Manuel Pellegrini & Kooxdiisa Man City oo kulankeedii ugu horeeyay guuldaro afka loo galiyey

0
84

pellgrimi'W.Wararka: Tababare Manuel Pellegrini ayaa guuldarro ku bilowday kulankiisii ugu horeysay ee Man City iyadoo kooxda Ingariiska ay guuldarro 2-0 ka soo gaadhay kooxda reer South Africa Supersport ciyaar ka dhacday Pretoria,

Tababare Pellegrini ayaa si xun uu ku bilowday inkastoo ciyaarta ay aheyd mid saaxiibtinimo, waxaana natiijadan ay imaaneysaa maalin ka dib markii kooxda ay isku magaalada yihiin ee United & macalinkooda cusub David Moyes uu isaguna ku bilowday guuldarro ka soo gaadhay xiddigaha Thailand.

Ciyaar yahanka cusub Fernandinho ayaa saftay kulankiisii ugu horeysay ee City iyadoo Vicente Kompany, Samir Nasri, Gareth Barry iyo Edin Dzeko ay sidoo lagu bilaabay ciyaarta, laakiin waxba ma aysan keenin waxaana dhamaantood la bedelay qeybtii labaad ee ciyaarta, laakiin ciyaar yahanada Toure, Jeloen Lescott iyo James Milner ayaa ahaa kuwii qeybtii labaad ee ciyaarta si weyn u muuqday.

Goolasha ay ku badisay kooxda Supersport waxaa ay kala kala dhaliyey Mame Niang oo shabaqa soo taabtay daqiiqadii 56aad iyo Kermit Erasmus oo hurdada u diray City ciyaarta oo sideed daqiiqo ka dhiman tahay, taasoo guul lama filaan ah siisay kooxda reer South Africa ee Super Sport.

Laakiin dhaawac soo gaadhay dhamaadkii ciyaarta ciyaar yahanka khadka dhexe ee city Yaya Toure ayay hayd wer werka ugu weyn ee city.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Ivory Coast ayaa soo galay ciyaarta qeybtii labaad iyadoo labada kooxood ay bedel badan sameeyeen, waxaana uu garoonka ka baxay isagoo lugta laa  laadinayay daqiiqadii 84aad ee ciyaarta.