Toddoba bilood kadib maxaa ka qaboomay siyaasadii Miisaayadda 2013-ka?

0
67

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo waxa uu labadii sano ee u dabeeyay aasaasay mashruuc ama siyaasad lagu famaamulo Miisaaniyad sanadeed kasta isagoo sanadkan muhiimadda saaray mashaariic Horumarineed oo waxtar u noqda Qarankan oo miisaaniyadihiisii hore ku dhamaan jireen Mushahar iyo kharasahaad.

Siyaasaddii sanadkii hore la isma weydiin wax ka fulay iyo wax ka baaqsaday, sanadkana waxa ay miisaaniyadii caga cagaynaysaa bishii toddobaad ilaa hadana ma muuqdo Hal barnaamij oo ka fulay mashaariicdii la filayay, wallow Xukuumaddu maalin kasta warbaahinta kaga faanto in ay fulisay mashaariic la taaba karo. hadaba si aanu bulshada ugu badhigno waxa qabsoomay iyo waxa baaqsaday waxa aanu maqaalkan si taxane ah ugu soo bandhigi doonaa qoddobada ay ka kooban tahay oo dhan.

Ka hor inta aynaan qoddobada u gundo deign bal aan eegno aaraarta Madaxweyne Siilaanyo u cuskaday siayaasada sanadkan:-

Sida aynu la wada socono waxaynu sanadkii 2012 markii ugu horaysay soo saarnay siyaasad miisaaniyada Qaranka, taas oo lifaaq ahaana loo raaciyay Miisaaniyaddii Golaha Wakiiladduna Ansixiyeen. Nuxurka ay xambaarsanayd siayaasadaasi waxay ahayd nidaamkii lagu maamulayay miisaaniyadda sanadkaas iyo qoddobo sharciyayn u baahnaa oo la sharciyeeyay, dhamaantoodna ay fuliyeen hay’adihii ku shaqada lahaa.

Qoddobadii siyaasadda Miisaaniyadaas ku jiray ee sharciga ahaa waxay noqon doonaan kuwo sidooda loo fuliyo markasta ilaa inta wax ka bedel lagu samaynayo. Hadaba, iyadoo laga duulayo shirkii qiimaynta waxqabadkii xukuumadda iyo qorshaha sanadkan cusub, lana tixgelinayo taladii guddida diyaarinta siyaasadda Miisaaniyadda 2013, waxaan madaxda warqadani ku socoto ku wargelinayaa inay fuliyaan wixii ka khuseeya qodobada hoos ku qoran ee ay ka kooban tahay siayaasadda Miisaaniyadda 2013.

Intaasi waa aaraarta Madaxweyne Siilaanyo gogol dhiga uga dhigay qorshaha uu sanadkan u dajistay Siyaasadda Miisaaniyadeed ee uu dalka ku hagayo, sida ka muuqatana waxa uu farayaa dhamaan Masuuliyiin Wasaaradaha iyo Hay’addaha Miisaaniyadda ku jira in ay fuliyaan awaamiirta ku qoran.

Bal hadaba aynu qodob qodob u dul istaagno dhamaan qoddobada ay ka kooban tahay oo dhan oo ahddii lagu shaqayn lahaa isbedel la taaban karo keeni kari lahaa.

Qodobka koowaad ama qaybta koowaad waxa ay tahay siyaasadda Guud ee Miisaaniyadda

1.      Waa in deeqaha tooska ah ee Caalamiga ah ee Dawladda la siiyo ay ka muuqdaan Miisaaniyadda Dawladda Dhexe. Sidoo kale, deeqaha Caalamiga ah ee dadban waa in lifaaq ahaan loo raaciyaa Miisaaniyadda Qaranka si loo ogaado dhamaan dakhliga Dalka soo gala nooc kasta oo uu yahay.

2.      Waa in wasaaradda Qorshayntu soo gudbiso lacagta Sanduuqa horumarinta Somaliland (Somaliland Trust Fund) si loo raaciyo Miisaaniyadda 2013

Bal aynu ku hakano labadan qodob maxaa ka fulay maxaanse ka fulin.

