FAALO – ISBADALADA SIYAASADEED EE SOMALILAND KA SOCDA , GUULAHA XUKUUMADA IYO LABADA GOLE BAARLAMAAN IYO GUULDARADA XISBIYADA MUCAARADKA KU SOO FOOLLEH, HADII AYNA SIDANTAN YEELIN!

0
121

FAALOShacabka reer Somaliland waa mid maanta uga bisil in uu Qabyaalada uga hiiliyo Dastuurka iyo sharciga dalka u yaala.

NUXURKA FAALADA: Guulaha xukuumada iyo dhaliilaheeduba waxa ay marka aad u kuurgasho ku soo dul-fadhiisanayaan, waa astaanta iyo magaca xisbiga KULMIYE. Macnaha Magaca kulmiye iyo Astaantiisa hashiiska loo turjuman karo ee salaantu, waa waxa laga qiimayn karo isbadaladan aan aragno. Ragii fulinta ahaan jiray ee mucaarad iyo muxaafadba lahaan jiray waxaa kulmisay oo heshiisiisay iskuna keentay waa magaca kulmiye. Labadii gole baarlamaan iyo xukuumadii waxaa kulmisay xukuumada kulmiye. Eng Faysal Cali Waraabana waxa ay mucaarad- nimadiisa ugu wayni ay kusoo biyo shubanaysaa, waa maxaa kulmiyow aad kaligaa ula Kulantaa Wada hadalada Somaliya iyo Somaliland. Ururka toosinta iyo wadatashiga qaranka isna waxa sharciga iyo dastuurkii wadanka ka indho-saabay waa anagana mayaad na kulmisay, mise…….sidan ayaan yeelnaa. Ku darsoo maamulka hawadana Xukuumada kulmiye ayaa Soomaliya iyo Somaliland ba Hargeisa ku kulmisay.

Tan iyo maalintii xukuumada cusub ee uu hogaanka ka yahay madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ay la wareegtay talada dalka, waxa dalka ka bilaabmay habdhaqan iyo cimilo cusub oo ku timi siyaasiyiinta, waxgaradka iyo bulsho waynta reer Somaliland ba. Waxa bulshada marinhabaw ku riday doorkii iyo kaalintii looga bartay xisbiyada macaaridka ah ee qaranka. Waxa la arki waayay, lamaqli waayay dhaqdhaqaaqii looga bartay labada gole ee guurtida iyo baarlamaanka ay ku lahaan jireen xukuumadaha laga soo dhiso dalka.Waxa is badal ku yimi hab maamulkii iyo hogaamintii madaxwaynayaasha la soo doorto lagu yaqaanay.Waxa kala shaki siyaasadeed ku yimi dhamaanba siyaasiyiinta iyo shakhsiyaadka haldoorka ka ah ee bulshawaynta reer Somaliland.

Isbadaladan cusub ee ka soo curtay wadanka haatan, waxa ay saamayn wayn ku yeesheen shacabka oo si ay wax u garsooraan garan la, dhan ay wax ka jeedaan ama u jeedaan fahmila,si ay wax u sahamiyaan ama u saadaaliyaan dhuganla. Hadaba inkasta oo is dhalan rogan xawaaraysan uu jiro, shacabka reer Soomaliland waxa uu u muuqdaaa mid illaashanaya oo wax kasta ka horaysiinaya Dastuurka iyo sharciga dalka u yaala, cidii ku xadgudubta ama jafjaf ku keenta ee meel kaga dhac ula timaada, shacab ku maanta si fiican ayuu uga garsoori karaa, waana isha kaliya ama tiirka qudha ee maanta bulshadu ay ka xajisanayso isbadaladan dhaqan siyaasadeedkii hore dhaafsan.

