Waan ka xumahay beryahan warbaahinta qaar sida halbeegnews hab beeleesan wax u qorta !‏

0
46

Ahmed Safari3Waxaan halkaan ka salaamayaa dhamaan warbaahinta xorta ah ee Somaliland. waxaan ku faraxsanahay in xoriyada si xawli loo kobciyo sida hada ay tahay laga sii kordhiyo, balse waxaan ka xumahay qoraaga halbeeg caadeystay in uu hogaamiyaha aan u aaminsanahay ruuxiga Faysal Ali Hussein (warabe). Somaliland uu qandaraas kula jiro Somaliland iyo Somaliya ka dhaxeeyo kuna gorgortamaayo shacabkiisa afkaas Xirsi Xaaji Cali (xirsi toorile ) ayaan ku baranay adiga lagaama fileyn oo saxafi ah.

Halbeeg waxaa lagu wareersan yahay markii lacag ay qaadato miyey qofka amaanta mise markii beesha la qanciyo ayey amaantaa labadaa arin ayaa loogu wareersan yahay. Webkaas waxaan ku boorin lahaa saxaafada xorta ah in ay ku dayasho balaaran sameeyaan sida hadhwanaagnews. Waayo shalay sida ay u dhaleeceyn jirtay ayey u iftiimisaaa xukuumada maanta iyada aan xaqsoor soo bixin ayaan xadgudubyada xukuumada soo tabin jirtay fakarka umada iyo aaraadooda ayey ku gudbin jireen iyagoo raacin jiray kama masuul ihin aragtidaas way ku mahadsan yihiin. Walina way wadaa in ay aaraadii gudbiso webka hadhwanaag iyagoo madaxtooyada laga casuumay ayey wali cadaaladii ka tagin oo aan islahaa maanta laga bilaabo meel fakar lagu gudbiyo lama helayo waayo Madaxweynihii ayuu la kulmay nasiib wanaag jeeb dad muu eegin sumcadiisa ayuu eegay reerkiisanna muu eegin somaliland ayuu eegay danta waxa ugu jirto in la gudbiyo la kobciyo. ayuu muhiimada saray.

waxaan halbeeg fariinta hawada u marinayaa tusaale umada ugu cadeynayaa in ay tahay web qab yaaladeysan walaahi maalintii wasiirka arimaha dibada lamagacaabay nin uu yahay in aan garaneyn waxaan ku gartay amaanta xargaha goostay ay halbeeg u sameysay.

Waayo raga ka soo jeeda beesha halbeeg u fiirsada xidigahay ayey amaan ku geysaa markii ay doorato xukuumada rag halbeeg kan qoray isku fakar ay yihiin dowlada maalintaa waa shax shax maalinta rag ay isku heyb aheyn la eryo dowlada maalintaas waa qurun marka walaal waxaan leeyahay waxaad talada ku dartaaa bog sida hadhwanaag umada aragtidooda joogto looga aqristo.

waxaan amaanayaa waaheen web dhamaantii aan halbeeg aheyn amaan ayey naga mudan yihiin halbeegna kuma necbineee dabcigaaga qoraaga ah wax ka badal.

waayo halbeeg muuse biixi yoonis wasiirka arimaha dibada qoraaladii uu ka qoray dib u milicsada way qabyaaladeysan tahay waxaan kaga haboonaan lahaa in website yada kale sidaa ugu faaloodaan intaad adeerkaa uga faaloon laheyd sidaa.

waxaa jirta waxaad adiga kugu habooneyn qof kale ku haboon in uu qabto markii ehelkaaga la amaanayo adiga kuma fiicnid cajaladaas dadka kale ayaa la gashtaaa loo dhiibaa qora ayaa la dhahaa adiga waa lagaaga fiicnaa arintaas waxaan leeyahay faysal in loo hadlo waa ka weyn yahay waa oday Somalilander ah waa nin qaran munaafaqada iyo qiyaamada wadanka aan garaneyn xanta xukuumadaha ma yaqaan iyo hoos ka hadalka waa liberty mind nin maskaxdiisa ay xortahay.

waxaan soo jeedin lahaa sida guracan wax loo koro waxay ku wanaagsan tahay hadaad ka maarmeyn in xiliga cibaadada lagu jiro ka xishooto kolba hadaadan dhaafeyn.

waxaan salaan u dirayaa dhamaan shacabka somaliland bisha ramadaan barakeysan in fadligeeda ilaahey na siiyo.

Faysal Ali waraabe waxuu kenya u joogo in uu dhageysto taladah Dilomasiyada caalamka in uu dhageysto iyo halka aynu ku socono in uu ogaado iyo sida ay iyaga nala rabaan iyo dalka waxa ay tuhunsan yihiin laga shaafiyo tii uu rabayna waa taa madaxtooyadii laysba hortaagayo.

koley dowlada waxaa u hadhay laba sano samirkeeda siyaasiga waa leeyahay dadkanna hayeesho ama mudaaharaad halooga qaado talada dalka ma wadi karaan intaan kadib.

 

Wabilaahi towfiiq.

Ahmed Bashiir Mohamed (Ahmed,Safari)
REPRESENTATIVE OF UCID PARTY KENYA
somalilandfirst@live.com
+254722819048