Tababare David Moyes oo Waqtigiisa Cusub ee Man United Madax Xanuun ku Bilaabay.

0
107

David-Moyes-1876289W.Wararka: Tababaraha cusub ee kooxda heysata horyaalka Ingiriiska Manchester United David Moyes ayaa kulankiisa ugu horeeyey ee Man United hogaamiyo la kulmay guuldaro cajiib ah, ka dib markii looga badiyey 1-0 kulankii ay shalay isaga hor yimaadeen kooxda laga soo xulay cayaar yahanada ka Ciyaara horyaalka dalka Thailand.

Xidigaha Horyaalka Thailand ee Singha All Star XI ayaa si aan la fileyn kubada ula qaybsaday kooxda Manchester United isla markaana guuldaro dhabarka u saaray tababare Moyes oo waqtigiisa cusub ee United madax xanuun ugu bilowday.

Inkastoo kulankan uu ahaa mid saaxiibtinimo oo ay kooxda isugu diyaarineyso horyaalka soo socda iyo qaabka iyo cayaaryahanada ay ku cayaari doonaan ayaa hadana waxey muhiimad gaar ah u laheyd macalinka cusub ee kooxda oo natiijada kulankan ka dib dusha saartay cadaadis iskiis ah ka dib guuldaradan aan qofna filanayn.

Cayaaryahanka Teerathep Winothai ayaa kooxda Singha All Star XI ee Dalka Thailand u dhaliyey goolka ay ku badiyeen 5 daqiiqo ka dib markii laga soo noqdey nasashada qaybtii hore ee ciyaarta. Cayaaryahan Wilfried Zaha oo bedel kusoo galay kulan oo u ahaa kiisii ugu horeeyey ee uu safto isagoo heysta Astaanta kooxda Man. United ayaa ku dhowaa inuu gool bareejo ah u dhaliyo laakiin Goolkaas birta ayaa ka beenisay.

Qaar ka mid ah xidigaha United ayaan kulankan safan dhaawac ama fasax dartiis waxaana laga xusi karaa Rooney oo dhaawac dartiis dib loogu celiyey Ingiriiska, Robin van Persie, David de Gea, Vidic, Smalling, Young, Nani, Kagawa iyo Valencia.

Kulanka soo socda ayey Manchester United ku cayaari doontaa 20 Bishan magaalada Sydney ee dalka Australia waxaana la filayaa iney kooxda kusoo biiraan goolhaye  De Gea iyo gooldhaliyaha kooxda Van Persie iyagoo marka ka dibna u sii gudbi doona dalka Jaban halkaas ku sugayo kubad sameeyaha jabaaniiska ah Shinji Kagawa.

Inkastoo dhamaadkii ciyaarta waraysiga uu siiyey saxaafada ku sheegay inuu heysto lacag uu ku Kharash gareeyo suuqa kala iibsiga xagaagan, iyadoo Manchester United ay raadineyso buu yidhi ciyaartoyda ugu fiican aduunka.