Somaliland: Soo Dhoweynta Bisha Ramadan

0
175

Badweynta Suugaanta Eebaheen hibada u siiyey ee ku asal hoyata Somaliland  waxa ka mid ahaa suugaanta lagu soo dhoweeyo Bisha Barakeysan ee Ramadan.

raWaxa aad loogu xiisoodaa maqalka qasiidooyinkii Somali iyo Carabi ba lahaa ee Ramadaanta lagu maamuusi jiray ee laga siin deyn jiray Radio Hargiesa oo ahaa ababshihii suugaanta dadyowga Af-Somaliga ku hadla oo dhan. Qasiidooyinkaasu waxa ay abuuri jireen jawiga  rooxaaniga  ah ee ay bisha barakaysan ee ramadaan leedahay. Jawigaa oo bisha soon si weyn  looga dareemo carriga Somaliland oo dhan.

Habeenkaa la filayo bilashada bisha  ayaa dhagaha loo wada taagi jiray dhinaca raadiyowga, mar Alaale iyo marka ay idaacadu ku dhawaaqdo in ay barito bisha soon kow tahay, ayaa waxa lagu  xigsiin jiray codkii rijaaliga ahaa ee Aw Maxamad Xaaji Cabdi Sancaani :

 Marxab Marxab yaa Ramadaan wa yaa marxabaa bika yaa Ramaadaan.

Waxa dabadeed bilaabmi jiray qasiidooyin  kale oo farabadan oo gaar u ahaa soo dhoweynta bisha barakeysan waxana ka mid ahaa heesta ay midhaheeda ka mid ahaayeen:

Ramadaan way bilataye ajarka aan rogrogono.. oo ay ku luuqeyn jireen kooxdii caanka aheyd ee Walaalo Hargeisa

Markaasay mar kaliya wadanku  faraxad isla wada oogsan jiray.Waxa dadka kuwada baahi jiray dareen diineed oo khushuuc iyo Alla-ka-cabsi ku dheehanyihiin..

Marka uu afurku soo dhawaado waxaad maqli jirtay ducadii  Sheekh Sancaani:

Yaa tawaab Tub calaynaa wali Waalideynaa yaa Tawaab…

Jaza Allahu sayidanaa Muxumad.……….Iyo ducadii iyaduna aheyd :

Allaahu ma Innaka Cafuwun kariimun Tuxibu Al Cafwaa Fa acafu canaa/

Miridhada ka hadhsan eedaanka maqrib waxa lagu sii sugi jiray foodhidii labada cod lahayd ee Xamari ee Radio Hargeisa laga sii deyn jiray.( kolkaanu yar yareyn waxa aanu odhan jirnay foodhidaasu waxa ay leedahay fadhiista ..fahiista)

Heesta ugu Caansan

Heesta ugu caansanayd ee Ramadaanta ka bixi jirtay radiyowga waxay ahayd heesta ka dambeysa Aadaanka ee lagu afuri jiray,waxana luuqdeeda macaan kusoo tabin jirtay fanaanada weyn, cimrigeed ha raagee, Shamis Aboker Ismaaciil( Guduudo Carwo).Waxana erayadeeda ka mid ahaa:

Cuna-Cuna Cabba oo Cuna.
Caafimaad iyo Cashar Weeyee Cuna Cuna

 Waa Cadceed Dhici

 Culimada la Yidhi Cisi ku Afura,

 Imikay Cuntado ay Xalaal tahee tahee  Cisi ku Afuroo
Cuna-Cuna Cabba oo Cuna.
Caafimaad iyo Cashar Weeyee Cuna Cuna

Xaraan Aadoon Cudur Daar Lahayn
lama Calashadee Waa Caariyee,
Imikay Cuntaduu ay Xalaal tahee  Cisi ku Afuroo
Cuna-Cuna Cabba oo Cuna.
Caafimaad iyo Cashar Weeyee Cuna Cuna

Soonkoo Ciyaar Cisho kaaga Takay,
Wuu culusyahee Ciida ku Simoo,
Imikay Cuntado cad Xalaala tee Cisi ku Afura,
Cuna-Cuna Cabba oo Cuna.
Caafimaad iyo Cashar Weeyee Cuna Cuna

