Tan Laanda Ahi Miyaanay Koraynba?

0
47

Beesha caalamka, Midawga Yurubba iyo Maraykankuba waxa ay far waa-weyn inoogu qoreen in danteenu ku jirto inaga oo ugu horreyn qabana maxaDiiwaan-galinta Muwaadinka (Civil Registration). Taas oo aan u baahnayn in la siyaasadeeyo. Taas oo sal u noqon karta jiritaankeena qarannimo, amnigeena iyo jaan-goynta horumarkeena.

 

Markase Komishankeenii iyo Seddexdii Xisbi ay doonayaan in la sameeyo diiwaangalinta cod-bixiyaha oo aan ku xidhnayn xog sugan, raad-raac iyo marjac ay ku aroorto, maxay u dan leeyihiin markaas? Saw ma aha diiwwan-gelintii aynu hore u eednay iyo “Ma daraato raadkaan dhigaan dib ugu soo laabmay?” Miyaanay Beesha Caalamku dalka uga lexejeclo badnayn?

 

Waxa aan jeclaan lahaa in aan in yar ka soo qaato maqaal dheeraa oo aan ugu caqli celinayay xisbiyadii hore. Kaas oo cinwaankiisu ahaa; Garsugaw Ma Tihid Garsoore. Waayo?! Hay la yaabina, Laandeenna ayaa ah mid aan korayn oo ku celcelinta u baahane. Bal idinkuna ila eega hawraartii maalintaas, iyo laba sano ka hor maanta.

“Waxa aynu isku xukunay in diiwaan galintu waajib tahay ka hor doorasho kasta, Xeer Lamber 37, faqradiisa 3aad. Waxa aynu dayacnay tobanaan milyan oo doolar si loo sameeyo diiwaan-galin aan qaldami karin oo adeegsata cilmiga Biology iyo Computarka. Waxa uu Komishankeeno is diidsiiyay in uu qirto in uu sixi kari waayay Diiwaangalintii, halka shirkadihii ajnabiga ahaa sida ERIS oo kale ay ka xustay:

1.      In khiyaamada ku jirtaa iyo ku celcelintu ay gaadhay boqolkiiba soddon.

2.      In qalabka loo adeegsaday uu bilaa tayo ahaa,

3.      In khiyaamadu ay bulshada ka timid ula kacna ahayd,

4.      In aan la qaadan habkii casriga aha ee lagu kala saari lahaa ku-noqnoqoshada sida ka wajiga iyo faraha (FRS iyo AFIS),

5.      In la miciinsaday qarjajac in lagu kal saaro taas oo aan wax buuran soo kordhinayn. Sidaas darted in Diiwaangalintaas lagu fashilmay dibna aan loo isticmaali karin.

Halkaas ayaa lagu waayay fursaddii ahayd in la helo aqoonsiga muwaadinka oo ka mid ahayd mashruucaas iwm . …(eeg xogta ay qoreen David iyo Robin oo ah madaxda ERIS, taariikh 25th August 2010). …

 

 

“Diiwaan-galinta Codbixiyayaasha

Arrinka ugu adag, ee ilaa hadda aan cidi is weydiin, waa arrinka Diiwaan-galinta Codbixiyayaasha. Ma kii hore ayaa lagu soconayaa? Maya oo xeerka ayaa qeexaya, oo tii la qabtay 2008 maanta ooy tahay 2011 laguma geli karo. Mar labaadna maya oo xiitaa “Deeq Bixiyayaashii” ayaa Diiwaan-galintii hore ku dhoobaystay oo ka dhigay waslad xaaraan ah bahashii aynu ku “dhabar jabnay”. Waxa aan filayaa in halkaas ay ku dhammaatay Diiwaan-galin dambe oo shisheeye inoo yeedhiyaa. Waayo:

 

1.      Bal qaladkii dhacay yaa loo raacaa. Yaa maxkamad la saaraa. Ma Komishanka inoo hayay, ma xisbiyada inoo sikhiray, ma madaxweynihii tagay, ma kan jooga, ma bulshada, ma ardaydii jaamicadda, ma Intarbiis ma Deeq bixiyayaasha? Bal yaa garan?!

2.      Diiwaan-galinta codbixiyuhu haddii aanay ku salaysnayn diiwaan-galinta madaniga ah ee muwaadinka waa waxba kama jiraan. Meel loo raaco iyo xafiis la daba-galana ma yeelanayso. Waana waxa maanta inagu habsaday.

 

“Sidaas darteed, inta goori goor tahay, Madaxweynuhu waa in uu ka toosaa, oo uu soo saaraa Degreeto Madaxweyne oo uu faraa Guddoomiyayaasha lixda gobol ee rasmiga ah, in ay fuliyaan, sida ugu dhaqsaha badan, bixinta taysarooyin sax ah oo muwaadiniinta lagu waajibiyo si ay uga duwanaadaan dadka aan muwaadinka ahayn. Iyada oo qofka ku qaadan waaya muddada loo qabtay la ganaaxi doono. Nooca taysaraduna noqdo mid aan la foojari garayn karin oo abtirsiintii qofka laga helayo kambiyuutarka. Taas oo aan hubo in ay tahay mid fudud oo is-bixinaysa ama aan kharash badan lahayn. Haddii qalad yimaadana waxaa u xidhmi doona oo u qoolan qofka qaatay taysarada, ama ka shaqaalaha ah ee buuxbuuxiyay, ama Caaqilka marag furay, ama Maayarka bixiyay, ama Guddoomiyaha saxeexay. Ama wasaaradda Arrimaha Gudaha ah eek a Masuulka ah. Yacnii qaladkii dhacaaba xafiis loo raaco ayuu yeelanayaa.

 

“Ugu dambayna, daalay oo ma noogine,

Allaahumma Hal Balaqtu, Allaahumma Fash’had”.

 

Halkaas ayuu ku dhammaaday hadalkaygii ahaa laba sanadood ka hor.

 

Wa Billaahit Twfiiq.

 

Maxamad Cabdi Daauud/ madaud@gmail.com