Kooxda Liverpool oo ugu cadcad dhanka Suuqa ciyaar yahanada ayaa markana ku sii jeeda Liiga Calcio, yaase uga calamadsan?

0
135

Liverpool oo shandado u qaatay talyaanigaW.Wararka: Naadiga Liverpool ee iyadu dhawaan la soo wareegtay weeraryahanka naadiga Celta Vigo ee Lago Aspas ayaa lagu wadaa in markale dib ugu laabato suuqa kala iibsiga ciyaa yahanada si ay u hesho weeraryahano cusub maadaama laga cabsi qabo inuu kooxda ka tago weerar yahankooda Luis Suarez.

Sida ay saaka qorayeen inta badan Wargesyada ka soo baxa dalka Ingiriiska kooxda Liverpool ay ka dooneyso Juventus weeraryahanada Fabio Quagliarella iyo Alessandro Matri oo iyagu shaki wayn ku jiro booskooda Juventus ee xagaaga cusub. madaama ay Juve la soo wareegtay labo weeraryahan oo heer caalami ah xagaagan kuwaas oo kala ah Carlos Teves iyo Fernando Liorente, waxayna taas micnaheedu tahay in Juventus iska iibin doonto labadan weeraryahan.

Weerar yahanka 30 jirka ah ee Quagliarella ayaa xagaagii la soo dhaafay u dhaliyay naadiga Juventus 13-gool, ka hor intuusan Sampdoria, halka weerar yahanka reer Neplas ee Matri isna u dhaliyay marwada duqda ah 10-gool marka la isku daro dhamaan tartamada.

Isku soo wada daroo labadan ciyaaar yahan ayaa si rasmi ah u saran suuqa balse waxaan cadeen qiimaha ay Juve ku raadinayso gool dhaliyaasha oo la hadal hayo in kooxo badan oo ka tirsan horyaalka Premier League ay diirada u saarad yihiin, marka laga yimaado Liverpool kooxaha Norwich City, Southampton & West Brom ayaa sidoo kala lala xidhiidhinayaa inay maanka ku hayaan.