Wargeys ka soo baxa dalka finland oo wax ka qoray shuruudaha

0
166

ay ictiraafka ku heli karaan somaliland iyo wadamada la midka ahi:

Warkgeyska maalinlaha ah ee AAMULEHTI oo ka soo baxa gobolka Pirkanmaa magaaladda Tampere ee dalka Finland ayaa cadadkiisii amule(15.07.2013) maanta ku soo qaatay dowladaha aduunka ee ku dhawaaqay inay goosteen ama madaxbanaanyiin, balse aan weli beesha caalamka wax aqoonsi ah ka helin kuwaas oo ay ku jirto somaliland. Hadaba maqaalkan oo cinwaankiisu ahaa ‘Thaiwn iyo Transnistria waxay weli sugayaan ictiraaf’ ayaa u qornaa sida tan:

Aduunka waxa waxa jira 10 deegaan/dal oo iyagu isugu dhawaaqay inay ka xoroobeen oo ay go’een, balse aduunka aan weli laga ictiraafin. Proffessor Ilkka Saraviita oo ah barre jaaacadeed oo ku takhasusay shuruucda iyo xeerarka caalamiga ah ee wuxuu yidhi “sharciga caalamiga ahi si cad uma qeexayo, waxa looga jeedo xoriyadda madaxbanaanida buuxda ee dowladi leedahay”, balse marka loo sii raadiyo jawaab cad ee la falanqeeyo waxay ku dhamaaneysa xalka Montevideo, kaasoo sheegaya calamado sadex ah oo lagu garan karo dal madaxbanaan ama Sovereign state, kuwaas oo kala ah:

  1. Waa inay jiraan koox dad ah, kuwaas oo si (autonomous) ah isu maamula, balse aan hoos tagayn koox kale oo dad ah oo iyaga maamusha.
  2. Kooxdaas dadka ahi waa inay haystaan dhul ay asal u leeyihiin oo ay igau uga taliyaan si aan muran lahayn oo aanay cid kale ku haysan.
  3. Waa inay kooxdaas dadka ahi adeegsataa awoodaa ay ku leedahay dhulkeeda.

Intaa waliba waxa la raaciyaa wadankaasi inuu xubin ka noqon karo qaramadda midoobey. Hadaba marka ay halmar wada jiraan calamadahaa kor ku xusani, waxa loo arkaa inay dhalatay dowlad xor ahi/ madaxbanaan, balse taas caksigeeda waxa ah hadii ay dowladdaasi lumiso mid ka mida calamadahaas inay sidoo kale luminayso dowladnimadeedii ama jiritaankeedii. Barre jaamacadeed Saraviita wuxu sheegayaa laba tusaale oo ku saabsan sadexda calaamadood ee kor ku xusan. – Ahvenanmaa oo ah gobol gaarkiis isu maamulo bal se Finland hoos yimaada maaha mid madaxbanaan waayo ma isticmaalo awoodii dowlad madaxbanaan, taas waxa la mida Filistiin.

Ictiraafka waxa loo sameyn karaa siyaabo kala duwan. -Ictiraafku kuma xidhnakaliya miyay dowladaha kale u ictiraafeen dowladda cusub si rasmi ah oo ku dhawaaqid leh, ama ula dhaqmeen si dowlad madaxbanaan oo xor ah, tusaale ahaan inay la galaan heshiis xidhiidh siyaasaded ah. Sida wax leh Barre sare saraviita. Dowlad cusubi waxay aalaaba isku daydaa inay icitiraaf ka hesho dowladdaha sameynta ku leh aduunka, iyadoo ka duulaysa xidhiidhadeeda iyo danaheeda siyaasadeed. Ictiraafka dowladi had iyo jeer waa farsamooyinka ay dowladuhu u adeegsadaan siyaasadahooda dibadda. Dowaladaha qaar waxay adeegsadaan farsamada ah inay ictiraafaan dowladdaha qaar ku jira dagaalo sokeeye, balse Finland ma isticmaasho farsamadaas. Dowladwaliba oo madaxbaani iyadaa u madaxbanaan siday ula dhaqmayso dhulalka isku dhan ee sheeganayaa inay buuxiyeen calaaadihii madaxbanaanida ama goosashadda.

In aan dawlad la ictiraafin shardi uma aha jiritaankeeda. Tusaale ahaan Finland may muddo dheer may ictiraafsaneyn DDR:tii inkastoo guud ahaan loo yaqaanay dowlad madaxbanaan oo xor ah. Barre sare Saraviita wuxuu xusayaa in xubinimadda qaramadda midoobey ay tahay signal muhiim ah oo ka turjumaya madaxbanaanida dawaladnimo, balse shardi uma ah dawladnimadda. Tusaale ahaan Finland muddo dheer ayey dibadda ka joogtay qaramadda midoobey. Saraviita wuxu sheegayaa ta ugu dhibta badan laakiin ugu muhiimsan savereign state nimada ama madaxbanaanida dawladnimo inay tahay xornimo asal ah, taas oo macnaheedu tahay in wadanka ama dhulka cusubi ahayn mid ku hoos jira ama hoos taga awooda maamul kale oo jaarkiisa ah. Gaar ahaan waxyaalaha ugu ad adag waxa ka mida ah dagaalada sokeeye, taasoo inta badan aanay jirin dhulbadhayaal cadcad.

