Falaadhi gilgilasho kaagama go’do‏

0
18

Golahan cusub ee haldoorkii iyo labeentii reer Somaaliland ay ku kulmeen in ay dawladu soo dhawayso mooyaane in dacaayado raqiis ah ku furto may ahayn, manay garan waajibaadkoodii.

Ninkii berigii dawladii afwayne daasada dariiqa dhigan jiray ee odhan jiray yaa libaanay oo labeeyey, markaasay dadku lacago ku guri jireen daasadaa, markaasuu ninkaasi odhan jiray maad garan. Hadaba xilagan xaadirka ah waxa ka mid ah wadaadkan iyo casaabada ku xeeranee ee masiirkii dalka maroorsaday oo aan wali garan qayla dhaanka ka imanaya shicibkii soo doortay. Waxaanaan rumaysanahay in golahan cusubi ay ka tarjumayaan dareenka bulshada reer Soomaaliland aqlibiyadeeda beri ilaa galbeed. Waxaanse rajaynayaa in aanu golahani noqonin oo kaliya gole magac u yaal ah, laakiin ay ku daraan ficil oo barnaamij wadankan lagu badbaadiyo ay soo dhigaan badka, iyagoo urursanaya talada shacabka.  Halkay dawladani caqli iyo talo ka keeni lahayd ayey bilowday in ay tidhaahdo nimankani Somaaliland ayey duminayaan, sheeko aan ilmaha yari iibsan karayn

Waase ayaan daro ah, in ninkii loo hiiliyey uu shacabkii Soomaaliland sidaa ugu abaal gudo. Shimbir good (ALHN) waxa laga hayaa “ayaan daraan dalkaygu”, xagee habaarku inagaga dhacay ee casaabadan laynooga keenay aan dad iyo dhultoona u tudhayn. Ilaahayoo wa Ramadaane wadada quman iyo talada toosan tus. Talada ah in ay dadkooda u naxariistaan oo aanay ku takri falin cashuuraha ay ka urursadaan, dhaqaalaha dawladaha ajaanibku ugu tuburucaan shicibka masaakiinta ah.  Hadal laguma soo koobi karo waxa wadanka ka socda   fawaaxishka meesha wadanka ka socda ee shicibkii reer Soomaaliland midiyaha iskugu dhiibay iyagoo adaysanaya cashuurihii uu shaqo ugu samayn lahaa, wado ugu dhisi lahaa, caafimaadka ugu hagaajin lahaa ee  cadaalad darada baahsan wax uga qaban lahaa.

 

 

 

Ramadan Kariim, wa bilaahi Tawfiiq

Axmed Maxamed Saleebaan