Wajiyadan cusub ee soo ifbaxaya iyo roobkan cusub ee ka curanaya jihada aynaan horay uga baran, waxa ay noqonayaan kuwo guul iyo guul daroba u leh qaranka, xisbiyada qaranka, xukuumada, iyo siyaasiyiinta wali xadhig cad aanan haysan. Hadaba inta aynaan guda galin arimaha iyo sobobaha gadhwadeenka u ah muuqaaladan siyaasadeed ee maanta jira, han isku dayno in aan ka jawaabno su aalahan inaga oo tusaale u soo qaadandoona xukuumada, xisbiyada mucaaradka ah, labada gole qaranka ee Baarlamaanka.

1-   Waa cidma cidda isbadaladan guul ku leh?

2-    Waana cidma cidda ku guul daraysatay?

Hanu ku horayno su aasha hore in aan ka jawaabno, oo hanan ku qiimayno shacab ahaan inaga oo ka qiyaas qaadanayna macnaha qaranimada iyo nidaamka dawladnimada inaga oo fahansan oo ku dhaqmayna. Xukuumada iyo labada gole Baarlamaan ee Jamhuuriyada Soomaaliland, waa cidda guulo looga tirinkaro isbadaladan jira.

1-   Xukuumada maanta jirta. Shacabku waxa uu ka qiimee yaa dhaliilaha ay xukuumadi leedahay marka aynu wax ka tiraabayno nidaamka demoqraadiyadeed ee ah presidencial election ka oo ah kan aynu Somaliland ahaan aynu qaadanay inagu, waa dhawaaqa ka soo yeedha dadka xog ogta loo tiring karo. Inta uu hadaba Maamulka Dalka Madax weyne Axmed Maxamed Siilaanyo uu Talada wadanka uu la wareegay waxaa gabi ahaanba yaraaday dhaliilahii Xog ogtu ay u sheegi jirtay bulshada. Tusaale ahaan wadanku waxa uu leeyahay gole dhaqan oo loo yaqano golaha guurtida. Golahani waxa uu aad uga shaqeeyaa sida looga bartay Khilaafyada kadhasha qaybaha kala duwan ee ay bulshadu ka kooban tahay kuwaas oo keeni kara nabad galyo xumo iyo dagaalo sokeeyeba. Waxana uu xal ka keenaa inta badan hanaanka nabadgalayada taas oo ah mida aynu ku caano maalnay.  Sidaa darteed xukuumadani inta ay jirto waxa ay hadal hayntoodu yaraatay golahan guurtida, waxana baaba ay goobihii oday dhaqameedka dalka lagaga sheekayn jiray. Dadku golahan xubnaha ku jira ama kamida aad bay iskugu hawli jireen oo magacyadooda kala yaqaaneen oo cida ku soo biirta iyo cida kabaxdaba taariikhdooda iyo doorkooda udhaga- nuglaayeen. Balse maanta shacabka jiraa way ka habaw san yihiin arimahaa goloha dhaqanka ee dalka oo waxba kama oga.  Sidan waxa loo turjuman karaa waa mid ee laba maaha. Ma waxa ay nu odhan karnaa way aamuseen oo hawlahoodii ayaa laga maarmay! maxay la aamuseen ma afkaa buush  laga saaray? Maya! Hee mawaxbaa jeebka loogu shubay dhamaan oo gabi ahaanba ma waxay ku sugan yihiin xaalada ‘afwax cunay xishoo’? Oo haday sidaa tahay xukuumadihii tan ka horeeyay ee golahani uu ku afdheeraa, may garan waayeen in ay sidan oo kale ay sameeyaan? Jawaabtu waa maya! Waxa maanta loo iloobay golahan oo aamusiiyay waxa lagu sobobaynkaraa oo qudha xukuumadan maanta jirta oo ka hortagtay illa hii arimaha nabadgalyada wax u dhimi jiray ee fadhiga ka soo kicin jiray golaha guurtida. Sidaa darteed dhaliil cad oo ay sheegaan golahani wuu u waayay xukuumada Madaxwayne Axmed Siilaanyo uu maanta hogaanka ka yahay.