Dawladda la ictiraafo waxa u danbeysa Koonfurta-Sudan. Aalaaba dhulka go’aaya iyo dhulweynaha laga go’aayo waxa dhexyaal carqalado iyo iska hor imaadyo qoto dheer iyo murano dhuleed. Ugu dhawaan dhamaan dhulalka ku dhawaaqay inay madaxbanaanyiin ama goosteen waxay aaduunka ku leeyiin qunsuliyaddo siyaasadeed oo aan rasmin ahayn iyo wufuud matasha. Aduunka waxa jira 195 dowladood oo madaxbanaan kuwaas oo 193 ka midi ay xubno buuxa ka yiin qaramadda midoobay. Sanadkii 2011 wadanka xoroobey ee Koonfurta-Sudan waa dowladii ugu curdinsaneyd ee ay beesha caalamku si balaadhan u ictiraafto.

Waa noocee wadanka la ictiraafi karo?

Dr. Juhani Perttunen oo heersare ka gaadhay cilmiga sharciga iyo garyaqaanimadda ayaa buugiisii qalinjabinta ku qeexay in ictiraafka dowladnimo looga jeedo cabir/ qiyaas caalami ah oo ku salaysan cadaalad oo ay dawladdo ku aqbalayaan dowlad cusub sidii mid ay simanyihiin oo heshiisa, iyagoo u diyaara inay la saxeexdaan xidhiidho caalami ah. Isagoo sii wata wuxuu yidhi ictiraafku wuxuu u baahanyahay shuruudo, kuwaas oo ah waa inay dowladu yeelato dhul cayiman oo qeexan/cad oo ay deganyihiin dad deegaan ku ah. Sidoo kale dowladdu waa inay lahaataa haykal dowladnimo/siyasadeed (madaxweyne, wasiiro,baarlaman,ururo,maxkamaddo iwm.) iyo awood ay kula xidhiidho oo ay heshiisyo kula gasho dowladaha kale. Sidoo kale isagoo sii wata Dr. Juhani wuxuu yidhi waa inay leedahay awood ay ku difaacato xuduudeeda kaligeed ama iyadoo cidkale xulafeysanaysa.

astaamaha looga baahanyey wadanka cusub ee raba xubinimadda qaramadda midoobey waxay ku qeexanyiin xeer hoosaadka qaramadda midoobey waana sida: Xubinimadu waa mid u furan “dhamaan dowladdaha jecel nabadda ee aqabalsan commitments-ka ku xusan xeer hoosaadka qaramada midoobey lagu aasaasay, dowladahaas oo raba tixgalinta commitments-ka haayada qaramadda midoobey”. Golaha amaanka ee qaramadda midoobay ayaa soo jeediya aqbalista wadan cusub, waxaana lagu go’aamiyaa shirweyne guud.

Xataa waxa jira dowladdo aan ictiraafin dowladdo xubin ka ah qaramadda midoobay oo aan ictiraaf ilaa hadda ka helin dowladaha kale la ictiraafsanyey ee ku jira qaramadda midoobey. Israel waxaynay ictiraafsaneyn 32 dowladood oo xubin ka ah qaramadda midoobey. Koonfurta-Kuuriya iyo Japan ma ictiraafsana Woqooyiga-Kuuriya oo iyadun aan ictiraafin Koonfurta-Kuuriya. Turkigu ma ictiraafsana Qubrus sidoo kale Pakistan ma ictiraafsana Armeeniya, waayo Pakistan waxay caawisay Asarbijaan murankii gobolka South-Caucasus.

 

Wadamadda aan la ictiraafsanayn aduunka ee tobanka aha ee aan bulshada caalamku sida rasmiga ah u aqoonsan waxay kala yiin:

  1. Jamhuuriyadda Somaliland (1991 ka goosatay Somalia), cid ilaa hadda ictiraaftay ma jirto. Waxa ku nool 3.5 milyan oo qof.
  2. Jamhuuriyadda Kosofo (2008 ka goosatay Serbia), waxa aqoonsaday 102 dowladood oo xubin ka ah qaramadada midoobay. Waxa ku nool 1.7 milyan.
  3. Jamhuuriyadda Woqooyiga-Quburus ee Turkiga (1983 ku dhawaqday madaxbanaanida), waxa ictiraafay Turkiga. Waxa ku nool 294 900 qof.
  4. Sahara Democratic (waxay ku dhawaaqday 1976), waxa aqoonsaday 85 dowladood oo xubin ka ah qaramadda midoobay, kuwaas oo 33 ka midi ay kala noqdeen aqoonsigii sababo kala duwan awgood. Waxa ku nool 500,000 qof.
  5. Jamhuuriyadda Abkhazia (1999 ka goosatay Georgia), waxa aqoonsaday 5 dowladood oo ku xubin ka ah qaramadda midoobay. Waxa ku nool 2428000 qof.
  6. Jamhuuriyadda South Ossetia (1991 ka goosatay Geogria), waxa aqoonsaday 5 dowladood oo xubin ka ah qaramadda midoobay. Waxa ku nool 55000.
  7. Falastiin (1988 ku dhawaaqday inay madaxbanaantahay), waxa aqoonsaday 132 dowladood oo xubin ka ah qaramadaba midoobay, waxa ku nool 4.5 milyan qof.
  8. Jamhuuriyadda China ama Taiwan (1912), waxa aqoonsanaa 22 dowladood oo xubno ka ah qaramadda midoobay, waxa ku nool 23.3 milyan qof.
  9. Transnisteria (1990 ka goosatay Moldoven), Dowlad kaliya oo aqoonsatay ilaa hadda ma jirto, waxa ku nool 51800.
  10. Jamhuuriyadda Nagorno-Karabakh (1992 ka goosatay Asarbajan), dowlad kaliya oo ilaa hada aqoonsatay ma jirto, waxa ku nool 143600.

Xigasho: Antti Korhonen

Aamulehti

Qore: Ixmadar