Somaliland maxay ka yeelaysaa xafiiska Siyaasadda Qaramada Midoobay ee shaqeeya?

0
94

Xukuumadda Somaliland haddii ay xayiraadii ka qaaday Duulimaadyadii Qaramada Midoobay ee ay u xidhay markii ay Qaramada midoobay maamulkii hawada ku wareejisay Somaliya su’aasha xigtaa waxa weeyi maxaya Somaliland ka yeelaysaa xafiiska Siyaasadda ee Qaramada Midoobay ee ogolaansho la’aanta kaga shaqeeya Hargeysa?

Sida ku cad hawlmaalmeedka Qaramada Middobay waxa markaliya saaxadda siyaasadda Somaliya iyo Somaliland ku soo baxay laba qorshe oo ay qaramada midoobay ku ekaysay Xafiiskeedii Duuilmaadyada Hawada Somaliya ee CACAS iyo keedii kale ee UNPOS kuwaas oo ay ka dhigtay laba xafiis oo ka amar qaata ama wada shaqayn toos ah la yeelanaya Dawladda Federalka Somaliya.

Labada talaabo ee ay Qaramada midoobay wakhti isku mid ah qaaday waxa ay cadho xoogan ku abuurtay Xukuumadda Somaliland, taasoo u arkaysay laba qalad oo Qaramada midoobay ku samaysay Somaliland, waa ta koowaade in gawada la hoos geeyo somaliya iyadoo ka talaabsatay guddidii wada shaqaynta ee Duulimaadyada Hawada Soamliya oo ay Somaliland qayb ka ahayd.

Ta labaad-na Somaliland waxa ay u aragtay Xafiiska Siayaasadda ee cusub ee qaramada Midoobay ula baxday UNSOM (Ex-UNPOS) mid isna aan khusayn oo xad gudub ku ah madax banaanida iyo Ictiraaf raadinta Somaliland. Talaabada ay Somaliland qaaday waxa ay noqotay maadaama ay u aragto mid aan dhinaceeda raaligelinayn in ay labada arrimood ba Hangool faraaro dheer isaga qabatay, iyadoo xayirtay Duulimaadyadii, xafiiska Siyaasadana diiday.

Tii Duulimaadyada Somaliland way ku guulaysatay oo way xayirtay wallow muddo kooban ay kaga tanaasushay in ay Duulimaadyada Qaramada Midoobay ee Gar-gaarka u wada aanay hor istaagin, hase yeeshee xafiiskii siyaasadda ee ay sida Fiinta uga qayliday isla markaana ay ku gacansaydhay masuulka ugu sareeya xafiiskaasi Ambasador Nicalos kay oo hargeysa booqasho ku yimi isla markaana Madaxweyne Siilaanyo kulan kala yeeshay Xafiiskaasi way ku guul-daraysatay oo waxa uu Nicalos si badheedh ah xafiiskiisii hore ee UNPOS u bedelay kii cusbaa ee UNSOM isagoo boodh weyn ku xardhay xaruntoodii hore ee ka danbaysa Ambassador hotel.

Wargeyska Waaheen oo xafiiskan dabagal ku sameeyay ayaa soo bandhigaya sawiro muujinaya in xafiiskaasi ka shaqaeeyo Hargeysa, isla markaana aanay Qaramada Midoobay dheg jalaq u siin amarkeeda balse nasiib darro Xukuumadda Somaliland wax talaabo ah oo la ogyahay kamay qaadin Xafiiskaasi.

Taas bedelkeeda Qaramada Midoobay waxa ay qaaday si ay Indhaha saxaafadda uga laliso xafiiskeeda Hargeysa ka shaqeeyea ee ay diiday Somaliland in ay Boodhkii ka furto Xafiiskaasi, balse si caadai ah hawlihiisii hoos ahaan ugu wadato.

Si kasta ha ahaatee maadaama Xukuumadda Somaliland ka tanaasushay Xayiraadii Duulimaadyada Qarama Midoobay waxa la isweydiinayaa waa maxay talaabada xigta ee ay ka qaadan doonto xafiiska Siayaasadda Qaramada Midoobay ee dalkeeda ka shaqayaya isagoon ogolaansho ka haysan, halka Hay’addaha kale ee Qaramada Midoobay sifo waafaqsan sharciga Dalka kaga shaqeeyaan.