Kaliya gulaha guurtidu ma noqon kuwa ka aamusa xukuumada talada haysa, balse waxaa kale oo ka afxidhay golaha sharcidajinta ee maanta jira. Golahan isaga ah ee aynu u naqaano goloha baarlamaanku sidaynu horayba uga baranay waxa uu ahaan jiray gole loolanka iyo khilaafka arimaha sharcigu inta badan uu ka dhex aloosmo oo xukuumada iyo sida ay wax u maamulayso indhaha ku haya. Golahani waxa uu madaxwayne Siilaanyo ka hor uu u qaylin jiray sida suurta, gurxankooduna si wayn ayuu u soo gaadhi jiray bulshada. Shacabkuna aad iyo aad ayuu u falanqayn jiray si ay uga garnaqaan arimaha sharci ama sharci daro ee baarlamaanka kala baheeya, isla markaana xukuumadu is xulufaysigaas saamayn togan iyo mid tabanba ku lahaanjirtay.

Hada xaaladu tii Baarlamaanka Soomaliland lagu bartay maaha oo way ka fogtahay. Gabi ahaanba waxaa yaraaday doodihiihii golahan ka dhex oognaan jiray, shacabkuna ma arkaan mana maqlaan ruux xubnahani baarlamaanka kamida oo dhaliil u jeedinaya xukuumada maanta talada haysa. Ma jirto xulufo baarlamaanka ka dhex samaysanta oo dano siyaasadeed ama sharci ama qaran isku khilaafsan. Hadaba ma waxaynu odhan karnaa, waxaa dhamaaday arimihii sharciga ee dalka? Ma danahii siyaasadeed ee xubnaha baarlamaanka u gaarka ahaa ayaa meesha ka baxay? Oo miyaa dano siyaasadeed lagu heshiin karaa! Maxaa aamusiiyay? Ma xisbi qudha ayaa laga soo doortay wakiiladan baarlamanka? Jawaabtu waa maya! Sharciga wadanku maaha mid dhamaada. Waa mid socda oo waxka badal iyo wax ku darba lagu sameeyo, siyaasaduna dano joogta ah iyo sxb joogta ah malahaato lagumana heshiiyo, asxaabtii kala duwanayd ee wakiilada baarlamaanka laga soo doortayna wali halkii ayay joogaan. Waxayse jawaabtu tahay oo ay u dhawdahay in xukuumadan maanta jirtaa si habsami fiican oo dano qaran iyo midgaaraba xambaarsan ay ugu soo gudbiso golaha wakiilada arimasha sharciga khuseeya. Waxa kale oo iyadna meesha taala oo lagu sabobaynkaraa in talada wadanka hanaankeeda maamul uu wanaagsan yahay maadaama oo ay dhalilo xukuumadu ay leedahay golahani maanta jiraa uu ku guuldaraystay in uu bulshada uu u soo bandhigo.

Waxaa kale oo aan cadayn sadexaad u soo qaadan karnaa in ay xukuumadani jirtaa ku guulaysatay isbadaladan, waxa ay iyadna tahay xubnahii golahii fulinta ee qaranka Somaliland ku caanka ahaa oo gabi ahaanba rajo ku nool noqday. Waxaa tusaale cad u ah taas inaga oo aynaan ku dheeraanaynba, nasniimada xil degreeto madaxwayne lagaga qaado, xubin fulinta ka mida oo hadana wakhtiga xil wareejinta afgobaadsi iyo xod-xodosho rajo danbe ku afxidhan, in ay maanta siyaasiyiintu gabi ahaanba ay caadaystaan. Midaana waxa sobob u ah habka ay xukuumadu ula macaamisho golahan fulinta oo ku salaysan tabbo ay khayraadka dalka bulshada ugu doonayso in ay u deeqsiiso oo ay ugu qaybiso. Tan oo ka duwan sidii xukuumadii UDUB ay la qabatintay oo ahayd in uu shakhsi ku nagaado kursiga kalsooni badana ku haysto nagaanshahaas.Arintaas oo sobobta ugu wayn ee mucaaradada ku dhalisay Xukuumadii hore ee Madaxwayne Daahir Rayaale Kaahin uu hogaanka ka ahaa ahayd.