Ta hore deeqaha Caalmiga ah iyo kuwa dadban midkoodna kama muuqdaan Miisaaniyadda qaranka. Tallow maxay sababtu tahay. Dhawaan waraysi Wargeyska Waaheen la yeeshay Wasiirka Qorshaynta oo sida ku cad qoddobka labaad ee Siyaasadda Miisaaniyadda oo ah in ay soo qoondayso waxa uu sheegay in sanadkan iyo kii horeba ay ka dalbadeen Hay’aduhu in ay soo sheegaan dhaqaalaha ay Somaliland galiyaan, hase yeeshee waxa uu tilmaamay in aanay ilaa hada Hay’ad kali ahi u keenin warbixinta mucaawinada ay Dalka geliyaan, isagoo xusay hadana in dhaqaalaha aya Wasaaradaha dawladdu ku shaqeeyaan marka laga tago Miisaaniyadda Qaranka in ay iyagu kafaalo qaadaan oo ay fuliyaan haddii Irbad loo baahdo.

Marka ay sidaas tahay waxa cad in aanay Xukuumadda Somaliland ama wasaaradda shaqada ku lihi ilaa hada qaadin talaabo lagu xaqiijin karo dakhliga ah hay’adaha Caalamiga ahi dalka soo galiyaan, iyadoo wasaaradaha Dhaqaalaha ugu badan Hay’aduhu siiyaan ay ka mid yihiin Waxbarashada, Caafimaadka iyo Arrimaha Gudaha, hadaa midna si toos ah looma oga dhaqaalaha ay Hay’aduhu galiyaan, manay gelin ilaa hada Miisaaniyada sanadkan sida uu Madaxweynuhu Amray.

Qodobka Labaad waxa ay Siayaasadda Madaxweyne Siilaanyo shaaciyay dhigaysaa in dhaqaalaha Sanduuqa horumarinta ama Somaliland Trust Fund lagu daro Miisaaniyadda.

Su’aasha taalaa waxa weeyi dhaqaalahaasi halkuu ka imanayaa? Sida ay sheegtay Xukuumadda Somaliland waxa ku caawinaya dalal ay ka mid yihiin Ingiriiska waxaanu qorshuhu ahaa in mar horeba sanduuqaasi shaqeeyo laakiin sida uu ku jawaabay wasiirka Qorshaynta Somaliland waraysi uu dhawaan Waaheen siiyay waxa uu sheegay in shirkad qandaraas lagu siiyay aanay ilaa hada wali hawlahii sanduuqaasi aanay bilaabin isagoo inshaarayn in dhamaadkan sanadkan lacagtaasi soo gaadhi doonto Somaliland, balse si rasmi ah uma cada goorta dhaqaalahaasi Somaliland soo gaadhi doono.

Qoddobka sadexaad waxa uu dhigayaa:-

Waa in mashaariicda Horumarinta ee Miisaaniyadda 2013 meel isugu geeyo, loona sameeyo madax xige u gaar ah oo lagu magacaabo Madax xigaha Mashaariicda Horumarinta Dawladda.

Qoddobka Afraad waxa uu isna dhigayaa:

Maadaama Qorshaha Horumarinta Dawladda ee 2013 ay ka mid tahay in wadooyinka dalka wax laga qabto; waa in Dawladaha hoose Dakhliga 10% ka ah ee wasaaradda Maaliyaddu u qabato 20% ka mid ah qaadhaan ahaan ugu daraan qorshaha horumarinta wadooyika Miisaaniyadda 2013.

Qoddobka lixaad oo ka hadlaya isla mashaariicda Horumarinta ayaa dhogaya:-

kharashka Kabka Dawladaha Hoose waa in uu dhamaantii ku baxaa mashaariic horumarineed

qodobka toddobaad ee isla siyaasadda Miisaaniyadda ayaa dhigaya:-

waa in hay’adaha wax soo saarka sida Wakaaladda Biyaha, Dekedda, Baanka iyo Haamaha kharashkoodu uu noqdaa 30% Mashaariic Horumarineed.

Qoddobak sagaalaad ee isla siyaasadda Miisaaniyadda ayaa dhigaya:-

Waa in dakhliga dakhliga Fuel Lev-ga, Road Levy-ga iyo License Levy-ga ay galaan Miisaaniyadda Dawladda Dhexe, isla markaana Dakhliga Fuel Levy-ga ee 2013 loogu soo iibiyaa qalab wadooyinka, laguna daraa qaybta Mashaariicda Horumarinta, sidoo kale, waa in kharashkii daryeelka wadooyinka ka baxsan magaalooyinka mudnaanta la siiyaa Miisaaniyadda 2013.

