poroticole dawliga ahaa oo ku dumay gacanta m,weyne siilaanyo kugu duushay axmedoow‏

0
121

tan iyo intii uu xukunka dalka haaneeday m,weyne axmed siilaanyo waxaa soo muuqanayey oo kasoo darayey muuqaalkii fashilkaa is dhex yaaca aqoon la,aanta haysta xuukuumada uu horjooga u yahay m,weyne siilaanyo  aad u caajiib ah wax yaaba  aan ka xasuusto hadii dhawr qodob ka dul istaago

1 wasiirkii hore arimaha  debeda  maxamed cumar oo   magacaabay safiiro  dhawr ahaa

taas  oo ah arin iyo waajib gaar ah oo dastuurku siiyey  m,weynaha muumul ahaan safaaaradu waa hoostagtaa  wasaarada arimaha debeda laakiin  saafiirka waxaa  magacaabi kara m,weyne keliya

2 samaynta  xilal aan dastuurka meelna kasoo gelin oo ah jeebkiisa keliya m,weyne siilaanyo

taas oo  dadku aad u layaabeen maadaama m,weyne ahaa qofkii loo doortay ilaalinta dastuurka

hadii aan xilalkaas mid mid u dul istaago waxaa  ka mid ah

1 garyaqaanka guud ee dawlada  meel uu kaga qorayahay dastuurka dalku  ma jirto iyo  xeerkiisa toona

2 maareeye kuxigeenka labaad ee dekeda berbera ayaa ah lama arag waaa igee  dan guud iyo daltoona la eegi maayo

labada w,kuxigeen arimaha gudaha jooga  maaha  dastuuri waa boos u raadin iyo mushahar u samayn keliya waxaasina waa wixii aad  riyaale maalintuu wasiirudawle magaaco aad odhan jirtay  waa olole iyo dhaqaale burburin mise waxay kaa ahayd  muxuu iiga hor samaynayaa aniga  samayn lahaaye

3 taliye kuxigeena labaad ciidamda loo sameeyey kuwaas oo halis ku ah  nidaamka iyo kala danbaynta ciidanka inay halis geliyaan marka intaas oo masuul  mid ba wax sheego waana qayrul sharci

4 wasiir eryey maareeye digreeto m,weyne ku magacaabay ku fadhiya sidii tii ka dhacday  wakaalada korantada hargeisa ee uu wasiirkii  hore hawlaha guud xaabsade ku eryey  weli axmed xaawo taas oo ahayd  dariiq  qaldan ilaa m,wynihii keenay xilka qaado wasiirkuna waxa keliya sharcigu siinayey inuu shaqada si kumeel gaad ah uga joojiya maareeya hadii uu shaqada ku fahmi waayey m,weyaha ogaysiis u qoro ku sababaysan waxaa shaqada uga joojiyey

5 muran dhex  maray wasiir iyo shaaqlihiisii oo wasiir dhan qaranka xil u hayey  xilkii looga qaaday sida ku dhacday  boobe yuusuf ducaale oo siilaanyo xilka uga qaaday si milgaha  masuulinimo m,weynenimo  siyaasadeedba ka madhan uga qaaday xilka

6 fadeexadii raashinkii cumaan  ee loo xidhxidhay raga xilka kahaya  xukuumadiisa mud ,m,weyne siilaanyo  oo ragii inta wax  lagu waayey raali gelina iyaga iyo  bulshadatoona la siin oo weliba xilal cusub qaarkood loo magacaabay  gudoomaha gobolka togdheer mud,xamarji  taas oo  ah  gef qaladaad dawliya oo la galo kuwa ugu waaweyn waayo qof wax lagu eedayn karaa waana lagu heli karaa waana lagu waayi karaa laakiin marka labadaasi soo baxdo  waa qofkii wixii qaladka ah ee uu galay lagu qaado ama raali gelin dawladeed laga bixiyo iyada la ilaalinaya sharafka muwaadinka labadaas mid iyada oo aanay dhicin ayey la siidayey qaarna xilal loo dhiibay