2-   Golaha Wakiilada iyo guurtida: qolada labaad ee iyagana guul loo tirin karo waa labada gole qaran ee ay jamhuuriyada Soomaliland ay leedahay.  Maadaama oo ay yaraadeen khilaaf yadii dhanka nabadgalyada iyo doodahii iyo khilaafkii badnaa ee soo kala dhex gali jiray xubnaha golaha guurtida iyo wakiilada, waxaynu ku macnaysan karnaa labada gole Baarlamaanba shaqadoodii qaranimo iyo tii dawladnimoba inay fahmeen oo ay iskula jaanqaadeen, hanaan bisil oo akhlaaqiyaadkii demoqraadiyadeed wax tar u lehna ay ku dhaqmeen. Guushaana waxay tahay mid ay gaadheen labadan gole ee Somaliland.

 

Qaybta labaad

Guuldarda Xisbiyada Mucaaradka ah iyo siyaasiyiinta kale wadanka

Dhanka kale waa cidma cidda ku guuldaraysatay isbadaladan ka soo ifbaxay jamhuuriyada soomaliland inta xukuumada Madaxwayne Axmed Maxamed siilaanyo uu talada wadanka uu hogaaminayo? Waa cidma cida masayrkoodii ujeedooyinkoodii marka ay shacabku qiimaynayaan wali ka marin habawsan? Waxa ugu horeeya qoladani iyaga ah, waxay noqonaysaa waa asxaabta mucaaradka ah ee heer qaran aynu u aqoonsan karno maanta iyo qayb ka mida asxaabtii hore ee macaaradka ahayd  eeku hadhay tartanka daraja xisbiyada macaaradka ee qaran.

  1. Xisbiga WADANI: xisbigan oo taagan darajada heerka qaran ee asxaabta mucaaradka ah ee Jamhuuriyada soomaliland waxa u soo hooyatay guulo badan oo lama filaanku noqday xisbiyo badan oo u soo xadhko xidhay darajada maanta uu gaadhay in ay soo barkulaalaan. Xisbigan WADANI waxa uu kasamaysmay horaantii kooxo tirayar oo ka soo goostay Xisbiga uu hogaanka ka yahay Eng Faysal Cali Waraabe ee lagu magacaabo UCID ama la yidhaahdo URURKA CADAALADA IYO DARYEELKA. Maantana waa sida bulshadu qaar ugu yeedhaane lagu magacdhabo New UCID. Kooxdan ka soo goosatay Xisbigan UCID kadib khilaaf ka dhex abuurmay xisbigan oo ku sahabsanaa arimo khuseeya dhanka hogaamintiisa mustaqbalka danbe ee ururka, waxaa doodbadan kadib laga garsooray in xisbiga UCID uu yeesho Eng Faysal Cali waraabe taas oo goosashada kooxdani sobob u ahaatay.

Hadaba iyaga oo kooxdani ka faaiidaysanayso dhawaaqii madaxwayanaha ee uu ku banaynayay furashada ururada siyaasada, ayaa waxa ay kooxdani ku dhawaaqeen ururkan magiciisa oo ay ugu yeedheen WADSNI. Waxaa xisbigani gadhwadeen ama gudoomiye looga dhigay C/rahmaan C/laahi Ciro oo ku magacdheer C/rahmaan Cirro waa gudoomiyaha shirgudoonka ee golaha wakiilada ee maanta jira. Markaliya waxaa xisbigan soo raacay oo ku soo biiray xubno badan oo haldoor ka ahaa xisbiga UCID ha noqoto qaar golaha dhexe ee xisbigaas ka mid ahaa ha noqoto gudoomiyayaashii gobolada Somaliland u kala fadhiyay xisbiga UCID. Islamarkaana markaliya waxa uu xisbigan WADANI baaqtaageero uu kahelay in badan oo ka mida bulsha waynta reer Somaliland ee ku nool dalka gudihiisa iyo jaaliyadaha dibadaha ku kala dhaqan. Waxa kale oo uu taageero dad ban ka helay xukuumada sida xanta bulshadu ku carabdhabaysay iyaga oo ku sababaynaya xusul duub ay xukuumadu kaga jirtay qaarka mida hogaamiyayaasha xisbiyada kale ee la furtay kuwaas oo ay C/raxman Ciro ay isku Hayb ahaayeen. Sidaa darteed hadaba xisbigii wadani waxaa soo gaadhay guulo isdaba jooga.Tartano badan oo ka dhex dhacay xisbiyadii la furay iyo kuwii qaranka horay u ahaa ka dib, xisbigani waxa uu ku guulaystay in uu soo haybiyo kaalinta labaad ee xisbiyada qaranka ee mucaaradka ah in uu noqdo, islamarkaana uu kasbado taageero badan oo u dhaw mida xukuumadu ay ka heshay shacabka wakhtigii golaha deegaanka loo tartamayay.

