Dawladda Hoose ee Hargeysa oo boqolaal Beerood oo Baloodhaysnaa oo Galbeedka Hargeysa ah Caga cagaf gelisay

0
186

Hargeysa(Waaheen) Dawladda Hoose ee Hargeysa ayaa Caga cagaf gelisay Dhul beerood balaoodhaysnaa oo ku yaala inta u dhaxaysa Kantaroolka baloodho7Galbeed ee Hargeysa ilaa Abaarso halkaas oo ay dawaladda Hoose hore u qorshaysay bale imika dib u bilowday Qorshe cusub oo ay Wadooyin kaga saarayso, taasoo galaafanaysa dhul baaxad leh oo hore loo kala Iibsaday isla markaana Malaayiin Dollar ay Dad Qurba joog ah iyo dad kaleba ku Iibsadeen.

Dadweynaha ku nool Dhulkaas oo qaarkood ay Iibsadeen qaarana ay ahaayeen dadkii Iibsaday ayaa saaka ku soo Ururay Dhulkaasi, waxaanay walaac ka muujiyeen qorshahan danbe ee ay Dawladda Hoose shulka ka wado, taasoso ay u arkaan dawladda Hoose in ay Hantidooda ku baabi’inayso isla markaana ay u arkaan in ay ka baadi doonayaan dhul cusub oo ay cunaan.

Wargeyska Waaheen oo waraystay qaar ka mid ah ayay u sheegeen in ay wax laga xumaado tahay in manta C/laahiaa Ubax ooh ore dhulkaas u qorsheeyay oo dhoofay uu manta dib ugu soo dhoofay in uu dhulkooda Boobo, oo uu qorshe cusub ula yimaado si uu dhul uga dhex saaro, dhulkii dadkana u lumiyo.

Waxa ay sheegeen Dhulkan intiisa badan in la kala Iibsaday dhawr jeer isla markaana Dadka qaarkood ay geliyeen Hanti badan oo ay ka mid tahay Ceelal biyood, Dhismayaal iyo Seesas, kuwaas oo talaabadan C/laahi Ubax la yimi ay tahay mid khasaare balaadhan gaadhsiinaysa.

baloodho6Mulkiilayaasha iyo Dadka Dhulkaas leh oo Waaheen la hadlay waxa ay farriin culus u direen Xukuumadda Dhexe iyagoo ka dalbaday in si dhakhso ah iyaga iyo Dawaladda Hoose loo soos kala gaadho inta aanu khasaare halkaas ka dhicin.

Axmed Maxamed cawaale oo ka mid ah Dadka leh Beeraha Baloodhaysan ee dawladda Hoose Caga cagafta galisay ayaa ka hadlay qorshaha ay dawladda Hoose Dhulka ku galisay Cagafta waxaanu yidhi “ waxa meesha ka dhacay iyadoo dhulka naloo qorsheeyay oo dantii Guud lanaga qaaday, oo C/laahi Ubaxaa imika Cagafata na galiyay ayaa qorsheeyay shan iyo toban sano ka hor, markaa maantana waa ka waxaa nagu samaynaya ee meel walba wado ku hagaajiyay, dhulkani waa ilaa shan boqol oo beerood oo ilaa Abaarso taxan oo la qorsheeyay, qorshahan cusub waxa wata Golaha Deegaanka cusub, wax ay noo sheegeena ma jirto markii aanua doonanayna intay nala balameen ayay noo jareen.

Dhulkani waa Dhul Dhaxal ahaa, waa Dhul la kala Iibsaday oo qaarbaa qurbaha iska tagay, dadkii Iibsadaya baa qaar kale ka sii Iibiyay, markaa khasaare badan, Iska Hor imaad iyo dadkii oo isku wada dhacaya ayaa imanaysa, waxaanan u malaynayaa halkaas inay ka imanayso dhibaato iyo muran fogaada.

Kedis bay arrintani nagu noqotayoo Dawaladda hoose iyo inta Qorshahan wadata ayuun baanu la hadlaynay dhawrkan cisho, iyagiina intay balan noo qabteen uun bay nagaga baxayaan.: ayuu yidhi

 

baloodhoMaxamed isaxaaq C/laahi oo isna ka mid ah dadka Beerahaas leh ayaa yidhi “Ragii u horeeyay ee Jiciir magacyadooda ku sharci gareeyay ayaanu nahay, Ragii Biriijka caawiyay baanu nahay sideebaa manta toddoba sano ka horow dhulkii naloo qorsheeyay naloo yidhaa Qorshe cusub baanu u samaynaynaa, Dadkii dhulka hore u dhici jiray ee C/laahi Ubax iyo ayaa soo noolaansho sameeyay, qoladan danbe ee aanu baloodhadayadii ku soos saarnayna Dayday uun bay nagu noqdeen, Jiciir baa nashqadii South Africa oo kale noogu sameeyay, waana la kala wada leeyahay, C/laahi Ubaxna dhul uu dilaaluu doonayaa.” Ayuu yidhi