7  mayd maxaa u danbeeyey kaas lasiisido  sidaan ka war qabno waxaa m,weyne siilaanyo  todobaad ka hor sameeyey iskshaadhayn  gollihisa wasiirada waxaana dhacaday in laga ilaawo wasiirudawle  taas oo kaliftay laga soo dabo magacaabid  baarixiya sidee ayey u dhacdaa  digreeto magacaabis masuul qaran loo ilaawaa waa qibrad la,aanta taalada  madaxtooyadena maanta

waxaa kasii daran kii  m,weyne siilaanyo magacaabay Agaasimayaasha guud waxaa uu magacabay Agaasimaha ee wasarada ganacsiga mud  maxmed sh, cumar xasan oo  tirsaday  xilkaas 5 cisho ka hor  masuulkan oo sida la sheegay aan ahayn qof madxtooyadu magacawday laaakiin ay wadaagaan magaca oo sadexan  waa markii koowaad taariikh noocaasi  somaliland  dawladaha dunida ka dhaco  inuu nin aan ahayn ninkii xilka loo dhiibay uu  xafiis qaran leeyahay tirsado isagu  qalad maleh waayo waa muwaadin xilkna geya laakiin yaa laga rabaa inay la socoto cantarol ku samayso kala wareejinta xilalka masuulyiinta qaranka waa madaxtooyada waayo sida wararka lagu hayo  maxamed  sh cumar  markii lagu  yidhi keen  warqadii xilka lagugu soo magacaabay waxaa soo saaray jaraa,id taasi waxay ku tusaysaa  in doorkii madaxtooyada ee kala wareejinta xilalku meesha maqan tahay

hadii aan taas kaga yare  xoogaaga aynu isdultaagnay  qaladaadka  dhinaca maamulka   bal yare jaleecno dhinaca habdhaqanka poroticole ee m,weyne  waxaad arkysaa m,weynaha salaan qaadanaya isaga oo macawis kabo sadal ah sita  cajiib ma  caaqil baa mise  oday masaaijd ku socda

waxaad arkaysaa madaxweynaha salaan qaadanaya oo  roogii casaa ka baxay iyo  masuuliyiin  yar yar sida maayiro iyo badhasaabo askar  maraya  roogii loogu talogalaym,weynaha

waxaad arkaysaa m,weyaha oo salaan qaadanaya oo ku dultaagan kaabad hareeraha laga xardhay  calanka  dalka  majiro qof madaxooyada ka oo  shaqeeya saraakiisha poroticole pridesential house  odhanaya waa qalad in calanka lagu istaago

waxaad arkaysaa m,weynaha salaan qaadanaya oo memberka  salaanta lagu qaatouu la fuulay maayir waa qalad weyn dhinac poroticole ah waayo m,weynaha waxaa memberka la kori kara m,weyne kale oo  marti u ah  m,weyne kuxigeenkiisa oo soo dhaweynaya  ama sagootiyaya

waxaad arkaysaa  m,weynaha waraysi bixinaya isaga oo diyaarad hawada maraysa saaran

waa qalad dhinacyo badan ooxitaa aan amaaniisa u fiicanayn m,weynaha

waxaa ugu  caajiib badaan oo qaladkii ugu cuslaa ah  madaxtooyadaasi gashay oo cadawga somaliland ka faa,iidaystay  waraaqdii casuumada south sudan  ee lagu marti qaaday m,weynaha inuu ka soo qaybgalo  ku dhawaaqida xafladii madaxbanaanida koonfurta sudan

warqadaas casuumada  oo kasoo baxaday xafiiska m,weynaha south sudan mud silva kir oo weliba wada fax number iyo telphone number xafiiska m,weyne silva kir ko qornaayeen waxaa waqadaas  gacanta u soo gashay  madaxtooyada somaliland oo ah dabacn ah  meesha uu dagan m,weynaha la casuumay waa axmed siilaanyo waxaa madaxtootada somaliland aqoon daro darteed  warqadaas ku faafisay warbaahinta iyada orginal intay scan ku qaaday waxaana sidaan wararka ku hayno taas ka faa,iidaystayoo gool ka dhaliyey cadawga somaliland waraaqo badan ugu diray fax numberkii warqadaas laga helay  xitaa iyadaa  waraqdo cay ah loo qoray xafiiska m,weyne silva kir  taas oo aad uga caydhaysiisay dawlada  koonfuta sudan islamarkaana meesha ka saartay xiisihii ay u qabtay somaliland iyo  u aragtay inay qayral masuulyiinyihiin  dadka ay casuumeen sharfeen taasina kaliftay inaan marti qaad danbe somaliland ka helin south sudan oo xitaa ah wax yaabaha uu qarinayey  wasiirkii hore arimaha debeda maxamed  loogu dhiiran waayey in la furo xafiis wakiilka somaliland south sudan  oomane weli raadinayo

hada waxaan ku soo gunaanadayaa m,weyne gacantaada ayuu eersaday  habdhankii dawliga ahaa  ee u dhugo kuwo ku hareero tuban hadii kugu  duushay la gurguuro weligaaba inta kuu hadhay

waa qalinkii

siyaasiga

cabdiqani  ismaaciil maxamed foodcadde

foodcadde2004@hotmail.com