Inkasta oo loo bogay istara-tigiyadii siyaasadeed ee uu xisbigani halkan ku soo gaadhay waxkhitiyadii tartanku uu jiray, hadaba imika tabaha iyo xeeladaha uu adeegsanayo maaha mid uu ku haybin karo in uu ku guulaysto jagada madaxtino ama talada dalka. Waxa hogaamiya ha Xisbigan WADANI laga filayay kadib tartankii asxaabta qaranka, in uu jagada shirgudoonka golaha wakiilada uu iska casilo oo uu noqdo xisbi macaarad ah oo muraayad u noqda bulshada, qaranka iyo xukuumadaba dhamaan. Waxa la filayay in uu wajihi doono sidii uu talo iyo xal uga keeni lahaa sida xukuumadu ay wax u wado, waxa la filayay in uu farta ku fiiqo waxii qalooca ama galdaloolada golaha fulinta ee maamulka Madaxwayne Axmed Siilaanyo, islamarkaana uu bulshada u sheego in uu xisbigiisu yahay ka sixi kara iyo sida ajandaha siyaasadeed ee uu ku sixi karo. Balse sidaa u may dhicin wuu iska aamusay! Xisbigu dhaman wuu aamusay!. Hadii uu afka Ururkani uu furtana waa hadii uu fal ay dawladu ku kacday uu baaq taageero uun uu u dirayo.

Tani macnaheedu markaa ma wuxuu ahaanayaa anoo kursiga baarlamanka ku fadhiya ahna gudoomiye xisbi mucaarad ah, ma shacaboow ii doorta hogaaminta dalka baa? Ma anaga oo dhaliila jirta qarinayna si aan danahayaga shakhsiyadeed u hanano, ma na doorta baa warkoodu? Waayahee, ma idoortabuu leeyahay Gudoomiyaha Xisbigu ana markayga darka hanka dhaansadee iyada oo xukuumada Axmed Maxamed Siilaanyana aan u qirsanahay in ay si fiican dalka u maamulayso oo ayna ceebo iyo goldaloolo midna lahayn baa? Oo misidaabaa? Misana shacabku miyuu yeelayaa in ay jamhuuriyada soomaliland ay noqoto meel uu hadba Nin ka dhaanshado sida ceelka? Waxa weeye jawaabtu Nin aamusay hooyadiiba qadisay! Meel dogobsan meel durugsan uga dooranmayno. Afka Xisbiga WADANI isaga ayaa isku markhaati kacay!. Ma jirto illaa hada sifo iyo ujeedo cad oo shacabku ugu hiilin karo Xisbiga WADANI oo aanan ahayn hayb iyo qabiil ku xisaabtan, waayo adinkuba noomaydaan sheegin Xisbi ahaan idinka oo ka duulaya sifo wadaninimo.