 

Dhamaan qodobada kor ku xusan ee kala ah 4aad, 6aad, 7aad iyo sagaalaad waxa si toos ah ugu xusan Mashaariic horumarineed ayaa la fulinayaa. Meeye Mashaariicdaasi ilaa hada Xukuumaddu may soo bandhigin mashruuc kali ah oo ka soo baxay siyaasadda Miisaaniyadda. Tusaale ahaan waxa ugu badan ee ay muhiimadda saaraysaa siyaasadda Miisaaniyadu Wadooyin, halkay mareen wadooyinka ay Xukuumaddu samaynaysaa Bishii toddobaad baa dhamaad ku jira’e.

Bal aynu mid mid u soo qaadano, qoddobka sagaalaad waxa uu leeyahay lacagta Fuel Levy-ga waa in lagu soo Iibiyaa Qalab wadooyinka. Maxaa la soo Iibiyay? Waxba. Wado samayn waxa mudnaanta koowaad leh qalab iyo koox ku shaqaysa sida Dawladaha oo ay xukuumaddi leedahay ma jiraan? waa May.

Madaxweyne Siilaanyo waxa uu hoos geeyay hay’addi Wadooyinka Madaxtooyadda. Maxay ka qabatay wasaaradda Madaxtooyaddu wadooyinkii? Waxba. Tusaale ahaan waxaa idinku filan Wasiirka Madaxtooyadda iyo Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxay balanqaadeen Jidka isku xidha Kalabaydh iyo Wajaale ilaa hada Nus Kiiloomitir Xirsi muu dhisin, marka laga tagi waayo Caro tuul uu dhigay oo baabay mooyee wax kale oo uu ka qabtay ma jirto, waa wadadii kali ahayd ee uu isku qaaday. Wadadaas waxa Midawga Yurub balanqaadeen in ay Somaliland ka taageeraan balse sida ku cadayd markii Madaxweyne Siilaanyo Madaxtooyadda hoos keenay hay’addii ay wada shaqaynta lahaayeen way ka dan baxeen.

Sida ku cad isla qoddobkaas sagaalaad wadooyinka ka baxsan magaalooyinka Daryeelkooda ayay siyaasadda Miisaaniyaddu mudnaanta siisay, tallow maxaa laga qabtay u malayn maayo karkarkii yaraa baa la laayahay iska daa wax laga qabtee.

Marka laga reebo afar wado oo beeluhu ka samaysanayaan Goboladooda oo ay Xukuumaddu Sideed Kiiloomitir oo noqonysa jidkiiba in ay ku darsatay laba kiiloomitir oo uu kaga baxay kharash lagu qiyaasay afar boqol oo kun oo dollar, kuwaasoo uu Wasiir Xirsi dhagax dhigay.

Dhaqaalaha Horumarinta ee siyaasadda sida ku cad qoddobka sadexaad ee siyaasadda ee aynu kor ku soo sheegnay waa in madax xige u gaar ah la isugu geeyaa baa la yidhi, lama oga ilaa hada inkasta oo Miisaaniyadda Qaranka lagu sheegay ilaa sadex iyo Toban Milyan in ay noqonayso, maxayse ku taalaa hadaan wali mashruuc laga soo saarin.

Tolow Madaxweyne Siilaanyo miyuu iska sameeyay qoddobadan Horumarka mise mus danbeed buu u saaraya wax ka qabta? Haa iskamuu samayn waxa uu faray wasaaradaha Maaliyadda, Arrimaha Gudaha iyo Wasaaradda Qorshaynta dabagalka Mashariicdan. Ma dabagaleen? May taasa waxa jawaan shaafi ah ka bixiyay Wasiirka Qorshaynta oo Waaheen u waramay waxaanu ku xusay in aanay ilaa hada is haleelin. Maxay dhigaysaa siyaasadda Miisaaniyaddu sadex bilodkiiba hala amr in warbixin laga keeno. Meeday miyaad ka aragteen Xukuumadda Warbixinahaas marka laga reebo waxbaanu qabanay mooyaane.

La soco qaybo kale oo aanu ku faaqidi doono siyaasadda Miisaaniyadda Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo