Qormadii 15aad- Xukuumadeena (Dul-yar Damqasho dhaw ) waxey nabadey waxaa nagaga-sii-daran waxay na-bartey.‏

0
47
Waxaa dastuurka Somaliland uu muwaadinkasta oo Somalilander ah uu u-damaanad qaadayaa oo uu xaq-u-siinayaa in uu aragtida fikirkiisa, dhiibashada rayigiisa, cabirista maskaxdiisa, hilaadinta indheer-garad-nimadiisa, abaabulka dhigiisa, sheegista iyo meel-marinta taladiisa, edeeynta iyo toosinta xukuumadiisa uu intaba uu xor u-yahay , xaqna u-leeyahay isaga oo dhawraaya oo aan ku-talax tegeyn milgaha, karaamada iyo xuquuqda muwaadin-kasta  uu siiyey dastuurka qaranku,  Waa hadii aynu run-sheeg nahay oo ay  inaga dhab-tahay in aynu dhab-dha-bano oo kab-kabano oo dhirin-dhirino oo miiqno oo tol-tolano oo toos-toosino  Dimuquraadige ena  silan  ee sidkan, ee solmay ee saqiirey  ee socod-baradka ah ee sii ragaadaaya ee ra-ranka maanta saarmey.
  Wadan wuxuu taabo-galaa oo uu horumar ku talaabsadaa  marka uu helo madax-daacad ah oo samo talis ah oo -u-tudha oo aan ka shaqeysan ee ummadda u-shaqeeya iyaga oo raacaaya dastuurka iyo xeerarka markaa wadanka u-yaala. Nasiib-daro may-noqon xukuumada  Siilaanyo  xukuumad daacad ah oo la mahadiyo, waxaana  ay xukuumadii noqotey xukuumad aan ku-foogneyn oo aan u-tafo-xaadneyn horumarkii iyo wax-qabadkii wadanka, waa xukuumad aqoonteeda leh laakiin hagratey oo dayacdey oo aan sameyn nidaamyo  (policy) lagula dagaalamo sicir-bararka iyo baahiyaha dhaqan-dhaqaaleh ee ku habsadey dan-yarta reer S/land.  Waa Xukuumad aan laheyn (Trade Policy) oo aan  dhiiri-gelin wax-soo-saarka iyo kor-u-qaadista wax-soo saarka wadanka. maa-daama ay xukuumada ay gundhada ugu jiraan kuwo aan jecleyn in wax la soo saaro oo  iyagu had-iyo jeer jecel in ay dhiiga shacabka ay dheecaan  siis taan oo ay miirtaan oo ka iibiyaan soor iyo saad ribeysan. Waa Xukuumad aan laheyn xeerarkii iyo sharciyadii lagu kantaroolaayey dhaqaalahii wadanka. Maadaama ay dal-qada  ugu jiraan kuwo aan jecleyn  in laga maarmo oo wadanku lugaha isku taago.Waa Xukuumad aan Mudnaanta kowaad siinin arimaha bulshada gaar-ahaan biyaha iyo Caafimaadka oo ay ku-xidhan yihiin nolosha aas-aasiga ah ee ibnu-aadamka  waxaana ay maanta biyo la’aantu ugu darantahay caasimada Hargeysa. waana arin la hagradey laakiinse wax-laga qaban karo.
 Waa xukuumad hoosta ka-guntatey dir-raac,hanti, biyo, baloodh  iyo baad boob , taas oo halbeegeedu yahay is kooxeysi khiyaameysan iyo fulintii  go’aamadii Shir-beeleedkii Gar-adag. waxaanse aan la yaabey markii  uu xeyn-daabkii madax-tooyadu uu noqdey xarun ay ku taba-bartaan inamo yar-yar oo aan wadan waayo aragnimo siyaasadeed iyo mid-maamul oo aan  dhaaf-siisneyn waayo aragnimo xawaaladeed, hantida ummadda lagu lunsado,ku waas iyagu  is-dalacsiiya oo maroorsada  awoodo aaney laheyn oo  mansabkana ku-ganacsada  kuna -ugaadhsada  oo meesha ka saarey haykalkii, hanaankii iyo higsigii  dawladnimo. Waxaa wax laga yaq-yaq-siyooda ah oo ka reeban maamul-dawladnimo in maanta ay  aqoontii,Cilmigii iyo waayo aragnimadii shaqaalaha muhiimka ah ee wadanka  lagu xulan lahaa in ay  xukuumada Siilaanyo ay ku soo ururtey   Qoloma ayaa tahay ? taas oo ay  hadheysey xeyn-daabkii madaxtooyada aqoon-daro, maamul-xumo, bar-barad, is- bar-bar yaac, musuq-maasuq xadkii dhaafey iyo  wax-is-wax-daba-marin baahsan,  taa soo keentey in  Agaasimayaashii Degreetada Madxweynaha ku soo baxey ay soo dhex-raacaan qaar–doc-ka-tuur ah oo noqdey (ku-qabso- ku-qadi-meyside ) arintani waa arin ugub ku ah Dawlanimada Somaliland taa soo ah mid  inagu-cusub oo sharaf-dhacna ku ah  qaranimada  iyo saaxadda siyaasada Somaliland,
Arintan ugubka ahi waxay ummadda  S/land ay uga markhaati kaceysaa khatarta baahsan ee maanta  dalku ku-sugan yahay. Miyaa weli aragteen oo maqasheen Agaasime Agaasime u-eekaadey  oo ku khal-damey?  waxaana weliba la sheegayaa Wasiiru Dawleh isaguna yara muruxsadey oo isaga oo xil-suge ah  filekiisa la xadey oo dusha sare la soo dhigey oo dirqi lagu gaadhey,Waa xukuumad xataa doorkii xilwareejinta lagu sii daayey bar-barad, taa soo keentey Masuul xilkii tirsadey oo 5 cisho shaqadii wassaarada kala wadey in la yidhaahdo adiga muu-aheyn ee adeer meesha soo dhaaf!!  Su’aasha meesha ku jirtaa waa mee Madaxweynihii xilalkii uu magacaabey wereejin lahaa ?  Jawaabtu se waa, wuxuu  madaxweyneheenii   uu noqdey Caaqil reereed taa saana  keentey in ay Qabyaaladii ay  duluca furato oo shir-beeleedkii Gar-adag ee Siilaanyo uu hormoodka  ka ahaa  uu hindhiso Shir-beeleedyo iyo qabyaalad xadhkaha goosatey. bal-kawarama sida ay shirbeeleedyadu ay isula sibiq-dhaqaaqeen ee ay u- noqdeen tusbaxa-furmey iyo Jaantaa -rogan,waana ilaa iyo sibirta- ka soo bilow  Gar-adag, Dan iyo Duco, Talo iyo Tawqiif, Afgarad, Barkhadleh, Hoodaaleh. Khaatumo, awdal, seylac  iyo qaar-kale oo la ic-laamiyey oo soo guuxaaya -soo haabo dheh !——————-??? Walee waa loo yabaa Xukuumadeenan  nasiibka darani ilaa iyo Inta ay sidan  inagu -sii wadi!.
Waa Xukuumad iska indho-iyo dhegaba  tirta xogta iyo xaqiiqda maanta wadanka ka jirta, taas oo noqotey xukuumad loo hanweynaa laakiin lagu hungoobey maadaama ay  ku-foogan tahay hiil, dhaqaale urursi, maalin-riyood iyo nifaaqo joogto ah. Waa xukuumad ay wasiiradeedu ku hanjabaan oo shacabka ugu gabyaan uguna geeraaraan baadi-soocdii sumadii geelooda maa-daama ay siyaasada  bar-barad ka yihiin oo  hayb-raaca iyo baadi-soocdu ay halbeegooda tahay.Waa Xukuumadii ugu horeysey ee S/land soo marta ee ay fulintii, Baarlamaankii iyo Guurtidiiba ay isku xisbi isku dan ah ay wada noqdeen, taas oo meesha ka saartey awoodihii dawladnimo, is-xisaabintii iyo xil-gudashadii, waxaase xaqiiq ah in xeerdejintu ay maanta  meesha ku-fadhido mudo- dhaaf aan sharci-aheyn oo xaaraan ah.  Waa xukuumad gashan laba shaadh oo is-leeg oo midi qabiil yahay ku waas oo xalaashadey kala dir-sooca Shirkadaha  wadanka , shaqaalaha  dawlada iyo dhamaan muwaadinta wadanka maa-daama ay ku dhisan yihiin ,khiyaamo, been-abuur, xaq-soor,la’aan iyo dastuurka oo lagu dur-duriyo oo xeerarkiisa la-isu dhii-dhiibo oo lagu ciyaaro oo kolba xaga ay dan-toodu ku-jirto loo adeegsado iyada oo aan cidna lagala tashan amaba kuwii lagala tashan lahaa ay isku team noqdeen.
Dhalinyaradii S/land waxay maanta weydey oo ay dey-deya-yaan oo ay baadi-goobayaan oo ay  la tiiraanyeysan-yihiin cidii ama shaqsiyaadkii tilmaami lahaa ee ay raadkooda raaci lahaayeen ee ay ku-dayan lahayeen  ee tubta toosan ku hagi lahaa ( role model) Dhaliyarada S/land ee dhawaan Jaamacadaha iyo dugsiyada sar-sare ee dalka ka soo qalin-jebisey waxay isku raaceen  in ay meesha ka bacdey oo si-xun loo hagradey waxyaabihii ummaddu mudnaanta isku siin jirtey sida aqoonta sare, cilmiga, waxbarashada iyo waayo aragnimada taa soo maanta Somaliland xaalkiiba uu noqdey Kumaad aheyd iyo Yaa ku soo-direy  horta?  Qabyaaladan in-dho-la-aanta iyo dhego-la’aanta ahi waxay  dhalinyaradii  dhaxalsiisey nitaakho iyo niyad jab baahsan iyo balwad iyo Tahriib is-miidaabin ah. Xukuumada siilaanyo waxay khiyaameysey aqoontii, cilmigii, caqligii iyo xoogii fayoobaa e e hal-doorkii dhalinyarada ee mustaqbalka oo ahaa madaxdii berito wadanka hogaamin  lahaa.
Alleh ayaa Mahad leh,
Wa-laahum-Aclum .Wa-bilaahi -Towfiiq.
Qalinkii A/Rahman Fidhinle
Intensive Ed- PA
United Kingdom
London