Markaas dabadeed ayaa idaacadda lagasii deyn jiray  barnaamijyada kale oo xadiis leh oo wacdi leh oo qasaa’id leh. Waxana ugu caansanaa labadan qasiido oo midna  15 ka hore ee bisha la qaadi jiray oo soo dhoweyn looga jeeday midna 15 ka dambe la qaadi jiraay oo sagootin bisha lasii macasalaameynayo looga jeeday.
Marxab Marxab yaa Ramadaan Wayaa Marxabaa bika yaa Ramadaan 
(15 ka hore, soo dhoweyn)
Muwadac Muwadac yaa Ramadaan bi Wadaacatulla yaa Ramadaan (15 ka dambe, sagootin)
Waxa kale oo ka mid ahaa suugaantaa bisha ramadaanta ee brakeysan lagu xormeyn jiray :
1. Bishaanu sugaynay saalamu calaykum. Soontii Ramaadaanay salaamu calaykum, Sareedo barwaaqooy bishaannu sugaynaay soonkii ramadaaney Salaamu Calaykum: By  Maxamad saleebaan.
2. Dayaxii reer Makaad: 
By  Cismaan Maxamad
3. Ramadaantii baxsanayd Marxaba (15 ka hore). Ramadaantii baxsanayd ma baxday( 15 ka dambe): By Maandeeq.
4. Bisha soon qaata barakadeeda: By  Hiba Maxamad
5. Ha la soomooy ha la soomo sodonka Ramadaan ha la soo: By Sooraan.
6. Bisha soon xurmeeyo nafta xakameeyi aakhira xasuusta iyo Bishii Ilaahay aradka nuuray iyo qaar kaloo badan.

Barnaamujyada idaacadda lagasii daayo wax iyana barbar socday; kolka salaada taraawiixda lasoo guto ayaa waxa  makhaayadaha iyo goobaha kale ee la iskugu yimaado laga bilaabi jiray casharo tafsiirka quraanka kariimka ah iyo wacdiyo diini ah oo la xidhiidha bisha barakeysan oo socon jiray ilaa iyo waqtiga suxuurta. Barnaamujyadaa oo socon jiray bisha Ramadan oo dhan. Runtiina waxa ay barnaamujyadaasu ahaayeen kuwo kor u qaada iimaanka iyo aqoonta diinta ee dadka.

 

Halkan laguma soo koobi karo taariikhda iyo sugaanta Ramadaanta ee ay gaarka u lahayd Somaliland.

Waxa markhaati ma doon ah heerka ay suugaanta Somaliland ee bishan barakeysan loogu talagalay uu gadhsiisanyahay oo cidina soo ag dhigan karrin.Nasiib darose waxa weeyi, warbaahinta casriga ah ee reer Somaliland oo aan fahamsaneyn ahmiyadda ay leedahy dhaqankan soo jireenka ah ee reer Somaliland u gaarka ah ee ay ku xishmeeyaan bisha soon. Barnaamujkaa aynu wax ka taataabanay intiisa badanu cimrigiisu wuxu jiraa nus qarni iyo in ka badan. Hadaba waxa nasiib daro ah in aanay jirrin ama ay yartahayba in wax weyn lagu kordhiyey. Waxa iyana daba socda suugaanta ay reer Somaliland kusoo dhoweeyaan ciidal Fiftriga ama ciidaha kaleba oo iyaguna ahaa kuwa u gaar…

Gunaanad:

Waxan hadaba naga talo ah dadka buugaga qora ama ehelka u aha suugaanta ururiskeeda in ay ka faa’iideystaan suugaanta qaniga ah ee gaarka u ah Somaliland oo ay ka diyaariyaan buugag dhaxalgal inoo noqda oo jiilasheena dambe ku faanaan oo wax ka bartaan dhaqankeena suuban. Waxa kale oo iyana jirtay cuntooyin ( Ramadan Cuisine) reer Somaliland gaar u ahaa oo bishan la karsan jiray oo iyaguna u baahan in la ururiyo oo la xasuusto.

Sidaa waxan u leenahay iyadoo imika aad arkeyso sida xawliga ah ee loo bililiqeystay suugaanteenii iyo dhaqankii suubanaa ee gaarka  u ahaa reer Somaliland oo cid waliba iska sheegato.

Allaahu-ma Innaka Cafuwun kariimun Tuxibu Al Cafwaa Fa-cafu canaa!!!

AAMIIN !!!
By: M.A. Ali & A. Aw Hussein