Dalladda SONYO Oo Afur Wadareed u Samaysay 5 Agaasime

0
35

Dhalinyaradii Madaxweyne Siilaanyo Magacaabay oo ay la dar-daarmee

Hargeysa(Waaheen) – Dalladda dhalinyaradda Somalilande ee heer Qaran ee SONYO ayaa xalay Afur wadareed u samaysay Shan Agaasime oo dhalinyaro ah, kuwaas oo ka mid ah Agaasimiyaashii uu todobaadkii hore magacaabay Madaxwayne Axmed Siilaanyo, kuwaas oo ay ku jireen afartaas agaasime iyo Agaasimaha Wasaaradda Warfaafinta uu hore Madaxwayne Siilaanyo u magacaabay.

Kulanka Afur Wadareedka ah ee ay Dalladda Dhalinyaradda Somaliland ee SONYO ku kulmisay Agaasimiyaashaas cusub ayaa nuxurkiisu ahaa mid lagu dhiiri-galinayo Agaasimiyaasha dhalinyaradda ah ee xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo ku jira oo aan wali hore u dhicin inay dhalinyaradu ka qaybqaadato saaxada siyaasada dalka.

Sidoo kale Kulanka Afurka ah oo uu ku lamaanaa Casho sharaf ayaa waxa ka soo qaybgalay baddi dhalinyarada xilalka kala duwan ka heshay dawladda Somaliland, kuwaas oo dhamaantood goobtaas kaga wada markhaati furay in dagaalkii ay Dalladda SONYO in la furo dabarkii sharci ee dhalinyarada dalka ka hor taagnaa inay siyaasadda Wadanka ka qaybqaataan. Waxa kale oo ka soo qaybgalay Munaasibadaas oo Hogaanka SONYO ku wehelinayey Wasiiradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Somaliland Dr Maxamed C/laahi Cumar, Ciyaaraha Cali Siciid Raygal, Maayarka Hargeysa C/raxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), Agaamisayaasha Kaluumaysig Maxamed Cilmi Aadan (Ilkacase)  iyo Shanta Agaasime ee iyaga lagu soo dhawaynayey Afur-wadareedkaas iyo Casho sharaftaas wada socda oo kala ahaa Agaasimiyaasha Arrimaha Debadda Maxamed Xasan Siciid, Caafimaadka Dr Cismaan Xuseen Warsame oo isagu ah aqoonyahan dhalinyaro ah oo heer BHD ah, Ciyaaraha Maxamed Xuseen Axmed (Dhabeeye), Hawlaha guud Mr Mukhtaar Maxamed Cali oo ah ninka ugu da’da yar ee la magacaabay, C/rashiid Jibriil Yuusuf Agaasimaha Warfaafinta.

Waxaana ugu horayn Kulankaas ka hadlay Guddoomiyaha Dalladda Dhalinyarada  Somaliland ee heer Qaran Mubaarik Ismaaciil Taani, kaas oo goobtaas ka sheegay in qayb ka mid ah ay u suurtowday himiladii dhalinyarada dalka ee SONYO hormoodka u ahayd, kaas oo Masuuliyiintaas dhalinyarada ah halkaas ugu soo bandhigay waajibaadka saaran oo uu tilmaamay inuu ka badan yahay ka agaasimayaasha kale ee aan iyagu dhalinyarada ahayn, isla markaana u sheegay inay yihiin muraayadda laga dheehanayo dhalinyaradda Somaliland.

Guddoomiyaha SONYO Mr Taani waxa kulankaas mahad naq balaadhan ugu soo jeediyey Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo uu ku amaanay talaabadii uu ku noqday inuu noqdo Madaxwaynihii ugu horeeyey ee Somaliland ee dhalinyarada u fududeeya inay siyaasada dalka ka qaybgalaan, kaas oo sidoo kale ka codsaday Madaxwaynaha inuu dhalinyarada u sii fududeeyo in ilaa heer Wasiir uu u magacaabo, isla markaana tibaaxay inuu rajaynayo in dhawaan lagu arko Galaha Wasiiradda dhalinyarada Wadanka.

dhinaca kale waxa isaguna halkaas iyaguna halkaas ka hadlay Agaamisha Kaluumaysig Maxamed Cilmi Aadan (Ilkacase), Maayarka Hargeysa C/raxmaan Soltelco, Agaasimaha Khaarajiga Maxamed Xasan Siciid, Caaifmaad Dr Cismaan Xuseen Warsame, Wasiirka Ganacsiga Dr Maxamed C/laahi iyo Wasiirka Ciyaaraha Cali Siciid Raygal oo isagu soo xidhay, kuwaas oo dhamaantood ka wada waramay mihiimadda ay wadanka u leedahay in caqliga iyo xooga dhalinyarada laga faa’idaysto, isla markaana masuuliyiintaas ayaa dhamaantood wada qiray in ka qaybqaadashada siyaasada ee dhalinyarada dalku inay horumarinayso bulshadda iyo dalkaba.