  1.  Xisbiga UCID: xisbiga ucid isaga falanqayn badan uma baahna guuldaradiisa siyaasadeed. Bulshada reer Somaliland iyo Xisbigani aad bay isku barteen.  Markii ay ka soconjirtay tartankii ololaha ee jagada kursiga madaxwayanaha ee ay doorashooyin kaasna ay ku loolamayeen sadexda xisbi qaran ee wakhtigaas jiray ee ay ka mid ahaayeen xisbiga UCID, KULMIYE iyo xisbigii talada hayay ee uu hogaaminayay madaxwayne Daahir Rayaale Kaahin ee la odhan jiray UDUB. Maalin maalmaha ka mida waxa ay haldoorada xisbigan UCID oo ay ka mid ahaayeen Gudoomiyaha Eng Faysal Cali Waraabi oo Mushaxa jagada madaxwayne u taagnaa iyo ku Xigeenkiisa oo ahaa Maxamedrashiid Sheekh Xasan waa wasiiru dawlaha wasaarada arimaha dibada ee xukuumadan maanta ee madaxwayne siilaanyo. Waxa ay iskugu yeedheen dhamaan ardaydii ka qalin jabisay dufcadii sideedaad AMOUD UNIVERSITY oo ku beegnayd taariikhdu markay ahayd 27-7-2009. Ardaydaas dufcadaa ku jirtay oo aan ana kamid ahaa waxaan xafladaas oo ay noo qabteen shancisho ka bacdi qalin jabintayadii xisbigani aan ku way diiyay su aal. Su aashaas oo ay gabi ahaanba ay ku guuldaraysteen in ay iiga jawaabaan waxa ay ahayd sidan.

Mid baan ku farxaa marka aan arko midna waan ka xumaadaa baan ku idhi. Mid baan ku farxaa yoo waxay tahay, marka aan arko ajando siyaasadeedka (political plat form) ururka UCID. Waa ajande wanaagsan oo qiimo ulahaankara bulshada oo horumar horsed u noqonkara jamhuuriyada. Marna waxaan ka xumaadaa ayaan ku idhi marka meelaha warbaahinta iyo idaacadaha lagu qoro ama lagu sheego ‘Xisbiga UDUB, KULMIYE IYO UCID’ sobobaha magaca ururkan loogu danbaysiiyo ayaan ka xumaadaa. Iyaga oo markaa uun xogo ku sahabsan sadex dan xisbi oo ay diyaariyeen oo hadana laftoodu iskugu danbaysiiyay noo soo bandhigay. Waxa aan su aalay mar hadii idinkuba aad is kugu danbaysiiseen taxa iyo qorida xisbiyada! Mayay daan isku garwaaq sanayn in uu ururkiinu kaalinta sadexaad uu ku jiro?  oo maydaan iskuba cadayn in labadaa xisbi ee kale ay idinka fiican yihiin oo ay idinka horeeyaan? Wax cad oo ay igu qanciyaan maalintaa way waayeen shan qof ayaa isku dayay in ay ka jawaaban balse way ku guuldaraysteen.

Iyada oo ay sidaa tahay ururkani sadex jeer ayuu kaalinta sadexaad uu galay.Waxa aad moodaa in gudoomiyaha Xisbigani Eng faysal Cali waraabe uu ku qanaaco gooyay in uu xisbigani kaliya marhadii uu soo gaadho darajada xisbi qaran ay kaga filantahay waxkasta oo kale.Taana waxaa ka markhaati kacaya, sida Engneerka shakhisayadiisa laga bartay oo ah shakhisayad in uu hadlo oo uu kolba shirjaa id uu qabto jecel oo uu ismuujo kaliya, waayo waa uu ku nafisayaa sidaa, caafimaad ahaana dadka shakhsiyadahan oo kale leh sidaas ayaa ay ku dagaan.

