Garabka dhalinyarada ee golaha wada tashiga iyo toosinta qaranka

0
72

(abkuu doono ha sheegtee,wuxuunba ehel ii ah,dadka kaan af aqaaneesi wax iila arkaayee na midayso ujeedo.) Caawa oo ay taariikhdu tahay 16/07/2013

dhalainyarAnagoo ah dhalinyarada iyo wax garadka degmada 26ka june,waxaanu ku kulanay  hoolka ku yaala degmada 26ka june markaanu falanqaynay ee aanu faaqadnay xaalada dalku maraayo,in aanu isla qaadanay in dalku halis ku jiro,markaanu aragnay halgankii dheeraa ee loo soomaray qadiyada madax banaanida somaaliland,in ay xukuumadii aynu dooranay aynu ku hungownay,aanayna hanankarin masiirka umada iyodoo ay ixtiraami wayday distoorka dalka uyaala,iyadoo baalmatay distoorka dalka uyaala, kasoo kala garan waayay wixii loo ildhoobay iyo wixii halgankii dhera loo soo maray ee loosoo dhintay,waxaa hore inoo soo maray in uu madaxwayne siilaanyo uu taageeray ururkii qaran iyo kii udhis taas oo dawladii markaa jirtey ee daahir riyaale u arkeysay ururo sharci daro ah, si uu u siticmaalo qiimaha uu maxamad xaashi iyo ibrahim dhago wayne ay leeyiin,hadii uu maanta uu isku taageen golaha madaxa banaan ee wada tashiga iyo toosinta qaranka,madaxwayne ma waxay kula noqotay inaad ugu hanjabto inaadxadhig iyo cago juglayn,sidaa daraadeed anaguna ka dhalinyaro ahaan iyo waliba ka garab ahaanba golaha madaxa banaan ee wada tashiga iyo toosinta qaranka waxaanu mar sadexaad kaaga fadhinaa inaad 16ka qodob ee ay golaha madaxa banaan ee wada tashiga iyo toosinta qaranku ku soo hordhigeen,inaad ka jawaabto,adoon waxba ku war wareegin sharciyada golahan,waxanu kuu shegaynaa oo horena golahasu madaxdiisu kuugu sheegtay inaanay ahayn golo ama xizbi siyasadeed kugula jira tartan,walina waxaanu ku leenay talada adaa ku nool  iyadu kuguma noola,sidaa darteed markaanu aragnay gafka iyo cago juglaynta aad ku hayso golahaasi waxaanu go aansanay inaanu ku dhawaaqno garabka dhalinyarada ee golaha wada tashiga iyo toosinta qaranka,iyadoo waliba ay na dabasocdaan garabkii haweenka ee golaha oo iyana dhawaan la furidoono,iyo waliba ururadii bulshada,hadaanu nahay dhalinyarada iyo waxgaradka 26ka jun ee unkay garabka golaha  waxaanu gacmo furan kusoo dhawaynaynaa dhamaan dagmooyinka kale ee caasimada iyo dhamaan gobolada dalka si ay ugu soo biiran golahan,si aynu wada jir ugu saxno wixii qaranka ka khaldan dadkana u tusno qaladaadka dadka aynu dooranay ku jiraan,ugulana xisaabtano.

Waxaa saxeexay Afhayeenka garabka dhalinyarada ee golaha madaxa banaan ee wada tashiga iyo toosinta qaranka

Axmed maxamad xasan maarshaal.