa daa. Waxba ma dhaanno dhallaan dhamac holcaysa ku ciyaaraya. Ma aynu arag weedh-murtiyeed siyaasadeed (policy statement) ku saabsan wada-hadalladan oo aynu leenahay, Somaliland ahaan. Waxaynu ku dhego-barjownay shirar-jaraa’id oo aynaan garanayn meel aynu hadhow u raacno. Marka uu shirku soo dhawaado waxa la isku laynayaa cidda wefdiga ka mid noqonaysa. Waa halkii Timocadde e’: “Dan Soomaaliyeed lama hayee, waa dabbaal kale.” Waxaaba la sheegayay qaar lacagtana qaata, wufuuddana iskaga hadha. Ergooyinka inaga tegaya wax kale looma eego oo aan ahayn in ay qabiil iyo qudhun aynu eednay ku salaysnaadaan. Xukuumaddii ayaa caynkaas iska noqotay oo dooceedii iyo dareenkeediiba qabiil noqday. Wejiga ayaa la iska saarayaa iyada oo xafisyadii la dhex joogo. Miyaydaan akhriyin Agaasimihii Guud ee Ganacsiga qorta hadh cad laga soo qabtay iyo qaabka uu sheegay in loola dhaqmay. Waa taas oo saacad walba, maalin walba iyo habeen walba joogta.

(La soco…………………………………)