Halmar ayaa loo tiring karaa Eng Faysal Cali Waraabe in uu fikir caafimaad qaba oo siyaasadeed uu la yimi. Waa markii uu la yimi qorshaha ah in ay xisbigiisa UCID ay ka noqdaan Musharax iyo Musharax ku xigeen rag cusub oo aqoonyahana ah oo dhalin yaro ah oo bulshada reer Somaliland magac iyo sharaf ba ku dhexleh. Dhalintaas oo Xisbigan waji cusub iyo rajo cusub u abuurtay, oo taageero cusub oo dhalinyaro u badana soo jiidatay, oo filanwaana bulshada markii danbe ay ku noqotay in uu xisbiga UCID hadana darajadiisii xisbi qaran dib ugu soo laabto. Way cadayd in uu Xisbigu meel aanuu soo gaadheen oo hogmadaw oo aan magaciisa dib loosoo qaadin uu ku dhici lahaa, balse waxa hormood u ahaa guulihiisa qaranimo in uu dib ugu soo laabto laba dii xubnood ee musharaha loogu magacdhabay wakhtigaas tartarka asxaabtu uu jiray. Balse maanta marka aynu xaalka xisbigan uu ku sugan yahay aynu dib u jaleecno waamaxay guuldarada siyaasadeed ee uu luqunta ugu jiraa? Miyay bulshada u muuqataa in ay wajigii Cusbaa ee ay ka filayeen in ay ka arkaan xisbigan UCID ay muuqataa? Miyaa la dareemayaa in lahaanshiiyo iyo sheegasho wali Eng Faysal Cali Waraabe ay ka muuqato? Wali miyuu haneeyay Xisbiga mise darajadii uu ku caafimaadayay ayaa lasoo gaadhsiiyay oo cidna abaal hadeed ugama hayo? oo rajo intaa kadanbaysaba lagama laha? Waxa jawaab inooga filan shalay ragii meel ay ku tiirsadaan waayay, ee sharciga iyo dastuurka qaranka damac uga galay in ay jafjaftaan, oo ay ku dhawaaqaan ururka noociisa oo kale ay bulshadu uga bislaatay, ee ay ugu magacdareen ‘ Toosinta iyo Tashiga”,  hadii ragaas miisaanka leh lagu garab sawiriri lahaa musharaxa Xisbiga Jamaal Cali Xuseen halka uu Engneerku uu ka garab muuqday, waxa la fililahaa in ay Jamaal Xisbiga UCID kula soo safan lahaayeen ragaasi magaca wayn bulshada ku dhexlihi maadaama ayna haysan wax mandate leh.

Waxaa Engneerka nooga tala ah bulsho ahaan isaga oo aanan Ururku  uga maarmayn siyaasad ahaan iyo taageero ahaanba, in uu wajigii cusbaa ee uu halkaas ku soo gaadhay  Xisbigu maanta uu sidiisii u dhaafo, oo talo iyo tusaalayn waxa aanka ahayn uu  u dhaafo dhalinta Xisbiga Musharaxiinta ka ah. Hadii kale waxa la arki doonaa hadii xaalku sidaasi uu ahaado in iyagana lagaala hoosbaxo oo ay cid kastana ay ka aamin baxdo ka safashada iyo taageeraha Xisbiga UCID.

GABAGABO: Guulaha xukuumada iyo dhaliilaheeduba waxa ay marka aad u kuurgasho ku soo dul-fadhiisanayaan, waa astaanta iyo magaca xisbiga KULMIYE. Macnaha Magaca kulmiye iyo Astaantiisa hashiiska loo turjuman karo ee salaantu, waa waxa laga qiimayn karo isbadaladan aan aragno. Ragii fulinta ahaan jiray ee mucaarad iyo muxaafadba lahaan jiray waxaa kulmisay oo heshiisiisay iskuna keentay waa magaca kulmiye. Labadii gole baarlamaan iyo xukuumadii waxaa kulmisay xukuumada kulmiye. Eng Faysal Cali Waraabana waxa ay mucaarad- nimadiisa ugu wayni ay kusoo biyo shubanaysaa, waa maxaa kulmiyow aad kaligaa ula Kulantaa Wada hadalada Somaliya iyo Somaliland. Ururka toosinta iyo wadatashiga qaranka isna waxa sharciga iyo dastuurkii wadanka ka indho-saabay waa anagana mayaad na kulmisay, mise…….sidan ayaan yeelnaa. Ku darsoo maamulka hawadana Xukuumada kulmiye ayaa Soomaliya iyo Somaliland ba Hargeysa ku kulmisay!.

 

Qalinkii : Abwan-Yonis Muse Farax MBA Kampala Uganda

Email.yonis83@hotmail.com

Phone No. 0256793324398