Wadaad Suufi ah Oo Meydkiisa Laga Helay Xeebta Maydh.

0
213

Ceerigaabo(Waaheen) Alle Ha U Naxariistee Suufigan oo maanta meydkiisa laga helay Xeebta Haadaw ee magaalada Maydh ayaa magaciisa lagu sheegay Cabdiraxmaan. Waxana gelinkii hore ee maanta dad xoolo-jirato ahi meydkiisa ku arkeen halkaas kaddibna waxay ugu qaylo tageen mmaMagaalada maydh iyo Ciidanka Ilaalada Xeebaha ee halkaas deggan waxana meydka marxuumkan loo qaaday dhinaca magaalada Maydh si halkaas loogu aaso. Waxana meydka marxuumkani u muuqdey mid qiyaastii laba casho kahor halkaas ku geeryoodey. Waxana Wadaadkani sida la sheegay Qudbiga Sheekh-Isaxaaq iyo degaan-xeebeedka Maydh ku sugnaa muddo hal sano ku dhow.

Marxuumkan oo hayb ahaan lagu sheegay Jibriil Abokor ayaa shakhsiyaad ay hore u sheekaysteen waxay sheegeen in ay walaalo ahaayeen sida marxuumku sheegay laba nin oo midkood Wajaale ku sugan yahay shaqadiisuna Wastaad tahay halka kan kalena ka mid yahay dadka ku xoogsada gaadhi-ximaarrada Magaalada hargeysa gaar ahaan Xaafadda Xera-Awr oo qoyskoodu deggan yahay. Sidoo kalena waxa xogaha aannu helnay intaas kusii dareen in ay jirto gabadh iyadana ay marxuumkan walaalo ahaayeen oo deggan Wajaale.

Ilaa hadda lama oga sababta marxuumkani u geeryoodey waxase xusiddeeda mudan in had iyo jeer suufiyadu yihiin kuwo iska socda islamarkaasna xilligan oo xagaa ah ay degaannada xeebahan ka jirto kulayl fara badan iyo dabaysha kulul ee xooggan ee Sammadda loo yaqaan oo iyaduna xilliyadan oo kale degaannadaas ka dhacda waxyaabahaas oo sababi kara dhimashada qofka xilliyadan oo kale waxa iyaduna aan meesha ka madhnayn bahalaha hoose gaar ahaan Abeesada iwm oo iyaguna kulaylka awgiis dhulka hoose kazoo baxa oo laga yaabi karo in qofka soconaya xilliyada qaarkood isagoo aan ka feejignayn ay qaniinyadoodu haleeli karto.

Waaheen.com/Ceerigaabo Office